Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 1
wesleyzs16

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qeybtii labaad Taariikhda Gobolka Hiiraan

Wararka MaantaQeybtaan waxaan kaka hadleynaa qaabkii ay u dhaceen doorashooyinkii iyo qaabkii loo dhisay dowladahii gobolada waqooyi iyo kuwii koofureed iyo sida ay xisbiyadu isku soo reereebeen amaba ay doorashada ugu soo baxeen kadibna dowlada midnimo qaran lagu dhisay.

TAARIIKHDA GOBOLKA HIIRAAN

Gobolada Waqooyi:Doorashadii 1959kii ee gobollada Waqooyi(Biritish Somaliland).26/Juun 1959kii maalinta xurriyadda ee gobollada waqooyi.1da Luulyo 1960kii maalinta xurriyadda iyo midowgga gobollada koofureed iyo gobollada waqooyi.

Waxii ka danbeeyey dhismihii xukumaddii daakhilga ahayd ee kofurta Soomaliya

1959kii inkasta oo ay gumeysigii Ingiriisku wateen siyaasado u gaar ah waxaa jiray halgan ay wadeen hoggamiyoyaal ka tirsan gobollaada waqooyi oo iyagana ka miradhaliyay kuna khasbay gumaysigii ingiriiska in ay ka qaataan xurriyadooda kuna biiraan walalahooda koofureed 1da luulyo 1960kii.

Gumaysiga ingiriiska wuxuu qabanqaabiyay doorasho barlamaani ah 17kii bisha febraayo 1960kii, waxaana ku tartamay doorashadaas axsaabta kala ah SNL(Somali National League) ,USP (United Somali Party) iyo MUF (National United Front) oo dhamaantood ka dhisnaa gobolada waqooyi.

Xisbiga SNL wuxuu ka helay doorashadaas 20 kursi oo ka mid 33 kuri ee golaha baarlamaanka, xisbiga USP 12 kursi iyo Xisbiga MUF 1 kursi.

Labada xisbi oo kala ah SNL iyo USP oo ka helayay taageero bariga iyo galbeedka gobollada waqooyi.labadaas xisbi waxay ahaayeen axsaab waddaniyiin ah oo aaminsanaa in si deg deg ah gobollada waqooyi u qaataan gobannimadooda halka uu ka aaminsanaa xisbiga MUF in toban sano loo baahanyahay in ingiriiska sii joogo dalka. Labadaas xisbi waxay sameeyeen isbahaysi loogu magacdaray SNL/USP wxayna dhisteen xukuummad ka kooban 5 wasiir uu ku jiro raiisulwasaaraha. sida hoos ku qoran waxaa xukumadaas ka mid ahaa amaba hogaaminayey:-

1-Md.Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal – Raiisulwasaare 2- Cali Garaad Jaamac – wasiir
3.Ax’ed Xaahi Ducaale (keyse) – wasiir 4.Xaaji Ibraahim Nuur – Wasiir 5.Xaaji Yuusuf Iimaan - wasiir.

Dismahii labadii xukuumadood ee koofurta iyo waqooyi waxay u gogol xaartay in ay furmaan wadahadallo la xirira sidii loo midoobi lahaa.

Waxaana koofurta Soomaaliya yimid Wafdgii ka yimid gobollada waqooyi uuna hoggaaminayey raiisulwasaare mudane. Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal iyagoo cadaadis badan kala kulmay shacabka gobollada waqooyi oo rabay midnnimada deg deg ah waxay aqbaleen in ay la midoobaan koofurta shuraad la’aan ,tasoo keentay markii dambe mugdi mugdii soo kala dhexgalay gobollada waqooyi iyo kuwa koofureed.

Xisbiyadii ka jiray koofurta Soomaaliya iyaga qudhooda waxaa soo kala dhaxgalay khilaaf xoogan Intii ay doorashadii barlamaanka ee 1959kii socotay hoggamiyaashii SYL,khilaafkaas oo ku saabsanaa amaba salka ku hayey sida loola macaamilayo maamulkii Talyaaniga oo cadaadis badan saaray Ururka SYL isagoo aaburay ururro siyaasadeed oo isaga raacsan iyo kuwo qaabiil ku dhisan oo rabo dalka in la kala googooyo.

Si arrinkaas looga hortago waxa iskuguyimid shir golehii dhexe ee xisbiga SYL waxayna go’aamiyeen in axsaabta Talyaaniga raacsaneed loo soo jeediyo in loo fidiyo cafis kuna soobiiraan xisbiga SYL lagana tiro magacyadooda buugga madow oo loogu qorijiray dadka gobannimada ka horjeedo.Arrinkaas wuxuu ka careysiiyaay dad ka mid golaha dhexe ee xisbiga SYL.Khilafaadkaas isaga ah wuxuu keenay in xisbigu u kala jabo labo qaybood.1.Qayb uu hoggaaminayay mudane.Aadan Cabdulle Cismaan oo ah Xoghayihii guud ee xisbiga ee berigaas iyo 2.Qayb uu hoggaaminayay md.Xaaji Max’ed Xuseen oo mar ahaa xoghaye guud ee xisbiga SYL.

Siyaasadii ku saabsaneed in loo ogolaado axsaabtii racsaneed Talyaaniga in ay ku soo biraan xisbiga SYL markii la go'aamiyay dadkii diidanaa waxay samaysteen xisbi mucaarad ah oo lagu magacaabo GSL(Great Somali League) xisdbigaas oo qaadacay doorashadii barlamaanka ee 1959kii.

Dorashadii 1959kii kaddib waxaa loo doortay mudane.Aadan Cabdulle cusmaan guddomiyaha barlamaanka kaasi oo ahaa amaba ka soo jeeday Hiiraan,Waxana la dhisay xukummad ka kooban 7 wasaaradood sida hoos ku qoran:

1.Md.Cabdullaahi Ciise Max’uud Raiisulwasaare iyo wasiirka arrimaha gudaha (Reer Hiiraan)
2.Md.Sheekh Cali Jimcaale Wasiirka arrimaha bulshada (Reer Hiiraan)
3.Md.dr.Max’ed sheikh Gabyow wasiirka Dustuurka (Reer Banaadir)
4.Md.Max’uud Cabdi Nuur wasiirka howlaha guud (Reer J/Sare)
5.Md.Xaaji Faarax Cali wasiirka dhaqaalaha (Reer Hiiraan)
6.Md.Salaad Cabdi Wasiirka (Reer J/Hoose)

Dhismihii xukumaddii midnnimo qaran ee 25luulyo 1960kii waxaa soo Ifbaxay in xildhibaannadi SNL ay u arkaan in dhismaha xukuumadda midnimmada qaran lagu saleeyay qabiil ee aan lagu salaynin sidii Jumhuuriyadda Soomaaliya ay ku timid midow labo dowlladood oo kala madaxbannaanaa, sidaas darteedna ay aheed in awood qaybsi caddaalad ku dhisan la sameeyo. Sidaas si la mid waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeyo Siyaasiyiintii Gobollada koofureed oo qaarkood u arakayay in madaxwene md.Aadan Cabdulle Cismaan u xagliyay dhinaca reer xididkiisa oo ahaa Majeerteen uuna khayaanay saaxibbadiis ay halgganka dheer soo wadagaleen sida md.Cabdullaahi Ciise Maxm’ud, md.Xaaji Faarax Cali Cumar md. Sheekh Cali Jimcaale iyo md.Max’ud Cabdi Nuur.Xukuumaddii midnnimo qaran howshii ugu horreysay ay ku dhaqaaqaday waxay aheed in xildhibaannadii golaha shacbka u kala qaybiso qayb iyada tageersan iyo qayb ka soo horjeeda.Si ay u hesho amaba u kasbato taageerayaal badan waxay billawday in ay isticmaasho istaratijiyadii gumaysiga oo aheeyd sida hoos ku qoran:

1. In xildhibaannada xukuummadda taageersan la siiyo dhaqaale.2.In Shaqalaha dowlladda lagu qoro,laguna dallacsiiyo qaraabokiil,eex.3.In lagu magacaabo howlwadeennada dowlladda qaab qabiil iyadoo xildhibaan kasta loo siiyay awood loogu shaqaaleeyo xigtadiisa amaba dadka uu isagu wato.
4.In taliska booliska soomaaliyeed laga dhigo mid uu hal qabiil leeyahay.5.In gudoomiyaal degmo iyo kuwo gobollo lagu magacaabo qaab qabiil.6.In taliyaasha saldhiyada booliska ee degmooyinka iyo gobollada lagu magaacabo qaab qabiil.

Siyaasadaas ku dhisan qaraabokiilka,eexda iyo maamulxumida waxay u horseedday in ay dalka hareeyso khilaafaad siyaasadeed , maamuleed, bulshadeed iyo ugu dabeyn mid dhaqaale.

Khilaafaadkii siyaasadeed: Waxaa laga dhaxlay amaba saldhig u ahaa habkii loo qaybsaday xukuummaddii midnnimmada qaran oo ay siyaasiin badan oo reer waqooyi iyo reer koofurba leh diidanaayeen.

Khilaafaadka maamul: Waxaa saldhig u ahaa in saraakiisha dawlladda badankooda oo aqoon ku filan u lahayn habka wax loo maamulo.

Khilaafaad bulshadeed: Waxaa saldhig u ahaa iyadoo wax laga qabannin arrimaha la xiriira waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.Waxaa la xiray dugsiyo badan oo ka furnaa dagmooyin badan oo dalka ku yaalay, kaddib markii wasiirkii cusbaa ee wasaaradda waxbarashada md. Cali Garaad Jaamac uu shaqada ka eryay macalimiintii gobollada koofureed badankooda uu talyaaniga soo diyaariyay muddadii 10 sano aheed uu dalka maamulayay isagoo ku andacooday in afka ingiriiska ay wax ku dhigikarin waxana lagu wareejiyay macallimiintaas xoogga dalka soomaaliyeed halkaas oo ay ka noqdeen ilaha saraakiisha xoogga dalka.Macallimiintii waqooyi ka soojeedayna ma noqonnin kuwo buuxinkaro baahida dugsiyada iyagoo tiradooda aheyd 700 oo macallin. Sidaas darteed waxaa albaabada laysugu soo dhuftay dugsiyo badan oo ka furnaa koofurta Soomaaliya.

Khilaafka dhaqaale: Waxaa saldhig u ahaa dhaqalaha ka yimaadda waxsoosaarka dalka gudahiisa sida dhoofinta xoolaha ,muuska , beeyada iyo mucaawanada ka timmaado dowladaha deeqaha bixiya oo gacanta loo geliyay dad tiro yar oo iyaga loo ogolaaday in ay wax dhoofiyaan soona waaridaan iyagoo la siinayo rukhsado ganacsi(LC).

Arrimaha kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan waxay ka caraysiiyeen siyaasiin badan oo reer waqoowi ah iyo kuwo reer koofureed ah ayna kala hoggaaminayeen mudane.Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo md.Sheekh Cali Jimcaale Baraale.

Midowgii gobollada koofureed iyo gobollada waqooye ee 1 Luulyo 1960kii waxaa ka dhashay Jumhuuridda Soomaaliya.Sida cahdiga kumeelgaarka ku qornayd waxaa noqonayay madaxweynaha ku meel gaarka ee Jumhuuriyadda Soomaaliya guddoomiyha Barllamaanka ilaa muddo sannad ah inta laga diyaarinayo distuur dalku uu yeesho aftinana loo qaado.Dabcan waxaa madaxweyne noqdday Aadan Cabdulle Cismaan oo markaas ahaa guddoomiyaha Barllamaanka Gobollada koofureed. Waxaa billabmmay wadaxaajood ku saabsan sidii loo dhisi lahaa xukuummad midnnimo qaran oo ay raalli ka wadayihiin dhammaan shacaka ku nool Juhuuridda Soomaaliya.

Natiijada aftidii dustaarka waxay u gogol xaartay in la doorto madaweynihii dalka hogoomin lahaa muddada 6 sano ee soosocoto sida u dhigayo distuurka qaranka.

Doorashadii madaxweynennimo waxaa u soo istaagay labo mudane oo ku abtirsado amaba ka soo jeeday gobolka Hiiraan oo kala ahaa, madaxweynihii ku meelgaarka ahaa mudane.Adan Cabdulle Cismaan iyo wasiirka caafimaadka & shaqada mudane.Sheekh Cali Jimcaale Baraale.

Sida distuurka uu qorayay waxaa noqonayo madaxwene murashaxii helo 2/3 codka xubnaha mudanaayaasha baarlamaanka ee koorumka buuxiyo madashana jooga .Tirada xildhibaannada barlamaankana waxay ahaayeen 121 xildhibaan.

Wareeggii kowaad ee doorashada waxaa hal cod dheeraad mudane. Sheekh Cali Jicaalee. Wareeggii labaadna waxay noqdeen barbaro,Wareegii saddaxadna xildhibaannadii u ololeynayay mudane. Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa ka soo qaaday isbitaalka mudane Cabdullaahi Major oo xanuunsanayay kaasoo codkiisa ku biiriyay codadkii uu helay md.Aadan Cabdulle Cismaan wareeggii saddexaad halkaas uu kaga guulaystay Sheekh Cali Jimcaale Baraale hal cod.Md.Sheekh Cali Jicaale markii uu arkay in halcod oo keliya looga guuleystay intuu soo kacay ayuu ugu tagay md.Aaadan Cabduulle Cismaan kursigii uu ku fadhiyey kadibna u hambalyeeyay. Falkaas wuxuu tusaale u ahaa amaba siyaasiyiintii xiligaas tusiyey sida uu md.Sheekh Cali Jimcaale u ahaa siyaasi diyaarsanaa oo guusha iyo guuldarada kala yaqiinay siyaasad cusubna u furay siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee xiligaas jiray si hadii mustaqbalka laga guuleysto ay u aqbalaan.

Sida distuurka ku qornaa qof alle qofkii madaxweyne loo doorto wuxuu noqonayaa xubin barllamaan oo joogta ah,sidaas darteed booskii xildhibaanimada ee md.Aadan Cabdulle Cusmaan waxaa soo galay md.Xaaji Cabdisamad oo reer Hiraan ahaa , waxeyna reer Hiiraan ku lahaayeen baarlamaankaas tirade guud 13 xildhibaan.

Maddaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan 27luuliyo waxuu r/wasaare u magacaabay C/rashiid Cali Sharma'arke golohiisii Wasiirada oo ka koobanaa 14 wasaaradana waxey ahaayeen sidan:-

1.Md.dr.Cabdi/shid Cali Sharmarke Raiisulwasare Majeertee/Darood G/ Majeerteeniya
2.Cabdi Xassan Buuni Ra’isulwasare kuxigeen Gadabursi G/waqooyi galbeed Gadebiirse Dir
3. Axmed Xaji Ducale Wasiirka Beeraha Isaaq H/Jecel waqooyi Bari
4.Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal wasiirka gaashandhigga Isaaq H/Awal G/waqooyi Galbeed.
5.Cali Garaad Jaamac Wasiirka Beeraha Dhulbahante /Daarood G/Waqooyi Bari
6.Cabdulqaadir Max’ed Aadn Wasiirka Maaliyadda Raxanweyn/Disow G/J/Sare
7.Cabdullaahi Ciise Max’uud Wasiirka Arrimaha Dibadda Habargidir Hawiye G/Hiiraan.
8.Sheekh Cali Jimcaale Baraale Wasiirka Caafimaadka & Shaqada Xawaadle Hawiye G/Hiiraan.
9.Sheekh Cabdulle Aw Max’uud wasiirka waeshada Iyo Gancsiga Mareexaan/Daarood G/Mudug.
10.Cali Max’ed Hiraave Wasiirka Warfaafinta Abgaal/Hawiye G/banaadir
11.Cabdirizaaq Xaaji Xuseen Wasiirka Ariimaha gudaha Majeerteen /Darood G/Mudug.
12.Max’uud Max’ed Ax’ed (Kutoboxoor) Wasiirka Cadaaladda Abgaal/Hawiye G/Banaadir.
13.Cabdi Nuur Max’ed Xuseen Wasiirka arrimaha Bulshada iyo Isgaarsiinta Raxanweyn
14.Sheekh Cali Ismaaciil (Weeyaane)Wasiirka gaashaandhigga IsaaqH/Yoonis G/Waqooyi bari.

Dowlladda midnnimo qaran ee la dhisay waxay dadka Soomaaliyeed ka dhur sugayaan waxqabad ku dhisan caddalad ,sinaann iyo hufnaan si dalka loo hormariyo xageyse ku danbeysay?.

Siyaasadii xukuummaddii midnnimada qaran ee mudane.Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee 1961kii waxay ku socotay waddaadii tii ka horreysay ee uu raiisul -wasaaraha ka ahaa xiligii lagu guda jiray kumeelgaarka, waxayna ku guuldarreysatay in ay wax ka qabato baahidii faraha badneed ee shacbiga Soomaaliyeed oo aheed in ay barwaaqo iyo bashbash uu keenidoonto dowllannimada iyo madaxbannaanida, waxaana daliilil u ahaa sida ay Soomaalidii xiligaas jirtay u aaminsanaayeen dalkooda una muujiyeen daacadnimo iyo wadan jaceyl iyagoo ku tilmaameen dalka Soomaaliya inuu la mid yahay "sida hal geel ah oo caanaheeda ku filnaandoono dhamaan shacbiga Soomaaliyeed meelkasta uu joogo".(Maandeeq).Taasi ma dhicin bal waxay dib ugu celisay shacbiga Soomaaliyeed waayihii ka horreeyay gumaysiga iyaddoo soo xirxirtay dugsiyadii ,bukaan socodyo eektooyinkii oo horayba u yaraa ee dalka hore uga jiray.Haddii aan tusaale ahaan u soo qaadano waxaa ka jiray gobolka Hiiraan dugsiyo iyo bukaan socodyoeektotoyin iyo baro lagu kulmiyo xoolaha laguna daweeyo.Waxaa ka mid ah dugsiyadaas,bukaan socod ektooyinkaas iyo baraha kulanka xoolaha oo ku kala yiillay , Maxaas, Moqokori ,kiloomitir 41 oo hadda loo yaqaanno Halggan,Buuqda Caqable, Bilaal,

Jimbilay,Buulo wabar iyo Jalalaqsi.Sidoo kale haddii aan tusaale kale u soo qaadanno waxaa gobolka majeerteeniya laga soo xiray dugsiyo badan oo ku yiillay Tuulooyin badan oo kala ah,Geesoley, Murcaanyo,Baargaalle iyo kuwo kale. Sidoo kale waxaa la soo xiray dugsiyo ku yiillay J/Hoose sida Bilis Qowqaani,Badhaadhe,Buulo Xaaji,

Kamsuuma, Singuuni iyo Deema. Wax qabad la’aanta xukuumadda mudane. Cabdi- rashiid Cali Sharma'arke wax u dheeraa siyaasadeedii ku wajahneed burburunta midnimmadii iyo kalsoonidii ka dhexeysay shacbiga soomaaliyeed oo ay juhdi iyo waqti badan ku bixiyeen dhisiddeda siyaasiintii u soo halgamay gobonnimada. Xakuumaddaas waxay ku caan baxday iyadoo jagooyinka dowlladda ku magacawdo heeb waxaan tusaale u ah.

Inta aanan u guda galin qaabkii uu Cabdi rashiid Cali Sharmar'arke u bur buriyey ciidamadii Soomaaliya amaba qabiilka u isticmaalay.Xukuumaddii daakhiliga ahayd ee uu raiisulwasaaraha ka ahaa mudane Cabdullaahi Ciise Max’uud waxay dekreeto ku soo saartay in la dhiso ciidammada nabadgelyada gudaha (police Force) iyo ciidamma difaaca dalka (Somali national army),waxaana loo kala magacaabay in ay taliyoyaal ka kala noqdaan labadaas ciidan,Jeneraal Max’ed Abshir taliya boliiska,Jeneraal Daauud Cabdulle Xersi taliyaha xoogga dalka waxaana taliye ku xigeenno loo magacaabay jeneraal Max’ed Ibraahim (Liiqliiqato) Taliska Booliska iyo jeneraal Max’ed Siyaad Baree Taliska Xoogga dalka

Laakinse marka loo eego sida uu u dhaqmay R/wasaare sharma'arke waxuu burburisay nidaamkii lagu dhisay taliska booliska iyo kan xooga dalka Soomaliyeed sannadkii 1960kii Isfahamkii akhyeereed ahaa ee loogu magic daray(Gentlemen agreement) oo ahaa in taliyaha booliska noqday general Max’ed Abshir Muuse (Daarood) ,taliye ku xigeenkana Jeneraal Max’ed Ibraahim Liiqliqato (Hawiye). Sidaas si la mid waxaa noqday taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daauud Cabdulle Xersi ,taliye ku xigeenna waxaa noqdday Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Khilaaf soo kala dhexgalay taliyihii booliiska iyo ku xigeenkiisii .Si arrintaas loo xalliyo waxaa looga dooday golaha wasiirada ee xukuumaddii Cabdirashiid Cali Sharmaarke dood dheer kaddib waxaa u suurogalay in uu golaha marsiiyo qorsho laga soo shaqeeyey oo ahaa in jeneraal Liiqliiqato loo wareejiyo taliska xoogga dalka lagana dhigo taliye ku xigeenka labaad ee xoogga dalka mar haddii uu hore u ahaa taliye ku xigeenka koowaad jeneraal Maxamad Siyaad Barre. Qorshahii uu watay wasiirka arrimaha gudaha oo ahaa in la magacaabo taliye ku xigeenka taliska booliska ayaa khilaaf xun ka yimid wasiirka oo rabay in taliye ku xigeenka la dhigo Korneel Jaamac Cali Qorsheel (Warsangeli, Harti Daarood) oo ka tirsanaa gobollaada waqooyi,halka ay kuwo kale uu hoggaaminayay md.Sheekh Cali Jimcaale ay diidanaayeen in hal qabiil oo kaliya gacanta u galo taliska booliska ,waxayna rabeen in laga dhigo taliye ku xigeenka Korrneel Jaamac Max’ed Qaalib (Isaaq) oo isagana ka tirsanaa gobollada waqooyi.Golahii wasaaradda wuxuu taliye ku xegeyn u magacaabay Qoorsheel oo loo dallacsiiyay darajada jeneraal sidoo kale Qalib waxa laga dhigay madaxa hoggaanka howlgelinta ee taliska booliska Soomaaliyeed.Sidoo kale si loo yareeyo carada Isaaqa waxaa loo magacaabay korneel Ismaaciil Axmed Ismaacil taliyaha ciidanka asluubta. Magacaabista Qoorsheel waxay waddada u xaartay in uu taliska booliska gacanta u galo hal qabiil oo ay sida ay doonaan ka yeelaan maamulkii booliska. Magacaabista taliiska boliska wuxuu sidoo kale waddada u xaaray khilaafaad xooggan oo soo kala dhexgalay raiisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wasiirka caafimaadka iyo Shaqada mudane.Sheekh Cali Jimcaale Baraale.

La soco qeybteena danbe iyo dagaalkii dhax maray mudane Shiikh Cali Jimcaale iyo R/wasaare Cabdi-rashiid Cali Sharma'arke meesha uu ku danbeeyey.buugaan aanu ka soo qaadanay qeybo badan oo taariikhdaan ka mid ah wali ma soo baxin laakinse waxaanu isku dayi doonaa in aanu bulshada Hiiraan ugu soo bandhigno qeyb qeyb, qeybteena danbe waxaanu ku soo qaadan doonaa dagaalkii iyo qilaafkii Shiikh Ali Jimcaale iyo R/wasaare Sharma'arke meeshuu aaqirkii daba la galay.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,638,330 unique visits