Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Masjid laga hirgaliyey Tuulada Gabo oo Hiiraan ka tirsan

Wararka MaantaHS:-Guud ahaan gobolka Hiiraan waxaa ka socda mashaariic kala duwan kuwaasi oo ay intooda badan halkaas ka hirgalinayaan qurba joogta reer Hiiraan



Inkasta oo aan halkaan lagu soo koobi karin mashaariicda laga hirgaliyey halkaas iyo kuwo badan oo jidka ku soo jira hadane shacabka ku nool Tuulada Garbo oo ka mid ah tuulooyinka ku xeeran caasimada gobolka Hiiraan ee B/weyne ayaa ugu danbeyn halkaas looga dhisay masjid weyn oo ay dadka tuulada iyo masaafurkaba ku tukan karaan.



Masjidkaan oo ay iska kaashadeen qaar ka mid ah qurba joogta reer Hiiraan ee ka soo jeeda degaanka Garbo iyo Indhacaad ayaa ugu danbeyn waxaa si weyn u soo dhaweeyey qeybaha bulshada ee ku nool tuulada oo ay ugu horeeyaan waxgaradka Tuulada.



Gudoomiyaha Tuulada Garbo Bile Xuseen Xaamud ayaa uga mahadceliyey walaalaaha qurbaha ku nool ee masaajidkaan dhismahiisa ka qeyb qaatay kaasi oo aad u daboolaya baahi badan oo loo qabay meel lagu cibaadeyso oo ay dadka tuulada degan salaada jameecada ku tukadaan.



Dadka Tuulada ayaa iyaga dhinacooda marka la eego dadaal dheeri ah sameeyey iyagoo siweyn uga qeyb qaatay dhismaha masjidka halka qaarkood ay masaajidka ugu deeqeen Baraak weyn oo xiliga roobka biyaha lagu keydiyo.

Gudigii howshaan u xilsaarnaa ee wakiilka ka ahaa qurba joogta mashruucaan qeyrigaa fulisay oo kala ah.Dr C/qadir Muumin Warsame,Eng Cabdi-Daahir Muxumed Nuur (Dhaashane) iyo Dr Cabdulaahi Muumin Warsame (C Gurey) ayaa ku nuux nuuxsaday in dhismaha masjidkaan uu ahaa codsi ka yimid dadka tuulada kadib waxaan ka shirnay arintiisa 25-kii Dec 2012 waxaana la soo gabo gabeeyey dhismahiisa 25-kii Janaayo 2013 waxaana dhismahiisa ka qeyb qaatay dad badan oo qeyrka jecel oo iskugu jira reer Hiraan, Soomaali iyo muslimiin kaleba sidaa waxaa yiri Dr C/qaadir Muumin Warsame oo ahaa madaxii mashruucaan.



Marka laga soo tago masaajidkaan laga hirgaliyey tuulada Garbo waxaa xusid mudan in dhawr sano ka hor magaalada B/weyne laga hirgaliyey masjid labo dabaq ah kaasi oo ay halkii mar kutukan karaan 2500 oo qof.


Isku soo duuboo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta aad ugu baahan in laga haqab tiro mashaariicda muhiimka u ah bulshada sida meel ay ku cibaadeystaan, Schoolo iyo waliba hadiiba loo heli karo xarumo caafimaad amaba ugu yaraan First Aid.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,606,184 unique visits