Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo ay shabakada Hiranstate la yeelatay afhayeenka ee dowlad goboleedka Hiiraan State (Elmi Yare).

Wararka MaantaHS.COM : Mudane afhayeen ma waxaad iska indha tireysaa in ay TFG-da ay iska indho tireyso iney garab istaagto HS iyadoo la ogyahay hogaankeeda iyo siyaasiyiinta shacabka Hiiraan ugu jiro TFGda iney markasta dhahaan reer Hiiraan ha soo midoobaano iyo wax la mi ah?

Afhayeenka HS : Somalidu waxey tiraahdaa islaan fadhida lagdin la fudud. adeer shacabka Hiiraan waxey masraxa siyaasada ka maqnaayeen mudo 20 sano ah dowladahii TFG ahaa ee dalkaan ka curatayna waxaa gacantooda ku soo dhaci jiray dhaqaalo loogu talo galay in lagu hormariyo gobolada dalka Somaliya sida caafimaadka, waxbarashada, nabadgalyada iyo adeega bulshada, Hiiraan waxey ka mid tahay meelaha 20kaas sano aysan jirin cid u hadasha amaba xaquuqda shacabkooda u soo dhiciya sidaasi daraadeed markii aanu ku dhawaqnay HS waxaanu xooga saarnay in aanu la xariirno wadamada deeqda bixiya halka ay marsiiyaan dhaqaalahii loogu talo galay shacabka Hiiraan iyo cida ay ugu dhiibi jireen 20 sano ee inadhaaftay howshaasne waxaa hada faraha kula jiro qaar ka mid ah golaha wasiirada HS oo xafiisyada qaramada midoobay ka codsaday in loo soo gudbiyo liiska iyo sida ay shacabka Hiiraan u caawiyeen 20kii sano ee ina dhaaftay si ay u noqoto record waayo dhaqaalahaas mustaqbalkka waxuu ka mid noqon doonaa deyn lagu shegan doono dalka Somaliya marka si aanu u cadeyno ineysan dhaqaalahaasi aheyn kuwo maray meeshii loogu talo galay dadaalkeeda baanu wadnaa xafiiska ugu horeeya ee aanu hada warbixintaas ka sugeyno waa UNDP howsheduna meel fiican ayey inoo mareysaa, markey soo gabo gaboowdo ayaanu shacabkeena u soo bandhigi doonaa warbixinta iyo waxii aanu kala kulano.

Marka jawaabtaadii oo sax ah waxey noqneysaa in cidkasta oo Hiiraan State diida iyo tii taagertaba in shaqsikasta maslaxadiisa ilaashanayo oo aysan jirin dan guud oo umada Somaliyeed ka dhaxeysa. marka waa in aanu la nimaado aqli iyo wanaag aanu shacabkeena iyo degaanadeena ku bad baadsan karno halkii aanu dad qeyrkeen ah ku dhaleeceyn laheyn iney gurigeena inoo qurxiyaan.

HS.COM : Mudane afhayeen iyadoo ay wanaagsan tahay in dadku ay iyagu isku tashadaan hadane waxaad la socotaa wax kalena iska daaye in shirkii dhawaantan ka dhacay magaalada London ay ka soo qeyb galeen TFGda iyo maamul goboleedyo marka hadii aysan shirkaasi HS ka mid aheyn maamuladii jiray sow aqoonsi loogama baahna TFG-da?

Afhayeenka HS : Runtii waa su'aal fiican balse Hiiraan State waxaa lagu aqoonsaday shirkii 2004 kii ka dhacay Kenya in ay goboladii isku tagi karo ay sameystaan maamul goboleed ay iyagu leeyahiin si nabada looga soo bilaabo min tuulo ilaa heer gobol taasi waxey ku hirgali kartaa in la dhaqan galiyo federal systemka oo ah waxa ay HS aaminsan tahay sidaasi daraadeed shacabka Hiiraan waxey karteen maadama Hiiraan ka mid ahaa goboladii ugu horeyey ee Somaliya in laga dhigo 3 gobol kedibna maamul goboleedkani sidaasi ku yimaado.

hadaanse u soo laabto shirkii London Somalidu waxey tiraahdaa nin maqan oon la tabin waa nin jooga ceebtiis shirkaasi wafti kala nooc ah ayaa iskugu tagay waxaana waftigaas la socday qaar ka mid ah wasiirada reer Hiiraan hadii markii meeshii Somaliweyn iskugu timid ay daremi waayeen inuu ka maqan yahay gursigii, aqligii iyo fikirkii reer Hiiraan inta aanu ka heleyno mid dareensan waanu ku qasban nahay inaanu liqno wax walba. wax kastana hadaanu nahay HS inooga muhiisan inuu jiro nidaam dowladeed oo calankeena meel walba laga arko waxyaabahan yar yaroowka ah iyo ficiladan ku saleysan nin jecleysiga iyo in shacabka HS meelo badan laga colaadiyane waanu ku talo galnay ka hor intii aanu ku dhawaaqin maamul goboleedkani.

HS.COM :Dowlad goboleedka HS maxey ka aaminsan tahay maamulada ka jira dalka intiisa kale haba ugu horeeyaano Somaliland iyoPuntland?

Afhayeenka HS : su'aashaasi ma waxaan kaaka jawaabaa fikirkeyga shaqsiga ah mise midka HS?

HS.COM: labaduba

Afhayeenka HS: Hadaan ku hor maro fikirkeyga shaqsi ah Somaliland waxaan u arkaa shacabka Somaliyeed oo isku tashaday aaminsana iney ka go'aan dalka intiisa kale oo hadii aysan xitaa hamigaas lahaan laheyn maanta degaankoodu ay maamuli lahaayeen amaba ay xoog kuheysan lahaayeen kuwa hada dhibta ka wada koofurta Soamliya. waa shacab marka laga hadlayo jiritaanka Somaliya aad ugu dhaw kuwa koofurta laakinse hada iyagu sidaan in ay dadkooda ku bad baadasaan xal u arka laakinse mustaqbalka midnimada Somaliya iyaga ayuu ka imaan doonaa sidii dhacday 1960 kiiba. marka waxaan ku guubaabinayaa shacabka iyo xukumada Somaliland iney xajistaan nabadgalyada ay heystaan. mida ah fikirka xukumada HS walito xukumadu intey meel iskugu timid kama hadlin Somaliland iyo arimaheeda taasi bedelkeeduna waxey noqontay ninkii tiisa daryeelo ayaa tu kale ku dara, micnaheedu waa ninka Somaliga ah ee maanta Somaliland ka hadli kara waa nin heysta degaan nabdoon shacabkiisuna heystaan nidaam iyo kala danbeyn.

Marka Somaliland waxaa ku nool oo waliba qaxooti ku ah shacab badan oo reer Hiiraan ah oo maanta talo xumo ay sabab u ahaayeen qaar naga mid ah oo siyaasadii guud ku fashilmay awkeed ay maanta ku nool yahiin maamul ay dad qeyrkeen ah ay sameysteen xitaa intaas qaar reer Hiiraan ah uma arkaan ceeb iyo waji gabax oo halkii ay ka shaqeyn lahaayeen iney HS kala shaqeeyaan sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd Hiiraan waxey ka doorbideen iney kuwooda dibada jirane xaasaskooda iyo caruurtooda keenan Puntland, Somaliland, Ethiopia iyo waliba Kenya halkii ay aqli dadkaasi ay dhulkooda ugu noolaan lahayen la imaan lahayeen. hase ahaatee xukumadani hada jirta iyo tii Riyaale wax badan ayey ku kala kedisan yahiin.

HS.Com : Maxaa ka mid ah waxyaabaha ay ku kala kesidan yahiin?

Afhayeenka HS : Waxaa ka mid ah Riyaale waxuu ku fiicnaa arimaha gudaha oo nabadgalyada wal wal lagama qabin. Xukumada Siilaanyona waxey aad ugu fiican tahay arimaha dibada oo halkii ay dowaldii Riyaale ka diidi jirtay iney fadhiisato meelaha arimaha Somaliya looga hadlayo waxaad moodaa in mida Siilaanyo ay waxoogaa ka fir fircoon tahay waayo hadaadba tagin halkii fikirkaada ka gadi laheyd sidee waxa aad rabto aad uga miro dhalin kartaa. marka aniga shaqsi ahaan Somaliland iyo madaxdeeda waa isugukey mid laakinse waxaad moodaa rag aqoonyahano ah oo isbedel dhab ah la imaan karo iney hada hogaanka Somaliland hayaan waa fikirkeyga shaqsi ah taas.

Hadaanse u soo laabto Puntland waa maamul goboleedka kaliya ee Somaliya ka jira oo hadane si rasmi ah ula xisaabtama dowlada federalka ah maadama ay ka taliyaan degaano nabdoon.waana ku amaanayaa sidey shacabkooda ugu ilaaliyeen rabshadaha ka jira koofurta Somaliya iyo sida ay qeybtii ay ku lahayeen Somaliweyn u soo dhacsadaan. maamulkeenuna jidkaas iyo ka wanaagsan ayuu mari doonaa Somalidu waxey tiraahdaa marka ay Mukulaashu maqan tahay Dooliga wuu ciyaaraa taasi micnaheedu waa arimaha Somaliya waxaa isbedel weyn ku sameyn doona Hiiraan State Shacabka Somaliyeedna dulqaad yar ha muujiyaano Somaliya inta ay qasan tahay Hiiraane rajo lagama qabo iney degto amaba dowlada federal ah ka shaqeyso. waayo Hiiraan waa Gateway amaba meel ay shacabka Somaliyeed iyo kooxaha wadanka qaska ka wada danahooda ka fushadaan oo ay hore iyo gadaal u maraan hadan iyada xal loo helina wey adag tahay in TFGda ay soodhaafto halka ay maanta joogto.

Waxaa kale ee uu maamulkeenu soo dhaweynayaa cidkasta oo Somaliyeed oo iyagu sameysanaya maamul goboleed Hiiraan State oo kale ah waxii aanu awoodnane waanu ku garab galeynaa waxii aanu uga baahan nahayna waan weydiisan doonaa oo wada shaqeyn yaa dhamaantood intii aanu isku dan noqono na dhex mari doonta.

HS.COM : Rajo intee la eh ayaad ka qabtaa in shacabku ay taageeraan HS iyo hamiga ku jira ee ay doonayaan iney nabadeeyaan dhulkooda?

Afhayeenka HS : Markastaba shacabkeenu waanu ku kalsoonahay iney na taageeraan waayo marba hadii ay Ceydiid iyoCali Mahdi in la hoos geeyey ay taageereen maxey nagu diidayaan inagoo walaalahooda ah oo maamul aan gacanteena ku dhisanay wadno, inkastoo shacabka Hiiraan ku dhacay dhaqan dooris dhinac kasta ah.

HS.Com maxaad ula jeedaa dhaqan dooris dhinac kasta?

Afhayeenka HS : waxaan ula jeedo waa noocyo badan laakinse waxaa ugu weyn iney halkii ay markii hore iyagu u badnaan jireen in ay is dhaxgalaan ay hada rag iyo dumarba isdhaxgalkoodu u batay umado kale markaas baa markii aad shir ugu yeerto waxaa shirka kaaka ciyaarayo nin amaba naag u dhaxday umado kale oo isugu jira Somali iyo ajnabi intuba. waxaa taasi oo dhan ka sii daran qaarkood markaad shirka HS ugu yeerto waxey ku leeyahiin ma imaan karo hadane waxaad ku arkeysaa shirarka ay qabsadaan maamulada kale ee dalka ka jira iyo kuwa beesha caalamka iyagoo fadhiya. markaas ayaad leetahay maxaad keyga u diiday oo kan kukeenay? waxeyna kuugu jawaabayaan nin reerkani ka soo jeeda ayaan u dhaxay iyo waa ilmaheyga abtiyaashood iyo wax la mid ah, bal waa yaabe aaway degaankii ay ka soo jeedeen oo ay ab iyo isir u lahaayeen?. tasina waxey maanta dhashay jahwareerka shacabkeena ka heysta dhinac kasta taas oo loo aaneynayo hogaan xumo.

HS.COM : Ugu danbeyn maxaad kula talin laheyd shacabka reer Hiiraan iyo Somaliweyn amba fariin ah ood gaarsiinaysaa adigoo ku hadlayo magac guud ee xukumada?

Afhayeenka HS : Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan xukumada Hiiraan State waxaan shacabka reer Hiiraan ku boorinayaa iney ku dadalaan midnimadooda kana shaqeeyaan sidii aanu u soo ceshan laheyn sharafteena iyo karaamadii aanu ku dhex laheyn bulshada Somaliyeed. Waxad og ytahiin in Hiiraan ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee shacabka Hiiraan iyo Somaliweyn lagu dulmiyo si taasi looga bad badane aanu ku dadaalno HS sidii aan ku taageri laheyn dhamaanteen kii ka mid ah iyo kii aan ka mid aheyn.

Waxaa kale oo aan inta damiirka Somalinimo iyo reer Hiiraanimo ku jirto ee walaalaheen ah ka codsaneynaa iney Hiiran State waqti siiyaan ay la timaado waxqabad dhab ah loona tanaasulo inta hada hogaanka heysa si ay berito uga tagaan meel fiican oo wax laga bilaabi karo. waxaana ku boorineynaa in ay garab istaagaan xukumadani cusub iyadoo dhinac kasta laga qeyb qaadanayo sida dhaqaalaha, wacyi galinta iyo waliba sidii aanu caruurteena ugu abuuri laheyn jawi degan oo ay wax ku baran karaan.

HS.COM Mahadsanid Mudane Afhayeen.

Afhayeenka HS : Adingaa mudan

HS.COM : Kaasi waxuu ahaa afhayeenka Hiiraan State

Cilmi Kh Guled (Elmi Yare)

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Puntlander boy on February 13 2011 15:03:02
Thanks. H/State, wareysi miisaaman.
#2 | hiranstate on February 13 2011 17:06:54
fadlan qoraalada fikradaha xur kadhiga waaleydiin mucaaradi karaa leydin taageeri karaa qof walbaa fikirkisa udhafa
#3 | Ali on February 14 2011 14:02:00
Walee Hiiraan aqiyaar culus baa u soo baxday. goormaa inoogu danbeysay rag sidaan isugu kalsoon.

Kalkaa wada wada

Ali USA
#4 | Habiba on February 14 2011 14:03:23
Niyadu meeshey rabto uunbaa lagu nasiin karaa.

Guul Hiiraan State habeen iyo maalin

Habiba

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,633,224 unique visits