Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wararkii ugu danbeeyey iyo magaalada Kismaayo

Wararka MaantaHS:-Urur goboleedka IGAD oo ay 22-kii sano ee ugu danbeysay u soo shaqo tageen in ka badan 300 oo siyaasiyiin African ah kuwaasi oo iskugu jira qaar howl gab noqday iyo kuwo danahooda gaarka ah ka dhax raadsanaya si ay mushaar uga helaan mushkilada ka aloosneyd dalka Soomaaliya mudooyinkii danbe ayaa mar qura hurdadii ka kacay kadib markii ay Soomaaliya yeelatay dowlad masuuliyiintooda lagu doortay caasimada Soomaaliya ee Mogdishu aduunyadana ay siweyn u aqoosatay.

IGAD oo weysay meel ay kala qabsato isbedelada cusub ayaa si ay bulshada Soomaaliyeed ee hada helay iftiinka yar ee ay kaka baxayaan dhibaatadii mudada soo jirtay kadib markii amaan iyo rajo ay dib ugu soo laaban karaan qurba joogta Soomaaliyeed loo helay degaano badan oo ay caasimada Soomaaliya ku jirto ayey waxey ugu danbeyn doonayeen iney dib u soo nooleeyaan maamulkii fashilmay ee Azania iyagoo magaca uun ka bedelay oo hada ugu yeero midkaan cusub Jubaland State,kadib markii ay ku daaleen mashruuc ay mudo dhaqaalo ku cunayeen kaasi oo ay ugu magac dareen Capacity Building Programe.

Bal aan dulmarno halka ay maanta wax marayaan.

Dowlada Kenya oo ay ciidamo si sharci daro ah ku soo galay dalka Soomaaliya kaka sugan yahiin gobolada J/hoose iyo Gedo oo ay gadaal ka riixayeen siyaasiyin ka soo jeeda beesha Ogaadeen oo iyagu doonaya iney iibiyaan dhulka Soomaaliya maadaama lagu tiriyo beelaha aan si rasmi ah u daganeyn gudaha Soomaaliya oo ay waligood wadamada deriska ah ku noolaan jireen iyo urur goboleedka IGAD oo horey u handadi jiray hadba dowladii kumeel gaar ah ee dalka ka jirtay ayaa qorshahoodu ahaa in ay Jubooyinka iyo Gedo u sameeyaan maamul loogu magac daray Jubaland iyadoo leyska indha tirayo in dalku leeyahay dowlad iyo calan baluug ah oo ay dhaxda kaka taalo xidig amaba hadaan si kale u dhigno jiritaanka qaranimo.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo oo la qorsheynayey inuu ka furmo shirkaas ayaa lagu soo waramayaa iney ka baaqsadeen wafi ka socday IGAD oo ku soo wajahnaa magaalada Kismaayo.warku waxuu intaas ku darayaa in IGAD ceeb ku noqotay shir aysan dowlada Soomaaliya fureynin oo aysan hogaanka iyo talada aysan iyadu heynin hadii uu ka furmo Kismaayo oo ay iyaga kaliya shirka goob joog ka noqdaan waxey ka cabsadeen in ay hal mar qabtaan indhaha beesha caalamka oo loo arko qas wadayaal maadaama ay doonayeen in ay howsha gadaal ka maamulaan si ay danahooda uga gaaraan gobolka ay doonayaan iney dalka intiisa kale ka gooyaan ee J/hoose oo sida wararka qaarkood sheegayaan xitaa calan cusub loo sameeyey.

Arinta kale ee walwalka dhalisay ayaa ah hadii ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqdo amaba ay sii wado maamulada ay u sameyneyso gobolada dalka oo ay horey ugu sameysay gobolka Bay hadana ay miiska u saaran tahay ku dhawaaqida maamulkii ka howl gali lahaa Hiiraan. culeyska ugu weyn ee hada IGAD ka heysta maamulka Jubooyinka waa midkaan oo waxey ka walwalayaan inba ay dowlada maamul kumeel gaar ah u soo magacowdo J/hoose oo kaliya kadibna Gedo ku xijiso, halkii ay sugayeen in ay magaalada Kismaayo soo gaaraan wafti ka socda dowlada howshana iyaga maamulaan ,waftiga dowladana uu magac u yaal u ahaado si berito aduunyada loogu sheego in maamulka Jubooyinka ay goob joog ka aheyd dowlada Soomaaliya oo ay iyada wax ka dhistay.

Marka laga soo tago IGAD iyo shirweynaha markii labaad baaqday ee la filayey inuu ka dhaco Kismaayo.bal xageey wax u marayaan beesha Ogaadeen oo hada dalka Soomaaliya magacyo fara badan meelaha qaarkood looga yaqaano.

Beesha Ogaadeen waxaa ku soo fool leh Qatar aan la dheyelsan Karin marka la eego dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay beelaha Soomaalida Kenya qaarkood ka wdaan gudaha wadankaas.warar xaqiiqda u dhaw ayaa sheegaya ay gudaha dalka Kenya shirar kala duwan ku leeyahiin qaar ka mid ah Soomaalida Kenya kunool amaba gobolka waqooyi bari marka laga reebo beesha Ogaadeen.

Shirarkaan oo horu dhac ah ayaa ujeedada ugu weyn lagu sheegay sidii doorashooyinka soo socda amaba ka dhici doona dalka Kenya mustaqbalka loogu codeyn lahaa siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaalida kale ee aan aheyn beesha Ogaadeen.dunidan aynu ku nool nahay waxkasta waxaa bilaaba tiro yar xumaan iyo samaanba kadibna bulshada waxaa loo gaarsiiyaa si tar tiib tartiib ah howshan oo u muuqata mid bilaaw ah waxaa horboodaya tiro yar oo waliba aqoonyahano u badan waxaana laga yabaa hadii ay soo xoogeysato in isbedel muuqda ku keento siyaasiyiinta beesha Ogaadeen ee hada iyagoo isku haleynaya awooda iyo difaaca ciidamada Kenya doonaya iney dalka intiisa kale ka gooyaan Jubada Hoose sida wasiirka difaaca, gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Kenya Jawaari iyo Xildhibaan Yusuf Hasan.

Isku soo duuboo magaalada Kismaayo waxey ku danbeyn doontaa mid dhiig badan ku taato xitaa hadii lagu dhawaaqo maamulka Jubaland iyadoo la garab marayo dowlada Soomaaliya.

La soco wararkeena danbe iyo dhulka ay waligood lahaayeen umada Soomaaliyeed ee Jubooyinka ee la doonayo in bal marka hore shaki la galiyo si berito dalka intisa kale looga gooyo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,633,651 unique visits