Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wajigii labaad ee dalka loog asifeynayey kooxda Shabaab oo bilaabanaya

Wararka MaantaHS:- Wararka naga soo gaaray degmada Xudur ayaa sheegaya iney tahay magaalada mid cidlo ah oo y kusugan yahiin kaliya ciidamo jahwareersan oo ka tirsan kooxda Shabaab. waxaa fashil ku dhamaaday qorshe ay kooxdu ku dooneysay iney shacabka magaaladaas ku qanciyaan in ay dib magaalada ugu soo laabtaan iyagoo waliba xiriiro lasameeyey waxgarad ka soo jeeda degaankaas oo magaalada iskaka baxay.saraakiil uu kamid yahay Abuu Mansuur Roobow ayaa siweyn u qirsan in iyaga iyo shacabka Soomaaliyeed ay labo wado kala mareen marba hadii meeshii ay tagaan loo firaaqeynayo halkii ay shacabka dhawr sano ka hor ka heli jireen caawinaad.

Sidoo kale wararka laga helayo taliska dhexe ee Amisom ayaa muujinaya in dhawan la galayo wajigii labaad ee dalka looga sifeyn lahaa kooxda kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Mareykanka. qaabkaan ayaa wax badan ka duwan qaababkii kooxda loola dagalami jiray waxuuna iskugu jiraa dagaal dhulka iyo cirka ah amaba hadaan si kale u dhigno qaabkii Al Qaacida looga saaray dalka Mali dhawaantan oo ah mid aad loogu guuleystay oo meeshii lagu sheego iney joogaanba inta aan dhulka laga weerarin hawada laga duqeeynayey.

Ka bixitaanka ciidamada Ethiopia qeybo dalka ka mid ah.

In ay dalka ka baxaan ciidamada Ethiopia waxey faa'ido weyn u tahay umada Soomaaliyeed si ay u soo noqoto kalsoonidii ciidamada qaranka Soomaaliya oo dhawaantan isbedel muuqda lagu sameeyey saraakiishii hogaamineysay dhibaatooyinka muuqda oo ka dhax taagnaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ugu weynaa in ay aad ugu adkeyd in ay shacabka dhax galaan oo ay kasbadaan waxaana la qaatay meelaha ay dalka kaka sugan yahiin in ay ka baxaan maadaama xitaa hadii ay Shabaab la wareegaan aysan kooxdu hada heysan taaro shacab oo si sahlan looga saari karo meelkasta oo ay qabsadaan.

Waxaan la dafari karin taageero la,aanta Shabaab ka heysta shacabka Soomaaliyeed maadaama ay bulshadu xasuustaan wali dhibtii ay bulshada u geeysteen. sidoo kale waxaan shaki ku jirin in ay kooxdu bur burtay waxana arintaas ka marqaati kacayo hadal uu dhawaan idaacadaha ka jeediyey afhayeenka ururka Shabaab Cali dheer oo leh waligey ma arag dad intaa la eg oo ka soo jeedo beesha Murusade oo hal meel lagu dilay oo wada qaraabo ah. Ali Dheere waxuu ahaa shaqsigii marka bulshada Soomaaliyeed la xasuuqo gaaleyn jiray maantana isaga iyo saraakiil badan oo kooxda ka tirsan waxey ku soo aruureen danaha qabiilkooda iney ka hadlaan maadaama ay meesha ka baxday dantii guud ee Alqaacida iyo midii Shabaab.

Isku soo duuboo meelkasta oo ay ciidamada Ethiopia ka baxaan oo dalka Soomaaliya ka tirsan maanta waa guul waxaana loo qaatay in ay ku ekaadaan xaduudooda maadaama aysan ciidamada Ethiopia ruux uu ilaahey nafta ka qadayo aysan bad baadin karin intii Soomaali ka dhimatay iyo inta maanta nool qaabka ay u dhimanayaan waa mid Alaah Subxaanu watacaalaa u taalo ayey leeyahiin dadka ay ku weyn tahay qaranimada iyo Soomaalinimada aad ayeyna u soo dhaweynayaan ka bixitaanka Ethiopianka ay ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya si loo soo nooleeyo ciidamadii qaranka Soomaaliyeed intey doontaba ha qaatatee.

Marka laga soo tago qaraxyo iyo dagaalo naf la caari ah oo ay kooxda Shabaab ka wado qeybo ka mid ah koofurta Soomaaliya hadane marka aad aaad xaalada ka eegto dhinaca kale Soomaaliya siiba caasimada Soomaaliya iyo gobolada ku xeeran waxaa ka socda horumar xoogan tan iyo markii la howl galiyey in ay shaqeeyaan dekeda iyo Airporka Mogdishu oo hada ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan wadamada geeska Africa.sidoo kale waxaa dalka dib ugu laabanaya qurba joogtii ugu badneyd tan iyo markii uu wadanku yeeshay dowladan cusub lagana baxay kumeelgaarkii.

La soco wararkeena danbe iyo burburka xoogan ee soo gaaray kooxda Shabaab kadib markii ay luntay kalsoonidii kala dhaxeysay shacabka Soomaaliyeed dhawrkii sano ee la soo dhaafay.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,581,141 unique visits