Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Walaac xoogan oo la soo dirsaday madaxda qaranka Somaliya

Wararka MaantaIsniin 14,Feb 2011 (HSOL)- Hogaanka Sare ee dowlada federalka iyo beesha caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kordhinta baarlamaanka Somaliya ay kordhisteen mudada 3da sano ah ayaa u muuqata fowdo iyo qalalaase hor leh oo ay mudanayaasha baarlamaanka oo uu horboodayo gudoomiyahooda Shariif Hasan Shiikh Aden ay ku doonayan iney wadanka galiyaan qalalaaso hor leh halkii la eegi lahaa maslaxada umada Somaliyeed. waxeyna u muuqataa iska daa golaha barlamaanka iney ilaaliyaan xuquuqda shacabka Somaliyeede xitaa waxey ku tumanayaan axdi qarameedkii ay ku dhaqmayeen kaasi oo sheegaya in uusan baarlamaanka Somaliya awood u laheyn inuu kordhisto xiliga mudadiisa markey dhamaato waxaana qoraal muujinaya qodobadaas aanu ku soo bandhigidoonaa dhawr qodob oo aanu ka soo saarnay axadi qarameedka u degsan dowladaan kumeel gaarka ah.



Iyadoo aan la eegin cawaaqibka ka imaan kara iyo mustaqbalka dalka Somaliya iyo jiritaanka qaranimadeena ayuu baarlamaanka Somaliya ee 550 ka xildhibaan ah waxey xal u arkeen iney iyagii waxey doonaan sameeyaan iyagoo wax haba yaraatee la tashi ah aan lala sameyn shacabka Somaliyeed oo ay hore u soo bahdileen ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Somaliyeed ku nool qurbaha.

Warar xaqiiqda u dhaw oo maalmaha inagu soo aadan aanu soo bandhigi doono ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanka uu siyaasadii Somaliya u weeciyey dalka Iiraan oo uu hada baarlamaanka uga raadinayo mushaar isagoo leh reer Galbeet waanu kala tagnay iyo wax la mid ah.

Waxeysa su'aal ka taagan tahay baarlamaanka iyo gudoomiyahooda ma oga miyaa in markabkii ku soo xirta meel ka mid ah dalka Somaliya marka uu dejiyo badeecada uu wado in maraakiib reer galbeet ah ay ku baaraan bada Somaliya. ma oga miyaa in dalka Somaliya uusan aheyn dal xor ah oo shacabkoodu go,aan iska qaadan karin maadama ay hogaanka dalka ugu sareeya jagooyinka ay ku magacaaban yahiin ay suuro galiyeed reer galbeet oo u dhigay wax aan ruwaayadna aheyn ruwaayadna u eg kedib markii ay ogolaadeen in 550 mudane dalka Somaliya oo intaasi la eg ay ka arimiyaan.


Dhinaca kale madaxweynaha Somaliya ayaa xusul duub ugu jiro sidii waqtiga loogu deri lahaa isagoo beesha caalamka ka dhaadhicinayo in waqtiga uu kooxahaan wadanka ka qaban lahaa uu aad ugu yar yahay. madaxweyne Shiikh Shariif ayaa isagu ay beesha caalamka ha heysataa saxiix uu hada ka hor sheegay inuu wadanka Somaliya ku islaaxinayo mudo 2 sano ah gudaheed taas oo hada u muuqata mid gabalkeedu sii dhacayo. waxaa kale oo taasi kasii daran Reysul wasaaraha Somaliya Dr Farmaajo ayaa isagu u muuqda mid hadii uu ka dhabeyn waayo mowqifkiisa iyo balan qaadkii uu ku sheegay inuu wadanka kaka sifeynayo kooxahaan mudo 100 maalmood ah ay u furan tahay labo arimood midkood inuu maro meeshii uu maray madaxweynaha Somaliya oo mudo labo sano ah wax ku qaban waayey oo wali sii raadinayo inuu waqti kale helo, iyo inuu raganimo iyo masuuliyad muujiyo ee uu shacabka Somaliyeed u soo bandhigo inuu ku fashilmay balantiisii aheyd inuu 100 maalmood wax uga qabanayo dalka Somaliya.



Qaabka hada ay kudooneyso TFG- da iney kula dagaasho ururka Shabaab iyo qidada dagaalka ururka Shabaab gacanta ayuu ugu jiraa dowladuna idaacadaha ayey ka leedahay Shabaab ayaanu wadanka ka sifeyn doonaa dhawaan. dagaalka dowladu qadeyso sirtiisa durbaba waxaa loo gacan galiyey madax ururka Shabaab ka tirsan oo saaxiibo fiican ku dhex leh hogaanka sare ee dowlada midkood, hadane waxey dowladu dooneysaa iney dagaalkaas ku qaado qaab jabhadeednimo ah oo ay tiraahdo dowlada Ethiopia Hiiraan, Bay , Bakool iyo Gedo kaka soo dhufta kedibna marka Shabaab degaanada ay hada maamulaan laga sifeeyo dowladu maba heyso habkii ay ku nabadeyn laheyd oo waxey arintu ku danbeyn doontaa fowdo iyo loolan kale oo qaata mudo fog sidii ay shacabka Somaliyeed uga soo kabmi lahayeen. dowlada Farmaajona sidaasi ayey ku fashilmi doontaa hadii waqti loogu daro iyo hadaanba loogu darin.

Waxaa kale oo iyaduna jirta dadaalo ay wadaan maamul goboleedka Puntland oo hadii ay hesho maamul goboleedyo kale oo fikirkeeda ku saacida iyaguna siyaasada Somaliya wax badan awood muuqata ku dhex leh taasi ay ku doonayaan in shirweyne dib u heshiin lagu qabto meel ka mid ah wadanka gudahiisa kaasi oo ay iyagu doonayaan iney ku qabtaan magaalada Garoowe waa hadii fikirkaas la helo Somali kale oo ku taageerta, runtuna waxey noqon doontaa iney taageero badan ay heli doonaan hadii TFG-da dagaalka ay dooneyso iney qaado qaab jabhadnimo ah ku qaado oo ay iska indha tirto maamul goboleedyada ka jira dalka Somaliya oo ay ugu horeyso Hiiraan State, Galmudug iyo maamulada hada ugubka ah ee ku soo kordhayo dalka Somaliya qaabkii ay doonaanba haku yimaadaane.

Waxaa kale oo jira inta badan shacabka ku nool dibada iney ka soo horjeedaan kordhinta uu baarlamaanku kordhistay waqtiga oo aan loo marin nidaam iyo ku dhaqanka Dastuurka wadanka u degsan oo ay beesha Caalamka hore u soo dhoodhoobtay oo aan aheyn isaguba wax ku yimid rabitaanka shacabka Somaliyeed. hadaba qodobada u diidaya baarlamaanka iney kordhistaan waqtiga oo English iyo Somaliba ku qoran la soco waqti dhaw.

Waxaa iyaduna xusid u baahan waxaa jira aduunyada mar hadii qof siyaasad ku fashilmo uu ka soo kabsan karo laakin hogaanka hada jiro hadeysan ilaalin xuquuqda shacabka Somaliyeed ee aysan ka fogaan damacooda shaqsiga ah oo kaliya waxaa ku dhici doona bur bur shaqsiyadeed oo taariikhda u gala, waxeyna aaqirka tageysaa in hogaanka hada jira maalin aan maanta aheyn lala xisaabtamo oo ugu hayaraan hantidooda lagu wareejiyo qaranka Somaliyeed oo la qarameeyo marka waxey ku quman tahay inta ay goori goortahay in la fiiriyo danta guud ayey tiri caasho oo ka mid ah haweenka ku ganacsada dalkaasi UAE magaaladiisa Dubai.

Waxaa kale oo inta badan ka socda wadamo badan oo aduunyada ka mid ah oo ay ku nool yahiin jaaliyadaha Somalida iney arintaan barlamaanka si weyn ugu soo hor jeedaan iyadoo shirar badan laga abaabulayo wadamo badan qaarkoodna ayba shireen. qodobada baarlamaanka u diidayo iney kordhistaan kala soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiiraan State
admin@hiranstate.net
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.26 seconds
14,588,821 unique visits