Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:-Madaxweyne Xasan Shiikh Max'ud ayaa u muuqda mid ka bad baaday siyaasado u badnaa ku tijaabi oo dhamaantood intooda badan ay miro dhal noqon waayeen.siyaasaahan oo intooda badan ka socday Jubooyinka iyo Puntland ayaa isku day badan iyo handadaadyo fara badan oo dowlada cusub hawada loo marsiinayey iyadoo leysku laheynayo dowlado shisheeye ah ayey wax badan ka soo naaso cadaan waayeena,aaqirkiina xaaladii Jubooyinka sidey maalinba meel hor leh madaxa ula galeysay waxey hada iskugu biyo shubatay in ay majaraha u qabtaan ragii bada Soomaaliya iibsaday.

Warbixin dhameystiran oo xaqiiqda u dhaw filo dhawaan sida dowladan cusub ugu bad baaday Qatar fara badan oo la doonayey inta ay ugubka tahay in looga faa'ideysto.hada waxaa socda isku daygii ugu danbeeyey oo ay qorsheynayaan labo kooxood oo kala jooga Kenya iyo Puntland. kooxahan ayaa waxaan soo bandhigi doonaa qaabka ay umaareeynayaan siyaasadaha cusub ee Jubooyinka oo ay horboodayaan maamulka Puntland iyo ragii Bada Soomaaliya iibsaday hada Raaskaambooni warkeeda maba jiree.

Laakinse marka xaalada dhinaca kale laga eego iyo qorshaha dowlada ee mustaqbala umada Soomaaliyeed raga hada howlahan faraha kula jira 100-ka maalmood ee inagu soo aadan waxii ka danbeeya waxaa la arki doonaa iyagoo madaxda dowlada u kala dhuumanayo.

Sidoo kale shaqsiyaad ay ka mid yahiin Faroole, C/wali Gaas,Shariif Hasan (Sakiin) iyo rag kale oo aanu markaan helno warbixin hada qabyo naga ahan soo bandhigi doono waxey arinta Jubooyinka uga qeyb qaataan siyaabo kala duwan. Shariif Sakiin marka laga reebo inta kale waxa wado dano qabiil oo aan la ogeyn iney u hirgali doonto inta ay jirto dowladan cusub. laakiinse Shariif Sakiin isagu waxuu ka oo horjedaa siyaasada Prof Jawaari waxuuna dalka Kenya ka wadaa qorshayaal fara badan oo lagu maja xaabinayo dowladan cusub waana shaqsiga kaliya ee fasax la,aan ka maqan kulamada baarlamaanka heerka ay gaarsiisan tahay awoodiisa, waxeyna u badan tahay in uu Prof Jawaari dharaar cad waxii uu doono ka sameysto.

La soco wararkeena danbe iyo sida ay dowlada ugu d baaday Qatar badan oobilaaw aheyd.

Isha Warka Hiiran State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.93 seconds
14,580,948 unique visits