Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wasiirka qeyraadka iyo dhamaan siyaasiyiinta beesha Xawaadle uga jirta dowlada oo..

Wararka MaantaHS:-Bulshada Hiiraan oo intooda badan bilahii ugu danbeeyey siweyn u taageerayey dowlada Soomaaliya iyagoo intooda badan is tusiyey in ay si sharuud la,aan ah u taageeraan dowladan maadaama uu madaxweyne ka yahay shaqsi reer Hiiraan ah, ayaa hadane markaad xaalada dhinaca kale ka eegto waxaa soo baxaya xaalad ay adag tahay in bulshadu ku socdaan siyaasadaha qiyaaliga ku dhisan ee ah in dowlada la taageero sharuud la,aan.

Fursadaha ay dowladan cusub iska lumiyeen ee hada u muuqdo mid aan wax badan laga qaban Karin.

Shirar badan oo ay bulshada Hiiraan siiba beesha Xawaadle ku yeesheen dibad iyo dal ayaa bilaawgii dowladan waxaa leys tusiyey in aan lagu hor cararin waxkastana laga hormariyo qaranimada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa dowlad hanata amaanka dalka oo ay reer Hiiraan hormuud ka yahiin.

Sidoo kale waxey beesha ku guuleysatay in aan haba yaraatee wax mucaarad ah lagala hor imaan siyasiyiinta reer Hiiraan ugu jirta dowlada dhexe siiba kuwa ka soo jeeda beesha Xawaadle lalana shaqeeyo wasiika qeyraadka iyo hadba tiradii xildhibaano ah oo beesha ugu jirta dowladan cusub taas oo meesha ka saartay inba siyaasiyiintaas loo mucaarado sidii loo mucaaraday kuwii iyaga ka horeeyey siiba wasiirkii qorsheynta ee xiligaas jiray oo isaga iyo ragii ay dowlada iskula jireen ee xildhibaanada ahaa bulshadii la hor yimaadeen in Hiiraan la hoosgeeyo Jowhar oo ka mid aheyd degmo laga jaray gobolka Banaadir taasi oo aaqirkii dhaxalsiisay wasiirkii Qorsheynta iyo xildhibaanadii mudadaasi jiray in meelkasta oo ay tagaan ilaa maanta uusan hadalkooda qiimo badan ka laheyn siyaasada Hiiraan oo xitaa qofkii doonaya inuu siyaasada ku biiro uu ka fogaanayo in lagu shaambadeeyo ragaas.

Wasiirkaan qeyraadka C/risaaq Cumar Mohamed iyo xildhibaanada maanta ugu jira beesha oo badankood waqtigii dagaalka lagula jiray siyaasiyiintii hore ku noolaa qurbaha iyagoo ka faa'ideysanaya qaladaadkii ay horey ugu dhaceen siyaasiyiintii ka horeeyey waxey siyaasadooda ku bilaabeen in ay waxkasta oo ay qabanayaan ku saleeyaan wadatashi iyo iska warqab beesha dhaxdeeda ah taasina waxey dhalisay in lagu dhiiran waayo waxyaabo badan oo ay horey ugu dhaqaaqi jireen shaqsiyaad beesha ka tirsan oo badankooda fashilmay iyo kuwo hada ku mashquulsan sidii ay qaladadkii hore uga soo laaban lahaayeen.

Wasiirka qeyraadka iyo xidhibaanada beesha ugu jira iyagoo ka duulaya taageero la aan dhinaca shacabka ah oo uu bulshada Hiiraan kala kulmay gudoomiyahii dada yaraa ee Hiiraan C/fataax Hasan Afrax waxey is tusiyeen in si mustaqbalka loogu gudbo maamul goboleed in hada Hiiraan loo helo maamul kumeel gaar ah oo shaqeeya mudo cayiman kadibna maamulka bedelaya ay soo doortaan madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan ee Soomaaliya. fikirkaas ma noqon mid buuq dhaliya waxaana iyadoo la ixtiraamayo siyaasiyiinta reer Hiiraan lagu dhiiragliyey in ay maamulkaas soo qaabeeyaan.

Waxaa kale oo lagu guuleystay in uu tanaasul geesinimo leh uu la yimid gudoomiyahii gobolka Hiiraan C/fataax Hasan Afrax oo tan iyo markii uu tanaasulkaas la yimid ilaa maanta ay sumcadiisa siyaasadeed kor u kacday helayna taageerayaal badan oo ay waliba ka mid yahiin siyaasiyiintii dhisay maamul goboleedkii Hiiraan State oo ahaa kuwa kaliya ee siyaasadiisa ka soo horjeeday bulshadana tusiyey siyaasad xumadiisa.

Waxaa lagu guuleystay amaba leys tusiyey in maamulkaas si kumeel gaar ah loogu magacaabo shaqsi reer Hiiraan ah oo qurbaha kunoolaa kaasi oo ah mid ay aad ugu kalsoon yahiin bulshada. waxaa lagu guuleystay in masuuliyiinta dowlada si hagar la,aan ah iyadoo ay bulshadu isticmaalayaan dhaqaalahooda ay si sharaf leh u soo dhaweeyaan dhawrkii mar ee ay Hiiraan booqdeen masuuliyiin ka socotay dowlada xili ay waliba bulshadu ku jireen marxalado adag sida fadahaadii wabiga shabelle,xaalado caasimaad xumo oo ka jiray isbitalka guud ee magaalada B/weyne iyo wax la mid ah.

Nasiib wanaag marka la eego wanaaga iyo qiimaha ay bulshada Hiiraan ugu fadhiso dowladnimada ilaa hada ma hayaan dowladii la fahmi laheyd,dowladaan uu madaxweynaha ka yahay Hasan Shiikh Mohamudna iyaga iyo reer Hiiraan waxey kala marayaan waqti gaaban gudaheed labo wado markaanu xaalada ka eegnay dhinacyo badan iyo sida ay dowladan wax badan uga duwaneyn dowladahii kumeel gaarka ahaa ee horey u jiray.

Inkasta oo aanu dooneyn in aanu mediyaha ku soo qorno go,aano laga yaabo hadii ay banaanka yimaadaan amaba leysku raaco oo miiska u saaran bulshada Hiiraan siiba beesha Xawaadle in ay soo dedejindoonto in dowladaan si lama filaan ah kalsoonida loogala laabto iyadoo meel leyska dhigayo ruwaayadaha bulshada lagu seexiyo oo ay ugu horeyso madaxweynaha ayaa reer Hiiraan ah ee aanu afkeena qabsano iyo wax la mid ah xili sida muuqata madaxweynaha siyaasado u muuqaal eg kuwo xisbigiisa lagu kobcinayo uu ka wado Mogdishu kuwaasi oo aysan reer Hiiraan wax dan ah ugu jirin, inkasta oo ay arintaas dad yar ogyahiin oo aan wali bulshada loo soo bandhigin.

Cabsi laga qabo in ay bulshada Hiiraan diidaan maamulka kumeel gaar ah ee ay dowladan u sameyneyso Hiiran iyadoo dalka intiisa kale bulshadoodu sameysanayaan maamul goboleed.

Inta badan bulshada Hiiraan waxaa hada ka jira guuxweyn iyo dareen aysan qabin dhawrkii isbuuc ee ina dhaaftay kaasi oo ah inay isweydiiyaan waxa ay dowladan u taageerayaan oo iyaga ku qasbaya oo aan bulshada inteeda kale ku qasbeyn?

1- Waxey leeyahiin maxaa dowladan u diidaya in ay ciidamada Hiiraan mushaarkooda bixiyaan oo ay daryeelaan mar hadii ay magaca dowalada ku joogaan Hiiraan?

2- Maxey ugu yaraan ula daaheen maamulkii kumeel gaarka ahaa ee ka howl gali lahaa Hiiraan xili waliba maamulkii hore uu tanaasul la yimid?

3- Maxey indhaha uga qabsadeen xaalada caafimaad ee isbitaalka B/weyne oo uu balan qaad u sameeyey r/wasaare Saacid xiligii uu booqanayey iyadoo aan waliba wax kaalmo ah la weydiisan oo uu isagu balanqaadkaas sameeyey?

4- Maxaa bulshada Hiiraan u diidaya in loo magacaabo jagooyinka muhiim ah kana mid noqdaan siminaarada Soomaali badan loogu qaadayo dibada?

Qodobada kale kuma haboona mediyaha laakinse waa kuwo hadii bulshada la dhax dhigo reer Hiiraan iyo dowlada kala fogeynayo maadaama ay fikradaha qaarkood ka imaanayaan siyaasiyiin horey u fashilmay muhiim maahan in aanu halkaan ku soo qorno.inkasta oo ay reer Hiiraan ka go,an tahay in ay waxkasta u maraan wado wanaagsan.

Hadaan u iftiimino bulshada waxa keenay in maamulkii kumeel gaarka ahaa lala daaho ku dhawaaqidiisa.

Sidii caadada aheyd waxaa xilal aysan mudneyn safaf dhaadheer u soo galay maamulka gobolka beelo uusan waligood Hiiraan uga dhiman wiil difaaca laakinse magaca oo kaliya reer Hiiraan ka ah marka wax la qeybsanayana la dhihi jiray naga daaya inta ay dad ka noqonayaan oo hada isku arka in aan laga warqabin qaabka ay wax ku raadinayaan laakinse loo aamusan yahay inta wax badan oo hada hoos loo dhigaa banaanka ka imaanayaan amaba qorshe Mogdishu lagu dhoodhoobayo oo aan la ogeyn sida uu gudaha Hiiraan ugu shaqeyn doono banaanka ka imaanayo.

Inkasta oo aanu wararkeena danbe kusoo qaadan doono arimo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan siyaasada Hiiraan iyo isbedelo xoogan oo dhinaca dowlada ah oo ay bulshada Hiiraan qorsheynayaan ayaa hadane waxaa jira warar sheegay in laga yaabo inta aan maamulka cusub lagu dhawaaqin in Hiiraan looga yeeri doono siyaasiyiinta beesha Xawaadle ugu jirta dowlada dhexe siiba gudoomiyaha gobolka Hiiraan,aqoonyahanka hada la filayo in maamulka cusub loo magacaabo, wasiirka qeyraadka iyo dhamaan xldhibaanada beesha Xawaadle.

Lama oga waxa laga wada hadli doono iyo sida ay wax badan isku bedeli doonaan waxaase jira guux xoogan iyo tuhun laga qabo in aysan dowladan aheyn mid u diyaarsan isbedel.waxaa macquul ah baa la leeyahay in laga talo baxo maamulka kumeel gaarka ah ee ay awalba bulshadu ku ixtirmaamayeen siyaasiyiinta Hiiraan iyo madaxweynaha oo reer Hiiraan ahaa lagana ilaalinayey inuusan bulshada Hiiraan kala kulmin wax dhib ah laakinse waxuu hada u muuqdaa in sida Soomaalida kale ay dowlada ula xisaabtaneyso loola xisaabtami doono maadaama uu isaga heerkaas gaarsiiyey bulshada oo uu wax badan ka gaabiyey.

Magaca dowlad marka aad maqasho yaa leh horta?

Magaca dowlad sida ay inta badan bulshada Hiiraan u yaqaanaan iyo sida ay Soomaali badan u yaqaanaan waa kaaf iyo kala dheeri. reer Hiiraan waxey aaminsan yahiin in dowladnimadu aheyn wax ay leeyahiin madaxweyne amaba r/wasaare laakinse ay tahay heygal iyo mustaqbal ka dhaxeeya umad leh calan, iyo dhul lagu yaqaano bulshaduna ay i wada jir ah uga qeybqaataan kaalinta kaka aadan,taasi oo ah sababaha ugu weyn ee ay dowlad kasta inta ay iyada ka xumaaneyso ula shaqeeyaan una noqdaan bulshada ugu horeysa ee taageera.
Laakinse meelo badan oo dalka ka mid ah danta beelahooda ayey ka qormariyaan qaranimada taasina waxey keentay in ay adkaato inba dalka Soomaaliya loo helo dowlad rasmi ah madaxweyne kasta oo yimaadana waxaa isku gedaama koox daneysta yaal ah oo aan dalka iyo dadka horumarkooda kala jecleyn.

Bulshada Hiiraan ma yaqaanaan munaafaqnimo laakinse marka ay is tusiyaan amaba loola yimaado siyaasado guracan kuma adkaato iney mowqif ka qaataan xaaladkasta oo ay u arkaan in lagu dulminayo.sida muuqata waxey u badan tahay in ay dowladan dedejin doonto ku dhawaaqida mamul ay ku fashilantay iney mar hore ku dhawaaqdo xili uu maamulkaas taageero xoogan ka heli karay bulshada Hiiraan oo aad loo wada sugayey.

Marka laga soo tago guuxa reer Hiiraan dalka Soomaaliya waxaa ka socda siyaasado qariban una badan kuwo ku qotoma dano qabiil markaad eegto waxa ka socda gobolka Sh/hoose, Jubada Hoose iyo Puntland.

Sh/hoose beelahii deganaa waxaa gumaad ku haya beesha Habargidir oo magac dowladeed kula dagaaleyso marka la eego dagaalkii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Marko markaad Mogdishu joogtana jagooyinka sar sare ee ciidamda sidii ay beeshu ku heli laheyd ayey dagaal ugu jiraan oo waxaa u sharaxan General Galaal oo uu gadaasha ka fadhiyo C/qaasim.

Jubada Hoose waxaa leh maamul goboleed ayaan u sameysaneynaa beesha Ogaadeen oo iyadu ku soo barbaartay gumeysi dowalado shisheeye ah ahna beel aan waligeed arkin xornimo hadana IGAD ayaa I caawineysa leh oo dowladii Soomaaliya ka carareysa.

Puntland amaba Majeerteen waxey leeyahiin waa in ay beesha Daarood helaan labo maamul goboleed oo xoogan sida kan Puntland ka dhisan iyo midka Jubaland Soomaalida kalena ha lagu hayo maamul ilaa heer gobol ah oo kumeel gaar ah.

Sida muuqata waxa ruwaayada loo dhigayo waa reer Hiiraan iyo shacabka Bay iyo Bakool oo iyagu ah bulshada kaliya ee dowladkasta taageera siyaasad kastana lagu tijaabiyo bal eeg meelaha maamulka kumeel gaar ah loo sameynayo waa Hiiraan iyo Bay iyo Bakool qorshe fog ma jirto maalinkastana waxaad maqleysaa waxaa socda qorshe ay dowalada ugu talo gashay gobolada dalka.

La soco wararkeena danbe iyo guuxa bulshada Hiiraan waxaan bulshada u soo bandhigi doonaa wax badan oo aysan ka warheyn iyo sida bulshada loogu maleegayo dhagar aysan mudneyn.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,569,433 unique visits