Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Taariikhda Gobolka Hiiraan iyo Soomaaliya.

Wararka MaantaHS:-Sidaan horey ugu balan qaadnay in aan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hiiraan u soo bandhigno siyaasadahii qabiilka iyo daneysiga ku dhisnaa ee ay bulshada Soomaaliyeed la dhax joogeen siyaasiyiintii iyo cuqaashii xiligaasi hogaanka u heysay beesha Majeerteen ayaa waxaa inoo suugo gashay amaba siyaabo kala duwan shabakadan u soo gaaray buug uu qoray aqoonyahan reer Hiiraan ah inta badana taariikhda uu ka hadlayo goob jog u ahaa, maadaa uusan wali soo baxin buugaan waxaan aqristayaasha ku tixan bogan iyo inta xiiseysa in ay wax ka ogaadaan taariikhahii horey u dhacay gaar ahaan inta reer Hiiraan ka quseysa ayaa waxaan go,aansanay in aau qeyba mar u soo bandhigno jiilka soo koraya ee reer Hiiraan si ay uga gaashaantaan dhagarta faraha badan oo ay bulshada Soomaaliyeed kula noolaan jireen amaba kula nool yahiin beesha Majeerteen.

Qeybtaan waxaanu kaka hadli doonaa qilaafkii siyaasadeed ee dhax maray siyaasigii weynaa ee reer Hiiraan Shiikh Ali Jimcaale Baraalle oo isagu xiligaas ka soo jeeday degaan muhiim ah ayna deganaayeen ilaa maantana degan yahiin shacabka ugu badan Soomaaliya.sida ka muuqatay qeybteenii labaad ee taariikhda gobolka Hiiraan ee aanu horey u soo daabacnay waxey ka hadleysay sida ay jagooyinkii Police-ka iyo tii milatariga ula wareegeen xiligii uu r/wasaaraha ahaa C/rashiid Ali Sharma'arke taasi oo ka careysiisay siyaasiyiin badan oo ka soo jeeday koofurta iyo waqooyi waxuuna qilaafkaas dhaliyey in ay xisbi cusub ku midoobaan Alla ha u naxariistee siyaasigii weynaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Sheikh Ali Jimcaale Baraalle waxeyna sameeyeen amaba abuureen xisbi loogu magic daray SNC.

Abuuristii xisbigii SNC oo ay isku bahaysteen dadyoow Badankood ka soo jeedo Koofur iyo waqooyi waxay shirwaynihii ugu horeeyey isugu yimaadeen magaaladda Hargaysa iyagoo halkaas ku doorteen gole dhexe golahaas oo isagana u doortay guddoomiye siyaasiga Sheekh Cali Jimcaale Baraale ,xoghaye guudna u doortay siyaasiga Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal.Mudanayaasha caanka ahaa ee ka tirsanaa xisbigaas ee gobollada koofureed ka soo jeeday waxaa ka mid ahaa siyaasigii rugcaddaaga ahaa Xaaji Faarax Cali Cumar oo guddoomiye u noqdday xisbiga SYL 1945-46kii. sidoo kale waxaa ka mid ahaa Max’ed Cosoble Cadde oo ahaa mudane laga soo doortay degmada Ceel Buur.Dhinaca gobollada waqooyi siyaasiyiinta caanka ahaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Cali Ismaaciil (Weeyaane).Xisbiga markii la asaasay wuxuu durbadiiba billaabay in uu dadwaynaha ugu baaqay midnnimo ,wuxuuna u soo bandhigay qorsho ku wajahan la dagaalanka qaraabakiilka, eexdda,sadbursiga iyo maamul xumidda. Si dalka loo horamariyo xagga dhaqaalaha , bulshada ,sugidda nabadgalyada,gudaha iyo tan dibadda, waxay soo bandhigeen waddo shaqo (road map) oo keenikarto horumar deg deg ah uu dalka gaaro.

Qorshaas oo ku dhisnaa cilmiga iyo waayo argnnimo oo xaqiijinayay wax ka qabadka baahida iyo rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed.Xisbigu wuxuu soo jiitay tageerayaal badan ee ka tirsan dhammaan Gobollada dalka.Doorashadii dowlladaha hoose 1963kii xisbiga wuxuu ka helay codod aad u fara badan wuuxuuna ku guulaystay wakiillada degmooyin ay ka mid yihiin Muqdishio magaalo madaxda dalka iyo Hargaysa oo ah maagaalada labaad ee ugu weyn dalka.Waxana loo doortay duqa magaalada Muqdisho md.Cumar Isterliin oo ahaa siyaasigii rugcaddaaga ahaa. Muddadii u dhexeysay 1961kii-1964kii ,waxaa billawdday khilaaf soo kala u dhexegalay madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan iyo raisuulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke oo la xiriiro qaabka loo wajahayo dalalka maqan oo Soomaaliyeed ,sida Soomaali Galbeed (Ogadeeniya),Gobolka waqooyi Bari ee Kenya (NFD) iyo xeebta Soomaalida ee faransiiska (Jibuuti).Madaxwene Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu u arkay in lagu raadiyo gobollada Soomaaliyeed ee maqan waddo diblomaasiyadeed, isagoo oo ay la aheed in aan awood militeri aan lagu xurayn karin gobollada Soomaaliyeed ee maqan,halka uu u arkayay Raiisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharma'arke in gobollada maqan lagu xureeyo xoog mileteri,xiligaasi oo ay saameyn wayn ku yeelatay siyaasadii kacdoonka ku dhisneed ee Madaxweynahii hore ee Maser Jamaal Cabdinasir.

Xukuumaddi Cabdirashiid Cali Sharma'arke si ay u hirgeliso siyaasaddaas ku dhisan xoog ku raadinta gobollada maqan wuxuu booqasho ku tagay Maraykanka halkaas uu kula kulmay madaxweyne John F. Kenedy oo uu ka cadsaday in dowladda Marakanka ka iibiso hub lagu qalabeeyo Xoogga dalka Soomaaliyeed .Dowlladda Maraykanka way diidday in ay hubayso ciidan Soomaaliyeed iyadoo u arkaysay in hubkaas loo adeegsandoono in lagula dagaallamo Itoobiya.R/wasaare Cabdirashiid markii uu ku hungoobay boqashadii uu ku tagay Maraykanka ,wuxuu si toos ah booqasho ugu tagay midowga Suufiyati,isagoo aan wax wado tashi ah aan kula soo noqonnin madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan.Raiisulwasaare Cabdirashiid wuxuu heshiisyo dhinacyo badan leh la soogalay mr.Nakiito Kurushoof oo ahaa berigaas xoghayaha guud ee xisbiga shuuciga ee Midowga Suufiyati. Heshiisyadan waxaa iskugu jireen kuwo militeri iyo kuwo dhaqaale.siyaasadahan qor iska tuurka u badnaa waxaa dhinac socday kuwo ku dhisan dano qabiil aaqirkiina bulshada Soomaaliyeed kala keeyey.

Walito waxaanu ku guda jirnaa hab dhaqankii siyaasiyiintii hoe ee beesha Majeerteen iyo dhaqan xumadoodiiye waxaa danaha qabiilka ku dhisan u dheeraa waxaa xusid mudan in ay dhamaan la wareegeen dhamaan jagooyinkii gobolada dalka tusaale hadaan u soo qaadano gobolka Hiiraan taariikhda foosha xun ee ay ka gysteen iyo sida ay shacabkii ay degaanadooda ugu tageen ula dhaqmeen waxii ka danbeeyey markii doorashada looga guuleystay Shiikh Cali Jimcaale uuna bilaawday qilaafkii ahaa in ay halbeel isku qaateen jagooyinkii Police-ka iyo kuwii militeriga.

Gudoomiyaashii gobolka,degmooyinka iyo madaxda saldhigyada booliska ee loo magacaabay gobolka Hiiraan.Waxyaabihii ay ku kacayeen madaxda kor ku xusan si ay u cadaadiyaan dadka ,waxay soo xirxiriyeen dadka ay ku tuhmayeen in ay yihiin kuwo tageero Sheekh Cali Jimcaale,waxayna ku haynayeen saldhigyada booliska muddo dheer kaddib waxay ku dhihi jireen waan idiin siidaynaynaa laakin waa in aad timaadid saldhigga subaxkasto markay tahay 9:00 subaxnimo iyo 17:00 galabnnimo. Falalkaas dhibka ah waxaa loola jeeday in dadka lagu khasbo in ay kala noqdaan taageerada ay u hayaan Sheekh Cali Jimcaale.

Falalkaas waxa aad ugu kicijiray madaxa saldhigga booliska degmada B/Burte oo ahaa nin Majeerteen ah oo la dhihi jiray Cascasey kana soo jeeday beesha Majeerteen isagoo dadka ku garaaco bakoorad bartamaha magaalada B/Burte.Ninkaas isaga wuxuu soo dhex fadhiisan jiray dadka fadhiyo makhaayadaha isagoo caynayo hawiyaha, aflagadaynayo Sheekh Cali Jimcaale,qofkuu u arko in uu ka xunyahay wararkiisa wuxuu u taxaabi jiray saldhigga booliska halkaas uu ku xirijiray.Caburintaas iyo cadaadiskaas wax ka mid ah dhacdadii xiligaas taariikhda gashay ee ka dhacaday Jalalaqsi oo aheed berigaas tuulo laga xukumo degmada B/Burte in taliyahii daraawiishta booliska ee gobolka labo xiddigle Jaamac Naaquud uu ku dilay 7 qofood oo dadkii deegaanka ahaa kana soo jeeday beeshii uu ka dhashay Shiikh Cali Jimcaale oo xiligaasi taageero xoogan u hayey sigaasigooda.Markay caddaatay in falkaas lagu dilay dadkaas masaakiinta ay gardarro aheed, halkii laga rabay in wax laga qabtay dhacdadaas waxaa loo dalliciyay darajada dhamme nin xasuuqaas heystay ee ahaa Jaamac,tasoo macnaheed tahay in falkaas lagu abaalmariyay.

Dhinaca kale waxa cirka isku shareeray niyadjabkii ay qabeen siyaasiyiinta gobollada waqooyi dowrkii ay ka ciyaareen madaxweyne Adan Cabdulle Cismaan iyo raiisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke kala qaybintii siyaasintii isbahaysigii ka dhexeeyay labadii urur ee siyaasadeed oo ahaa SNL/USP.Madaxdii xisbiga SNL oo ay tageerayaashooda ahaayeen dadka ka soo jeeda gobolada waqooyi waxay isugu yimaadeen shir si ay u qiimeeyaan xaaladda uu ku sugan yahay iyo wixii tallaabo oo lala qaadikaro Golahii dhexe ee ururka SNL waxay aaqirkii go’aansadeen in ay ka baxaan xukuumadda raisulwasaare Cabdirashiid Cali sharmaarke.Sidaas darteed Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wasiirka waxbarashada iyo Sheekh Cali Ismaaciil (Weeyaane) oo ahaa wasiirka gaanshaadhigga waxay iska casileen jagooyinkii xukuumaddaas ka hayeen. Dowlladda madaxweyne Aadan Cabdulle iyo raiisulwasare Cabdirashiid waxay dhexgaleen xisbigii SNL si ay u kala qaybiyaan waxayna ku guulaysteen istaratijiyadaas iyada ah iyagoo ku qanciyay in ay xukuumaddaas ku soo biiraan labo mudane oo ka tirsanaa SNL kuwaasoo kala ahaa Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi) Wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta iyo Xaaji Ibraahim (Busbaas ).

Mucaaradadii Gobollada koofureed uu hoggaaminayay Sheekh Cali Jimcaale iyo kuwii Gobollada waqooyi uu hoggaaminayay Max’ed Xaaji Ibraahim waxay isuguyimaadeen shir- weyne oo ay uga arrinsadeen wixii ay ka yeeli lahaayeen sida ay uga hortagi lahaayeen.Shirkaas waxay ku heshiiyaan in ay sameeyaan xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah oo ay ugu magacdareen Somali National Congress (SNC).Ururkaas wuxuu tageero badan ka helay Gobollaada waqooyi iyo gobollo badan ee ka tirsan gobollada koofureed.

Inkasta oo aan halkaan lagu soo koobi Karin qilaafkii siyaasadeed ee dhax maray C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Shiikh Cali Jimaacle hadane mudadii uu qilaafkaas jiray dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa.

Khilaafkii soo kala dhexgalay Raiisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke Iyo wasiirkii caafimaadka iyo shaqada Sheekh Cali Jimcaale Baraalle, wuxuu gaaray heerkii ugu sarreeyay kadib markii ay iskuqabteen mar kale habka loo maamulay mucaawanaadii dowlladaha caalamka ugu deeqeen Soomaaliya, markii dalka roobab daaddad badan iyo fatahaadyo ay ku dhufeen deyrtii daad badan ee sannadkii 1961kii.

Md.Sheekh Cali Jimcaale wuxuu u arkayay in mucaawanaadkaas loo adeegsaday in lagu laaluusho mudanayaasha barllamaanka ku jiray si loo abuuro xulufo taageerto siyaasadda xukuummadda iyo dano kale oo khaas ah.Xukuummadda markay ku adkaysatay in ay ku sii socoto siyaasaddeeda ku wajahan qarabakiilka, eexda iyo maamulxumida iyo in ay ku dhiiratay in ay mucaawanaadkii ay aheyd in loo qaybiyo dadkii ku waxyeellobay daadadkii iyo fatahaadihii ku dhuftay dalka iyadoo si bareer ah suuqa loogu iibiyay lacagahii ka soo baxayna loogu shuubtay akoonno gaar ah ,kaddibna u adaygsaday lacagahaas doorashadii madaxweynennimo 1967kii.

Sheekh Cali Jimcaale oo marka ay la yimaadsan jahwareer siyaasadeed siyaasiyiinta danaha qabiilka ku shaqeeya ee boobka ku hayey hantida qaranka waxuu sidii caadada aheyd dib ugu laabtay degaankii laga soo doortay gaar ahaan magaalada B/Weyne halkaas uu ka maqnaaday dhowr shir ay yeesheen golaha wasaaraada ee xukummadda si uu dowladan musuq maasuqa ku dhisan uga dhax baxo.

Raiisulwasaare Cabdirashiid Cail Sharma'arke ayaa xilkii wasiirnimada ka qaaday Sheekh Cali Jimcaale kuna beddelay Axmed Geelle oo ka soo jeeday gobolka Hiiraan xiligasina kamid ahaa mudanayaashii ka codeeyay Sheekh Cali Jimcaale doorashadii madaxwenennimo una codeeyay Aadan Cabdulle Cismaan maadaama uu xiligaas Ahmed Geelle ka mid ahaa shaqsiyaadka mucaaradka ku ahaa Shiikh Cali Jimcaale isaga iyo Cabdullaahi Maajoor.

Ka qaadistii Sheekh Cali Jimcaale jagadii wasiirinnimada waxay ka caraysiisay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed guud ahaan ,gaar ahaanna kuwa reer Hiiraan.Si looga hortago mucaaradka reer Hiiraaan waxay dowladda adeegsatay labo qaab oo kala ah :-

1.In laysku dayo in loo tuso dadka reer Hiiraan in Sheekh Cali Jimcaale yahay nin danta Habar-Gidir ka hormariya danta reer Hiiraan iyagoo tusaale ahaan u soo qaatay in gobolka Hiiraan uu ka soo geliyay barlamaanka mudanayaal badan oo habar Gidir ah.
2.In gobolka La saaro cadaadis fara badan si loo khasbo u hoggaansamaan aqbalaanna siyaasadda xukuummadda wax u maamulayso.

Si loo dhaqangeliyo labadaas qodob waxaa la hormariyay qodobka hore oo ahaa in dadka gobolka Hiiraan laga horkeeno Sheekh Cali Jimcaale iyadoo loo adeegsanayo ugaasyada ,wabarrada iyo nabaddoonnada reer Hiraan.Madaxweyne Aadan cabdulle iyo raiisulwasaare Cabdirashiid Cali waxay la shiraan ugaasyada ,wabarrada iyo nabadoonnada si ay ugu adeegsadaan hirgelinta siyaasadda xukuummadda ee ku wajahan in la curyaamiyo siyaasadda macaaradnnimo ee Sheekh Cali Jicaale.Ugaasyada,wabarrada iyo nabaddoonnada iskusiumarkin ujeeddada xukuumadda oo way ku kala qaybsameen.

Qaar badan oo ka mid ugaasyada, wabarrada iyo nabaddonnada waxay u arkeen in siyaasadda xukuummadda ay tahay siyaasadii gumeysiga oo aheed qaybi oo xukun.
Markii qaabkii hore sheqaywaayay waxay xukuummadda adaygsatay qaabkii labaad oo ahaa cadaadiska iyo caburinta,waxayna ku dhaqaaqadday sidaan horey ugu soo qaadanay qeybteena kore ee mqaalka in ay gobolka degmooyinkiisa iyo saldhigyada booliska shakhsiyaad ku caana cabburinta shacabka oo hal qaiil ah loo gacan galiyo .tusaale ahaan waxaa looga dhigay guddoomiye degmada B/Burti nin lagu magacaabo cabdi baqbaqaani oo ogadeen ah, madaxa saldhigga booliska waxaa laga dhigay nin lagu magacaabo Cascasay oo majeertaan ahaa.Taliyaha ciidanka daraawiishta booliska ee gobolka nin lagu magacaabo Jaamac Naaquud oo majeerteen ahaa.

Waxaasi oo dhan waxaa loo sameynayey sidii looboobi lahaa qeyraadka iyo hantida dadweynaha boobkaas oo ay ilaa manta wadaan beeshaani markaad dib u jaleecdo waxa ay ka wadaan Jubooyinka.

La soco qeybteena 4aad oo ka hadleysa meesha ay ku danbeysay dagaalkii u dhaxeeyey siyaasiga Shiikh Cali Jimcaale iyo R/wasaare C/rashiid iyo wax yaabahii fashiliyey R/wasaarahii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.86 seconds
14,667,535 unique visits