Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

http://hiranstate.com/news.php?readmore=1831HS:- Beesha Habargidir oo ah beesha ugu fadeexada iyo caabta badan bulshada Soomaaliyeed marka laga hadlayo shacabka degan xarumaha dowlada iyo hantida sida gaarka loo leeyahay ayaa hada u muuqata mid qaatatay qatartii amaba talo xumadii ugu weyneyd ee ay beel Soomaaliyeed qaatato.

Kama hadleyno qaabkii qaldanaa ee ay dowladahii midaan ka horeeyey u fashilin jireen, waxaan ka hadleynaa xaalada meesha ay maanta mareyso.Tv-ka Universal oo ka mid ah telefishinada ku hadla afka Soomaaliga kuwooda ugu caansan oo dhawaan sii daayey barnaamij looga hadlayey hantida la kala heysto iyo mida danta guud ayaa waxaa aad uga carooday beesha Habargidir sidey u dhan yahiin waxgaradkooda waaba hadii ay u nool yahiin waxgarad xishoonayee, Generaaladooda waaba hadii uu maanta u nool yahay general wadani ah ileen Galaal waa kaaba qabiil Mooryaan u xuubsiibtee, dhalinyaradooda kuwooda saxaafada wax ku soo qora walow ay magacyadii lagu yaqiinay iska bedeleen oo ay dadka ku qaldaan magacyo kale,siyaasiyiintooda waaba hadii ay qabaan siyaasiyiine hada waxaanu ka hadleyno waa wasiirka arimaha gudaha iyo waxii uu kala kulmay beeshaan uu ka dhashay tan iyo markii uu xilkaan qabtay.

Barnaamijka ka baxay Universal Tv oo ay fikrado wax ku ool ah ka dhiibteen dadweyne fara badan oo qaarkood hantidooda xoog lagu heystay iyo kuwa u dacwoonayey hantida guud siiba xarumaha dowlada ayey Habargidir ugu jawaabeen sidan.

Kuwooda wax qora ee iska dhiga suxufiyiinta markii ay waayeen qaab ay ugu jawaabaan barnaamijkaan wxaa is celin waayey labada nin ee ugu qoraalada badan Soomaalida maanta nool kuwaasi oo kala ah C/qaadir Oromo iyo Amiin Yusuf Qasaaro oo labaduba ah Habargidir Ceyr iyo Saleemaan.

C/qaadir Oromo markii uu barnaamijka daawaday wey u cuntami weysay waxa laga hadlaa maadaama ay beeshu hantida sida gaarka ah loo leeyahay iyo mida guud isa siiyeen waxuuna qoray maqaal uu ugu mgac daray Boobka waa soo jiray waligii, waxuu waliba maqaalkaas ku ceynayaa qowmiyada Banadiriga oo uu leeyahay Bijiyo iyo sanbuus ayey gadi jireen markaas ayey ku leeyahiin hanti ayaa naloga heystaa iyo wax la mid ah waxuu siweyn u dafirayaa hantida ay beeshiisu heystaan.

Amiin Yusuf Qasaaro wax uu qoro markii uu garan waayey ayuu dowlada ku qara baxay waxuuna qoray maqaal uu ugu magac daray lacagtii dowlada oo tabeelooyin ku dhamaatay. dowlad waxaa lagu lartaa in ay shacabkeeda si kasta u fahamsiso waxa ay dowladnimadu tahay. isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri waxaan la kulmay nin goobtii uu deganaa laga soo saaray oo garan la meel uu aado maxaa Soomaalida kale dareensiiyey meel ay aadan oo kuwan u waayey meel ay degaan?

Waxeysa xaajadii murugtay markii uu wasiirka arimaha gudaha shir hoose la yeeshay beesha uu ka dhashay kana codsaday in ay ugu yaraan Isbitaalada iyo wasaaradaha ka baxaan kadibna loogu jawaabay horta jufada aad ka dhalatay ee Sacad ha bilaabeen inta aan Habargidirta kale la gaarin waa iyaga waxa Soomaaliweyn nagu iftiiminayo oo meelaha muhiimka ah heystee.

Wasiirka arimaha gudaha markii uu ceebtaas iyo waji gabaxaas kala kulmay beeshiisa ayuu idaacadaha ka hadlay si dowlada uu ka tirsan yahay loo fashiliyo waxuuna hal mar yiri Jubaland waxii ka soo baxa ma aqoonsanin.

Hadaba mar hadii sidaa xaalku yahay maxaa la gudboon madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

1- In ay marka hore Soomaalida diyaarka u ah dowladnimada soo dhaweeyaan siweyna ula shaqeeyaan sida kuwa kunool Jubooyinka, Bay, Hiiraan, Puntland iyo Soomaaliland oo hada masraxa soo fuushay si ay dowlada awood ugu yeelato meelo badan oo ka baxsan caasimada.

2-In dib u eegid lagu sameeyo laamaha amaanka waayo nin hanti dadweyne iyo mid guud heysta ma nabadeyn karo caasimada Soomaaliya isagaaba dhaqan celin u baahan qofkaas.

3- In wadokasta oo lagu soo dhaweyn karo shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliland la sameeyo iyadoo aan Soomaali kale la dulmineyn.

4- In dhamaan maamulka gobolka Banaadir la bedelo loona magacaabo wajiyo cusub siiba shaqsi ka soo jeeda beesha Mudulood Abgaal.

5- In Soomaaliweyn ay ogaadaan siiba shacabka Jubooyinka shaqsiyaadka magaca Hawiye ku hadla ee Mogdishu shirarka ku qabta maalinkasta oo ka hadlaya arimaha Jubooyinka in aysan jirin cid ay metelaan oo u wakiilatay waa shaqsiyaad iyaguba degan xarumahii ay dowladu laheyd kuna shaqeyn lahaayeen masuuliyiinta qaranka yaan dowladiina leydiinka xigsan iskuna daya waxkasta oo aad kul aheshii kartaan madaxda qaranka si aad u noqotaan maamul goboleed xoogan oo dalka dhan laga taageersan yahay si kuwa fowdada wada ay meel cilo ah uga soo dhacaan bulshada dhexdoodana ka noqdaan dugo cambaar leh si ayan Soomaalida u kala fogeyn.

Hadaba Soomaaliyey Shaley maanta ma noqoto.

Dowladii Cali Mahdi waxaa fashiliyey General Geydiid iyo maxamed Nuur Galaal oo midna xabad kala hor yimid midna la saaxiibay oo sirta ka qaadi jiray waxaa labdaas soo raaca fanaanadii weyneyd ee Xaliimo Khaliif Magool oo aheyd shaqsigii ugu horeeyey ee Soomaaliweyn magic iyo maqaam ku lahaa oo noqotay haweeney qabiili ah kadib markii ay magaalada Mogdishu inta makarafoob qaatatay ku dhawaaqeysay ereyso laga yaqyaqsoodo oo usan ku hadlin qof fanaan qaran ah (Saaraay Faqashta Saaraay, saaraay Daaroodka Saaraay).dabcan dadka noocaas ah ayuu dalka nagala dhaxeeyaa.

Dowladii Shiikh Shariif waxaa iyadoo Mogdishu oo dhan qabatay mucaaraday Hasan Daahir Aweys oo Asmara ka yimid ilaa maanta isaga iyo beeshiisana waxey dhibaato xoogan ku hayaan shacabka Sh/hoose waxaana Shiikh Shariif sirta uga keeni jiray C/qaadir Cali Cumar.

Dowladan cusub cid kale oo caqabad ku ah oo aan iyaga aheyn ma jirto waxa ay u mucaaradayaane ma ahan in aysan dooneyn in ay ka baxaan xarumaha dowlada ee waa siyaasada guud ee beesha Mudulood ayey ka soo horjeedaan sida laga soo xigtay waxgarad beeshaasi ka mid ah walow siyaasiyiinta, culimada, qoonyahanada, ganacsatada iyo dhaliyarada beesha Mudulood yahiin amaba u badan yahiin dad daacad ah oo aan ka warqabin dhagarta ay markasta maleegaan reerkaan hadane shacabka Soomaaliyeed siweyn ayuu beeshaan uga dheregsan yahay.dalkaan shaqsigii amaba beeshii uu ilaah u kaso iney hogaamiso ayaa hogaamin lahaa maxey C/qaasim ula shaqeyn waayeen hadey daacad yahiin waqti intee la eg ayeyna beeshu fowdada iyo qaran diidnimada ku sii Jiri karaan?.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.86 seconds
14,934,099 unique visits