Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
nancyid18

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:- Iyadoo uu gabo gabo marayo ku dhawaqidii maamulkii cusbaa ee Hiiraan ayaa wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee caasimada Hiiraan waxey sheegeyaan in gudoomiyahii waqtigiisa dhamaaday ee gobolka Hiiraan C/fataax Hasan Afrax iyo kuxigeenadiisa oo kulan ku yeeshey dhawaan mgaalada B/weyne intii uusan dib ugu laaban magaalada Mogdishu iney isla meel dhigeen inta aysan maamulka cusub la wareegin xilka in ay waxii hub ah oo keyd ah iibsadaan waxaana durbaba jira baqaaro risaas lagala baxay.

Warar leysku haleyn karo ayaa sheegaya in durbaba loo xiray aritaan qaar ka mid ah saraakiisha maamulka oo la tuhmayo in ay arintaan ku lug leeyahiin.hadii ay rintaan oo ay hada dad yari ogyahiin ay soo shaac baxdo jiritaankeeda waxaa cadaanaya sababahii ay shacabka Hiiraan ula shaqeyn waayeen maamulkaan waqtigiisa dhamaaday iney ugu wacneyd In bulshadu ogeyd mooryaanimadooda.

Mid ka mid ah siyaasiyiintii hore ee Soomaaliya kana soo jeeda Hiiraan ayaa aad ulayaabay rag la filayey iney si sharaf leh maamulka ku wareejiyaan oo maalmahii ugu danbeeyey ku dhaqaaqaya ficilo sharaftooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed baabi'inaya.

Inkasta oo aanu magacyada raga ku lugta leh dib ugu soo gubin doono bulshada hadane qaar ciidamada gobolka Hiiraan ka tirsan ayaa kashifeen sir horu dhac ah oo laga yaabo iney saameyn ku yeelato gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee waqtigiisa dhamaaday C/fatax Hasan Afrax, kuxigeenkiisa Amed Iji iyo Col Isaaq Cali Cabdulle oo ka mid ah sarakiisha Police-ka Hiiraan.

Marka laga soo tago warbixinta horudhaca ah ee aanu caawa ka heleyno magaalada B/weyne hadane ujeedada uguweyn ee ay arimahan ugu dhaqaaqeen ayaa lagu micneeyey in ay ka faa'ideysanayaan inta aysan xilka wareejin maalmaha soo socda.Siyaasi kasta oo reer Hiiraan ah oo maanta fashilma waxuu farxad galinayaa kuwa isku diyaarinaya doorashada soo socota maadaama hada lagu jiro waqtigii bulshada la kasban lahaa.

Wararkii ugu danbeeyey ee maga oo garaya Hiiraana waxey sheegayaan in maamulkii cusbaa diyaar yahay lagana yaabo in lagu dhawaaqo 48-ta sacadood ee inagu soo adaan,kaasi oo ah mid kumeel gaar ah oo shaqenaya kaliya mudo 6 bilood.

La soco wararkeena danbe

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,579,613 unique visits