Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- maamulkii kumeel gaarka ahaa ee Hiiraan oo lagu dhawaaqayo

Wararka MaantaHS:-Magaalada Mogdishu waxaa ka socda qaban qaabadii ugu danbeysay ee loogu dhawaaqayo maamul kumeel gaar ah oo shaqeeya mudo cayiman. maamulkaan oo ay aheyd in mar hore uu ka howl galo Hiiraan ayaan la ogeyn waxa keenay in ku dhawaaqidiisa lala soo daaho ayaa hadane bulshada Hiiraan oo aad ugu kalsoon wasiirka qeyraadka, xildhibaanada amaba siyaasiyiinta reer Hiiraan ugu jirta dowlada dhexe oo ku mashquulsanaa qaabeynta maamulkaan kumeel gaar ah si ay iyaguna maamulka cuusb u soo diyaariyaan nidaam sahlaya in doorasho loo maro madaxtinimada Hiiraan ayaa hada u muuqda mid gabo gabo maraya xiligii lagu dhawaaqi lahaa.

Dhinaca kale shir ay maanta ku qabteen magaalada Mogdishu qaar ka mid ah waxgarad reer Hiiraan ah ayaa talo ku soo jeediyey in ay gudaha Hiiraan ka dhacdo doorasho xalaal ah si bulshadu u helaan hogaan daacad ah. waxgaradkan ayaa qodobadooda waxaa ka mid ahaa in bulshada Hiiraan loo madax banaaneeyo qaabkii ay u maareyn lahaayeen dhismaha maamul goboleed sida dalka qeybo ka mid ahba bulshadoodu u sameysteen maamul goboleed hoos taga dowlada dhexe.

Inkasta oo ay waxgaradkaan intooda badan aysan ku xirneyn bulshada Hiiraan oo ay Hotelada Mogdishu shirarka noocaan ah markasta ku qabsadaan maadaama aysan jirin wax kale oo ay Mogdishu ka qaban karaan, hadane waxey iskugu jiraan dhawr nooc odoyaashaan. qaar aanba garaneyn xiligii Hiiraan ugu danbeysay hal maalinba alla haka dhigee aan waligood ka hadlin dhibaatada shacabka soo gaartay oo ay ugu danbeysay shuban biyoodka hada ka jira halkaas. qaar siyaasad ahaan la isticmaalayo oo shaqsiyaad ay la jecel yahiin in ay hogaamiyaan bulshada Hiiraan oo ay doonayaan in ay u ololeeyaan marka doorashadaas la gaaro si loo sii maqlo magacyadoodana in ay shirarka noocaan ah Mogdishu ku qabtaan amaba ka qeybgalaan shirkasta iyagoo qaarkood la baxayo jagooyin aan la aqoon xiliga loo caleema saaray sida Boqor hebel iyo wax la mid ah maadaama reer Hiiraan aan lagu aqoon hogaamiye dhaqameed loogu yeero Boqor oo ay yaqaanaan Ugaas,Waber,Suldaan amaba nabadoon iyo wax la mid ah, waxey shirar ku qabtaan Mogdishu iyadoo inta badan la sheeganayo amaba la isticmaalayo magaca bulshada Hiiraan xili aysanba ka warqabin nolosha dhabta ah ee ka jirta Hiiraan maadaama dadka shirarkaas qabta intooda badan aysanba jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo shacabka Hiiraan.

Laakinse marka dhinaca kale laga eego shirka waxgaradkaan ay ku qabteen magaalada Mogdishu waxuu muujinayaa biseylka ka muuqda reer Hiiraan meelkasta oo ay joogaan iyo sida ay ugu go,an tahay iney degaankaas u helaan maamul goboleed iyadoo aan haba yaraatee lagu hor cararin dowlada Soomaaliya xili ay bulshadu qorsheyneyso in ay dhismaha maamul goboleedkaas u mari doonaan habka ugu wanaagsan uguna macquulsan ee ay reer Hiiraan ku qanci karaan dowladan cusubna ay wada shaqeyn u dhax mari karto.

Isku soo duuboo shirkasta oo la qabto iyo talo soo jeedinkasta amaba hadalkasta oo sidii la doono loo qurxiyoba waxaan shaki ku jirin in madaxtinimada Hiiraan loo marayo doorasho marka uu dhamaado waqtiga kumeel gaarka ah ee maamulka cusub ee dhawaan la filayo inuu ka howl galo Hiiraan waaba hadii ay dowladan diyaar u tahay in hanaanka dowladnimo u gaaro meel ka baxsan Mogdishu maadaama ay isku mashquulineyso maamulo aan diyaar u aheyn ka hadalkooda xili kuwii diyaarka ahaa ku dhawaqidooda xitaa ku qaatatay dhawr bilood xili waliba uu Mogdishu xaadir ku yahay shaqsigii hogaamin lahaa maamulka cusub oo ah shaqsi siweyn loogu kalsoon yahay.

Markaad u guurgasho qaabka ay dowladan u shaqeyso waxaa kuu soo baxeysa in aysan siyaasiyiinta Soomaalida siiba kuwa dalka hogaaminaya aysan diyaar u aheyn in ay dalka ka saaraan dhibta ka jirta maadama ay ku qanacsan yahiin safarada dibada iyo nabadgalyada Mogdishu kaliya xili ay dalka dhan ka baxayaan ciidamada dowlada Ethiopia.hadiise uu xaalkooda sidan ku socdo oo ay howlaha dhinacooda ka fududeyn waayaan waxey halis u tahay in ay lumiyaan taageerada ay hada ka heystaan bulshada Hiiraan oo ah kuwa kaliya ee dalka Soomaaliya laga maqlo magac dowladeed maadaama deegaanada ay ka soo jeedaan R/wasare Saacid, wasiirka maaliyada iyo kan warfaafinta aysanba aaminsaneyn wax la yiraahdo dowlad wadanka ka jirta maadaama beelahooda qaarne sheeganayaan Ahalusuna, Puntland oo iyadu isku aragta dowlad iyo Jabhada Raaskaambooni oo IGAD dabada la gashay iyagoo leh Jubaland ayaan dhiseynaa dowladna ma naqaano, hadaba maxaa kuwaas warkooda cadeystay loola yaabayaa kuwii diyaarka u ahaa dowlada ayaanba ixtiraam iyo wadashaqeyn dhab ah kala kulmeynine ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Hiiraan ee shirkaan soo abaabulay.

La soco wararkeena danbe iyo hadba meesha ay mareyso xaalada siyaasadeed ee Hiiraan oo raga u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hiiraan ay mustaqbalka dhaw marayaan doorasho ka duwan amaba ka adag kuwii ay mari jireen maamulada Puntland iyo Soomaaliland maadaama ay xilkaas u taagan yahiin rag cul culus oo laga yaabo inba qaarkood ay adkaato si loo kala saaro marka ay soo bandhigaan waxqabadkooda iyo sida ay u shaqeyn doonaan 4ta sano ee soo socota maadaama ay qaar musharaxiintaas ka mid ah ay hada ku mashquulsan yahiin qaabeynta qaabka ay shaqeyneyso maamulkaas hadii ay ku guuleystaan sida aanu ku heleyno ilo lagu kalsoonaan karo.

Isha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,599,786 unique visits