Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
liyijing46

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shirkii ka socday magaalada Kismaayo

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya marka taariikhdiisa dib loo eego siiba sanadahii colaadaha iyo dagaalada sokeeye amaba hadaan si kale u dhigno 22-kii sano ee ugu danbeysay waa la waayey shir ay dabada ka riixayaan shisheeye oo ay bulshadu ku najaxaan.

Marka aad dibada ka joogto amaba aad maqasho sida ay mediyaha Soomaalida qaarkood wax uga qoraan shirka ka socda Kismaayo iyo marka xaqiiqada dhab ah si hoose loo dhuuxo amaba qaabka uu shirku u socdo aad u guurgasho waxaa kuu soo baxeyso kaaf iyo kala dheeri.

Madashada shirka waxaa maalintii iskugu yimaado odoyaal iyo rag xukun doon ah oo kala ujeedo ah waxaana maalinba maalinta ka danbeysa niyada lagu dhistaa in ay shirka ka soo qeybgalayaan amaba ay joogaan ergadii 3da gobol u mataleysay shirka maamul u sameynta Jubaland hadane waxkasta oo ay waxgaradkaas isla meel dhigaan oo wanaag ah go,aanka ugu danbeeya waxaa leh dowlado shisheeye ah maalinta danbe ay leysku imaanayana wax kale oo aanba meesh aoolin ayaa laga hadlaa halkii doodii shaleyto meesheedii laga dhameystiri lahaa.

Inta aysan odoyaasha iyo ragaan xukun doonka ah subaxii kulmin waxa telefon looga soo diraa dadka shirka hogaaminaya dalka Kenya waxaana loo sheegaa in ay maalinkasta madasha shirka tagaan si goobta ugu egaato meel shir ka socdo dabadeedna waa leysku masawiraa.mid ka mid ah dadka degaanka amaba odoyaasha ku nool magaalada Kismaayo ayaa laga soo xigtay isagoo leh meeshaan shir kama socdo ee waxaa ka socda film musalsal ah kadib markii uu akrey sida dadka meesha iskugu yimid in ay wax wada dhistaan oo ay hal go,aan yeeshaan iyagoo Soomaali ah oo ka amar qaadanaya dowladdooda aysan u muuqanin.

Xitaa ururkii shirkaan dabada ka riixayey ee dhiiragalinayey in ay wadanka ka sii howl galaan hogaamiye kooxeedyada ee IGAD kaarto kasta ee ay keenaan wey usocon ladahay iyaga iyo beesha iibsiga ugu jirta dhulka Soomaaliyeed ee Ogaadeen, maadama ay howlaha Jubooyinka iyo sidey wax u socdaan ay dowlada Soomaaliya indhaha ka daawaneyso oo la hareer maray sharcigii wadanka u degsanaa iyo xornimadii umada Soomaaliyeed.

Iskaba daa beelaha kale ee Soomaaliyeede Jabhada Raaskaambooni ee uu hogaaminayo wadaadka xagjirka ah ee horey uga tirsanaan jiray xarakada Shabaab Ahmed Madoobe iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadiisa isku si wax uma wadaan waayo in ay wax ku heshiiyaan looguma talo galinba markaad eegto sidey wax u socdaan.

Shirar maalmahan uga socda beesha Ogaadeen dal iyo dibad ayey is tusiyeen in ay qaar beesha ka mid ah ku fududaadeen in ay shir ku qabtaan dalka Kanada oo ay dhawr beelood oo Soomaali ah mar qura yiraahdaan waa nala xasuuqay iyadoo aysan beeshu gaarin hadafka ay ku dooneysay in ay marka hore gacanta ku dhigaan Jubooyinka waxaana markii danbe leysla gartay in ragii muuqaalkaas duubay oo uu ugu horeeyo madaxii Radio Ogaal Hasan Karatee in ay ka saaraan goobahii ay galiyeen waxaana youtubeka laga saaray muuqaalkii laakinse copy ayaa mar hore laga sameystay degaano badan oo gudaha wadanka ka mid ahne mar hore ayuuba gaaray isagoo DVD laga sameeyey shirkii foosha xumaa ee aan laga fiirsan cawaaqibka uu ku reebi karo beesha Ogaadeen oo waliba sidii dad dagaal u diyaarsan oo ficil sameyn kara dumarka iyo caruurta hortooda sidey iyagu jeclaayeen hadalka iskaka jiibinayey wallow beeshii shirkaan la abaabushey ee Majeerteen uga baxeen markii ay dantoodii ka gaareen ujeedadii shirkaas loo qabtay.

Isku soo duuboo shacabka Soomaaliyeed ee Jubooyinka kuwooda ay kuweyn tahay Soomaalinimada iyo in la helo qaran Soomaaliyeed rajo xumo aad u weyn ayey ka muujiyeen in ay shirkaas ka soo baxaan wax muuqda amaba nidaam shaqeeya maadaama ay dadka hogaaminaya isku qaldayaan qabiilka iyo qaranka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,585,753 unique visits