Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Shiikh Adan Madoobe Jubooyinka Hal beel ayaa maamul u dhisaneysa

Wararka MaantaHS:-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur" Madoobe" ayaa ka digay in maamul aan laga tala gelin dadka deegaanka loo sameeyo deegaanada Jubooyinka, iyadoo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo Kismaayo shirweynaha maamul u sameynta.

Shiikh Aadan Madoobe oo dib Muqdisho ugu soo laabtay, kadib safar uu mudooyinkan ku joogay magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxo doonaya in maamulo u sameeyaan Jubooyinka iyo Gedo, ayuu sheegay inuu kala hadlay in aan lagu fududaan maamul loo sameeyo deegaanadaas.

“Waxaan Nairobi kula soo kulanay qolooyinka ku howlan maamul u sameynta Jubooyinka, waxaa kula talinay in aan lagu fududaan dhismaha maamulkaas oo aan lagu deg degin”ayuu yiri Aadan Madoobe.

Gudoomahii hore ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in beel gaar ah ay wadato maamul u sameynta Jubooyinka aysana jirin cid ka yeeleysa, isagoo ka digay in maamul aan dadka deegaanka lagala tashan loo sameeyo maadaama aysan Jubooyinka aysan degenayn hal beel.

Marka laga soo tago hadalka ka soo yeeray masuulkaan xilal kala duwan ka soo qabtay waqtiyadii danbe Soomaaliya wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in siyaasiyiinta dowlada Kenya ugu jirta beesha Ogaadeen ay saf ugu jiraan sidii ay ula kulmi lahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka Prof Hawaari oo dalka Kenya ku sugan, xili aad looga walwalsan yahay in baarlamaanka Soomaaliya la hor keeyo in ay sharci aheyd qaabkii ay dowlada Kenya ciidamadeedu ku soo galeen gudaha Soomaaliya, arintaan oo hadii dib u eegis lagu sameeyo keeni karta inba ay baarlamaanka u codeeyaan iney sii joogaan iyo in kale.

Sikasta oo ay ahaataba urur goboleedka IGAD ayaa dowladan cusub ku tijaabinmaya maamulka Jubaland hadii ay ku guuleystaane dalka intiisa kale faragalin doona maadaama ay arimaha maamulkaas ku bixinayaan malaayiin dolar.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
14,638,407 unique visits