Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS- Deegaanada Puntland oo ay ka qaxayaan ganacsatada iyo siyaasiyinta kadib..

Wararka MaantaHS:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xarakada Shabaab ay halkaas si cilmiyeysan ula wareegeen siiba maskaxda shacabka ku dhaqan magaaladaas kuwaasi oo siweyn oo waliba la dareemayo ula shaqeynayo kooxda Shabaab oo mararka qaarkood soo gala gudaha magaalada kana daneysta dhawr saac dibna ugu laabta.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in xiriirka shacabka Boosaaso iyo madaxweynaha Puntland uu waayadanba aad u xumaa taasi oo keentay in ay xiriir la sameeyaan amaba Shabaab ku saacidaan qabsashada meelo badan oo deegaanada Puntland ka mid ah.dadka degaanka qaarkood ayaa ku doodaya in dhaqaalaha ka soo xarooda dekeda oo dhan ay ku dhacaan gacanta shaqsiyaad sida ay sheegeen ka soo jeeda beelaha leysku yiraahdo Maxamud Saleemaan maadaama madaxa ugu sareeya dekeda uu iyagu yahay.

Maamulka Puntland oo sanadkii tagay shirar badan oo ka dhacay magaalada Garoowe marti galiyey soona jiitay indhaha beesha caalamka waxuu hada marayaa xaalkooda heerkii ugu xumaa taasi oo keentay in maanta ganacsatadii waaweeyneyd iyo siyaasiyiin badan oo ka soo horjeeda madaxweyne Faroolaha Puntland ay iskaka hayaamaan halka qaarkoodna wararkii ugu danbeeyey ay sheegyaaan iney caruurtooda iyo xaasaskooda kala baxayaan kadib markii la sheegay in Shabaab soo gaareen amaba lagu arkey qeybo ka mid ah gobolka Nugaal taasi oo laga yaabo iney kala jaraan isku socodka magaalada Garoowe iyo Bosaaso oo muhiim u ah isku socodka ganacsiga Puntland.

Inkasta oo uusan jirin qabiil wada xun amaba qabiil wada fiican oo Soomaaliyeed hadane beesha Majeerteen oo mudo ku mashquulsanaa sidii beelaha Soomaaliyeed leyskugu diri lahaa amaba loo kala dili lahaa si ay danahooda guracan u gaaran laga soo bilaabo 1960 ilaa 2012 waxaa siyaasadooda ku ciyaaray madaxweyne Faroole oo isaga qudhiisa marka ay xaalada isku dhabaqdo qorsheynaya inuu hantida ka taala magaalada Garoowe la aado dalkii uu qaxootiga ku ahaa mudada .

Waa macquul in ay wali beeshu madaxa ciida ka ceshaneyso laakinse Soomaalida maanta nool waxey u arkaan beel daneysta yaal ah oo hadba meeshii ay mac macaan ku arkaan u carara.

Marka laga soo tago dagaalada iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland waxaa dhici karto baa la leeyahay inuu hakad galo ganacsigii guud ee Puntland kala dhaxeeyey gobolada kale ee dalka xoolahii laga dhoofin jiray Boosaaso iyo badeecadahii kale ee laga iibsan jiray halkaasne loo weeciyo meelo kale oo ay Mogdishu ugu horeyso.

Xarakada Shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney taageero ka helayaan beelo la sheegay iney aaminsan yahiin in ay ku dulman yahiin maamulka Puntland amaba siyaasada Faroole taasi oo ay ka door bidayaan in.........

Isku soo duuboo Puntland waxaa ka socda qalalaaso ay adag tahay inuu si dhab ah u fahmo qof aan xog ogaal aheyn. magaalada Boosaaso oo dhinaca dhaqaalaha magaalooyinka ku yaal koofurta Soomaaliya kaka jirta kaalinta 3aad marka laga reebo magaalada Mogdishu oo ay yaalaan dhaqaalaha ugu badan geeska Africa iyo magaalada B/weyne oo kaalinta labaad kaka jirta dhinaca dhaqaalaha maadaama xoolaha ugu badan ee la geeyo Puntland iyo qudaarta ay halkaas ka yimaadaan.

Dadka reer miyiga ah ayaa soo sheegaya in meelo cayiman oo ka mid ah gobolka Nugaal ay ku sugan yahiin kooxda Shabaab, halka ay magaalooyinka waaweyn ku soo deeyeen dhalinyaro bistoolado ku hubeysan oo loogu talo galay iney fuliyaan dilalka qorsheysan.

La soco wararkeena danbe iyo xaalada Puntland iyo Shabaab hadba heerka ay mareyso.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,613,799 unique visits