Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:-Xog uruurin qaatatay ku dhawaad labo bilood walina qabyo ah ayaan waxaan maanta ku soo koobeynaa qaabka ay waajibaadkooda shaqo u gutaan golaha wasiirada ee xukumadan cusub.

Inkasta oo ay Soomaalida maanta nool qaranimadii ka hormariyeen dano qabiil waxaa muhiim ah in la iftiimiyo hadba habacsanaanta ka jirta xukumada cusub si loo helo isku dheeli tir iyo hanaan jaan gooya siyaasad fadhida oo saladag leh. hadaba tan iyo markii la dhisay xukumadan cusub waxaa la soo dhisay gole wasiiro oo kooban ha yeeshee qaar badan oo iyagaas ka mid ah ma ahan kuwii Soomaaliweyn hogaamin lahaa amaba xilal sidaas muhiim u ah u qaban lahaa.

Xaqiiqadii wasiirada aan masuuliyada loo magacaabay gudan Karin waxaa ka mid ah 1-Wasiirka arimaha gudaha ma ahan shaqsi xun laakiinse waxaa arimo badan oo ay muhiim tahay in ay wax ka qabato wasaarada arimaha gudaha cuuriyaaminaya danta iyo siyaasadaha qariban ee ay beeshiisa ka leetahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay caasimada Soomaaliya ka degan yahiin ilahii dhaqaalaha iyo xarumahii dowlada ma ahan shaqsigii wasaaradaas maamuli lahaa waqti xaadirkaan, waxii isaga iyo madaxweynaha ka dhaxeeya ee saaxibtinimo ah waa gooyni.

2-Wasiirka Qeyraadka dalka ma ahan shaqsi ay wadaniyadiisu xun tahay laakinse masuuliyada loo dhiibay waa ku culus tahay si waliba weyn waana lama huraan in ay reer Hiiraan keenaan masuul ka miisaan culus ninkaan dhalinyarada ah marka aan ka hadleyno badbaado dal iyo hanaan dowladeed waaya aragnimadeedii malahan wasiirka qeyraadka inkasta oo uu dalka jecel yahay sidan ka warqabno.

3- Wasiirka maaliyada waxuuba galay qiyaano qaran oo tan iyo markii uu xilkaan qabtay waxuu si hoose dhaqaalo bilkasta u siin jiray maamulka Puntland isagoo ku andacoonaya waxaan fulinayey saxiixii uu ka tagay Cumar C/rashiid ee ahaa in dhaqaalaha dekeda Mogdishu iyo karoonka diyaaradaha qeyb laga siiyo Puntland,oo Puntland iyadu dalka intiisa kale dhaqaalo masiisaa kani waa ku deeyey waase nin rag ah sida uu isku arko oo waxuu dhaqaalo u soo dhicinayaa degaankiisa, laakine marka dib loo eego kitaabkii uu u maray umada Soomaaliyeed waa danbi weyn?

4-Wasiirka Warfaafinta xogta aan ka heyno in aan waxbo laga qorin ayaa la qaatey inta ay masuuliyiinta dowlada ka arkayaan qaabka ay wasaaradiisa u shaqeysana waanu u aamuseynaa inta waqtigeeda laga gaarayo.

Wasiirada ilaa hada shaqadoodii gutay ee xitaa shaqaalaha ay ka shaqaaleynayaan wasaaradahooda isku dheeli tira sidii la doonayeyna howshooda u guta waa sidan.a

1- Wasiirka wasaarada arimaha dibada Marwo Fowsiya waxaa saarnaa labo culeyso oo aad uga duwan wasiirada kale kuwaasi oo kala ahaa a) Maadaama ay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee xil baaxadaan leh ka qabata dalka Soomaaliya waxey noqotay shaqsigii labaad ee african ah looguna yeero haweeneydii birta aheyd(Iron Lady) maadaama magacaan horey loogu yeeray madaxweynaha dalka Laberia oo ay haween ka tahay madaxweyne.b)Waxey sida muuqata ku dadaashay in ay ilaaliso sharafta iyo karaamada haweenka Soomaaliyeed oo aysan dowladahii hore muhiimad gaar ah siin jirin dumarka.

Wasaarada ay madaxda ka tahay ee arimaha dibada waxey noqotay wasaaradii ugu horeysay ee shaqaalaheeda tababar loogu qaado dalka dibadiisa iyadoo shaqaalaheeda leysku dheeli tiray oo ay Soomaaliweyn oo dhan ka howl galaan taasi oo shacab badan ku abuurtay kalsooni.waxey kaalin muuqata ku leetahay amaba ka qaatatay dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliland oo hada meel fiican mareysa. inkasta oo aanu halkaan ku soo kobi Karin waxqabadka wasaarada arimaha dibada waxey hadane kaalinta 1aad kaka jirtaa wasiirada ugu shaqada badan marka la eego sida ay beesha caalamku ugu soo xirmayaan wadankeena hooyo.

2-Wasiirka arimaha bulshada Marwo Maryan Qaasim waa dhaqtarad mudo ku nooleyd dalka dibadiisa laakinse siweyn ugu xirneyd mudadaas fog siyaasadaha ka jiray dalka Soomaaliya, waxey ku magacaaban tahay marka laga reebo wasaarada arimaha dibada dhawr wasaaradood oo muhiim ah sida Caafimaadka,waxbarashada,Sportiga iyo adeega bulshada oo dhamaantood hoos taga wasaaradeeda. waxey ka soo jeedaa mid ka mid a qowmiyadaha Soomaaliyeed kuwooda ugu nabada jecel uguna ilbaxsan ahna dad shaqeysta oo muruqooda iyo ganacsigooda ku tiirsan waana hadii ayba jiraan shacab Soomaliyeed oo doonaya hanaan dowladeed kuwa ugu horeeya ee u ooman dhibaato badana ay ka soo gaartay dagaaladii sokeeye ma dhihi karnee dagaaladii dulmiga iyo kibirka ku dhisnaa ee dalka ka dhacay.waxey durbaba ka hirgalisay magaalada Mogdishu xarumo caafimaad iyo iskoolo mudadii yared ee ay jirtay, waxey booqasho deg deg ah ku tagtay shacabkii dhawaan ay soo rideen cudurka shuban biyoodka ee ka dilaacay Hiiraan iyadoo gurmad iyo booqasho iskugu dartay maadaama ay hoos tagto wasaaradeeda mida caafimaadka, waxaan dhihi karnaa waa hooyo, marwo amaba geber Soomaaliyeed oo waajibkeeda gudatay.

3- Wasiirka difaaca dalka waa nin dhaliyaro ah inkasta oo markii uu doonayey in xilkaan loo magacaabo uu cidiyaha ku dagaalamay maadaama ay wax badan qabyo ka ahaayeen xiligii uu ahaa wasiirka difaaca xukumadii Farmaajo hadane isbedel la taabankaro ayuu ku sameeyey ciidamada xooga dalka waana shaqsi furfuran inta badana aan sirta dowlada iyo arimaha ciidanka ka sheegin mediyaha arintaan oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu amaano wasiirka.dadaalada ugu weyn ee ay wasaaradiisa sameysay waa in taliyaashii hore ee ciidanka la bedelay ciidamaduna ay ku shaqeyn doonaan xeelado cusub dhawaan sida warar sugan lagu helayo.

4- Wasiirka madaxtooyada waa shaqi dadaal badan xirir wanaagsana la leh dowladaha carabta waa nin sida aan warbixin horu dhac ah ku heleyno dantiisa gaarka ah ku dhax wata mida guud ha yeeshee waxaa lagu amaanay dal jaceyl iyo sidii ay dowlada hada jirta u hana qaadi laheyd inuu ka shaqeynayo si ay Soomaalida maanta nool uga baxaan duligii ay ku soo jireen mudada fog waa raganimo qofka dantiisa gaarka ah ka dhax raadsada mida guud si loo helo system shaqeeya.

Wasiirada kale ee dhiman dhawaan filo iyo warbixin aanu ka soo diyaarinay safiirada Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub Dr Cilmi Ducaale iyo Nuur Cade oo la filayey in ay 10 sano ka hor shaqada ka fadhiistaan (Old School amaba hadaan si kale u dhigno KM badan oo dhinaca dada ah oo saaran si boosaskaas loogu bedelo aqoonyahano aysan dadoodu ka badneyn 50 sano ugu yaraan oo beelaha ay ka soo jedaan ragan laga keeno maadaama aan wali ku dhax jirno nidaamkii 4.5-ka) marka aanu soo gabo gabeyno warbixin hada qabyo naga ah oo aanu ka aruurinay qaabka ay u shaqeeyaan labadan masuul iyo sida ay u shaqeyso dunidan casriga ah ee aynu ku nool nahay maanta.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.41 seconds
14,613,013 unique visits