Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:- Magaalada B/weyne oo ah xarunta Hiiraan waxaa ka socda qorshe muhiim u ah bulshada kaasi oo lagu shaqaaleynayo dhalinyarada xirfadlayaasha ah iyadoo maanta ku dhawaad ilaa 40 dhalinyaro u fadhiisteen imtixaan ku saabsanaa qaabka loo qaado canshuuraha iyo xisaabaadka si looga hortago musuq maasuq amaba qaabkii uu ku shaqeyn jiray maamulkii hore oo ay canshuurta ku dhici jirtay dad kooban.

Maamulka Cusub ee Hiiraan oo maalmahan siweyn bulshada ugu soo bandhigay qorshahan ayaa ugu danbeyn waxaa maanta imtixaan u galay dhalinyaro badan kuwaasi oo aad ugu faraxsanaa xitaa hadeysan ku guuleysan imtixaankaan sida maamulkaan cusub ugu soo bandhigay qorshahan cusub ee ay mustaqbalka ku shaqeyn doonto waaxda maaliyada qeybteeda canshuuraha.

Inkasta oo ay goobta ay ka dhacday munaasibadan ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta maamulka cusub, saraakiisha ciidamada Hiiraan ee dowlada Soomaaliya, saraakiisha Amisom amaba Hiil-Walaal ee ka socda dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti, waxgarad iyo dhalinyaradii shaqooyinkaan banaan imtixaanka u galay ayaa hadane waxaa la dhihi karaa tani waa talaabo aad u wanaagsan ee uu qaaday maamulka cusub , maadaama ay arintaan ka dhaceyso gudaha Hiiraan mudo 22 sano kadib.

Waa markii ugu horeysay mudo 22 sano ka dib ay dhalinyarada ku dhaqan Hiiraan imtixaanaad u galaan shaqooyin ka banaan maamulka Cusub iyadoo uu shaqsi kata soo bandhigayo waxii uu yaqaano.

Marka laga soo tago shaqooyinka ka banaan waaxda maaliyada amaba qeybta canshuuraha Hiiraan hadane marka xaalada dhinaca kale laga eego Hiiraan waxey ka mid tahay degaanada ay kunool yahiin shacabka ugu badan dalka Soomaaliya kana howl galaan shirkado fara badan kuwaasi oo iskugu jira kuwa telefoonada, xawaaladaha, ganacsiga soo gala Hiiraan iyo kuwa ka baxa oo aan mudo 22 sano ah canshuur muuqata laga qaadin, hadane waa bilaaw wanaagsan mar hadii ay maamulka cusub hirgalinayaan gudi qaabilsan maaliyada oo ku shaqeeya nidaam waadax ah oo dadka la siinayo warqad cadeynayo in uu canshuur bixiyey iyo in kale.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo xoogan loogu soo xiray tababar magaalada B/weyne kuwaasi oo dhinaca nabadgalyada ka saacidi doono police-ka magaalada iyo nawaaxigeeda ka howl gala.

Isku soo duuboo bulshada Hiiraan ayaa u muuqda kuwo siweyn ula jaanqaaday xiriir wanaagsana la leh dowlada Soomaaliya maadaama ay Hiiraan ka mid tahay degaanada aadka looga xiiseeyo sidii uu dalka Soomaaliya u noqon lahaa dal jira oo ay u soo noqotay qaranimadii ka luntay hadane waxaa la dhihi karaa waa degaanka kaliya ee aysan dowladan cusub kala kulmi doonin caqabado faro badan mrka xaalada dhinacyo badan laga eego.


Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,614,362 unique visits