Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:-Magaalada B/weyne iyo guud ahaan Hiiraan waxaa ka howlgala shirkado fara badan kuwaasi oo gudaha Hiiraan ka fuliya adeegyo iskugu jira kuwo bulshada faa'ido u leh iyo kuwo hadaan si qotodheer loo eegin qaabka ay u shaqeeyaan ay adkaan doonto in Hiiraan iyo deegaanada kuxeeran loo helo degenaansho iyo horumar ay bulshadu gaaraan.

Hadaba waxaan maanta warbixinteena ku soo qaadaneynaa qaabka ay gudaha Hiiraan uga howlgasho shirkada Barakaat oo hada loogu yeero amaba la baxday Hormuud.

Shirkada Barakaat waxey ka mid aheyd shirkadahii 2001-kii waxii ka danbeeyey lala xiray shirkadii lagu magacaabi jiray Holy-Land ee ka howlgali jirtay dalka Falastiin kadib qaraxyadii waweeynaa ee ka dhacay dalka Mareykanka Sept-11.shirkada ayaa waxaa xiligaas laga xayiray hanti badan oo ay lahaayeen shacabka Soomaaliyeed iyo umado kale oo shirkada qeybteeda xawaalada istimaali jiray kadib markii lagu eedeeyey in ay maalgaliso amaba taageerto kooxahii gudaha Soomaaliya ka dagaalamayey ee u badnaa kooxo diimeedyada.

Waxaa kale oo shirkada lagu eedeeyey in ay qeyb ka tahay dagaalada ka holcaya dalka Soomaaliya siiba koofurta oo ay dhaqaalo badan ka sameeyeen xiligii fowdada uu ku jiray wadanku.dhibaatooyin fara badan oo soo gaaray 10-kii sano ee ugu danbeysay ayeey shirkadu waxey ku guuleysatay in ay iska bedesho magacii horey loogu yaqiinay ee Barakaat iyadoo maanta ku howlgasha amaba la baxday Hormuud.

Hadaba shirkada Hormuud oo ah shirkad ay malaayiin dolar ka soo galaan gudaha Hiiraan oo ay ku leetahay ganacsi xoogan iyo macamiil fara badan waxey hada gudaha Hiiraan ka wadaa amaba ka bilaawday mashruuc ay horey uga hirgalisay gobolka Sh/Hoose kaasi oo ah in guud ahaan masuuliyiinta shirkada kuwooda ka soo jeeda deegaanka lagu bedelo shaqsiyaad laga keenay magaalooyinka Xarardheere, Dhuusamareeb iyo Mudug kadibna shaqaalaha si tartiib tartiib ah looga ceyriyo shaqada iyadoo qaarkoodna lagu qancinayo iney ka saqeynayaan xafiisyada Mogdishu iyo meelo kale waxaana ugu danbeyn shaqaalahaas lagu bedelaa dhalinyaro laga keenay gobolo kale oo iyadoo dadka degaanka lagu wargelinayo iney yahiin farsamo yaqaano la soo dejiyaa hadba gobolkii dano siyaasadeed ay ka leeyahiin beesha shirkadan iska leh, kama hadleuyno shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee sheerarka laga iibiyey qorshahan oo dhawrsano ka hor siweyn uga hirgalay gobolka Sh/hoose oo ah gobol aan maanta rajo laga qabin maadaama dadkii deegaanka noloshii iyo shaqadii laga cuuriyaamiyey kadibna ay adeegii la wareegeen dhalinyaro laga keenay magaaloyinka aan kor ku soo xusnay.

Inkasta oo ay wax caadi ah dunida ka tahay in qof shirkad u shaqeeynayey loo bedelo meel kale amaba shaqada looga ceyriyo arimo la xariira gudasho la,aan shaqo hadane marka laga hadlayo shiradaha Soomaaliya ka howlgala ma jirto maanta sharciyo iyo nidaam kala xadidaya shaqaalaha iyo shaqsiyaadka shirkada iska leh maadaama ay shirkadaha qaarkood dhaqaalaha ka abuurteen waqtigii fowdada ayna dhibeyso nabadgalyo ka dhalata dalkeenii hooyo amaba deegaanada ay ka howlgalaan sida Hiiraan oo kale bal si degan u dhuux qaabka ay shirkadu uga howlgasho gudaha Hiiraan siiba magaalada B/weyne.

Shirkada Hormuud ayaa dhawaan waxey bedel ku sameysay madaxii shirkada ee ka howlgali jiray magaalada B/weyne oo ahaa shaqsi siweyn looga yaqiinay gudaha Hiiraan marka ay masiibo dhacdana kaalin muuqata ka qaadan jiray horumarka iyo gargaarka, kaasi oo lagu bedelay nin magaciisa lagu soo gaabiyey Maxamed Daleef.ninkaani ayaa waxuu noqonayaa shaqsigii ugu horeeyey ee ka soo jeeda gobolka Galgaduud oo magaalada ka bilaabay arimo Qatar ku ah nabadgalyada magaalada B/weyne.

1-Qorshaha iyo qaabka uu ninkani uga howlgalo magaalada B/weyne, odoyaasha uu ka abaabulay gudaha magaalada,qaabka uu xogta uga helo maamulkaan cusub iyo sida shaqaalaha degaanka ka soo jeeda loogu bedelayo kuwo kale ayaa ah muhiim in ay dadku ogaadaan warbxintaas oo dhameystirana.

Ma ahan oo kaliya shirkada Hormuud waxaana jira dhacdo aad u xumeyd oo dhawaan dhexmartay mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee dhawaan duulimaadyada ka bilaabay Mogdishu iyo B/weyne shirkadahaas marka ay diyaaradooda soo caga dhigato magaalada B/weyne wax canshuur ah ma bixiyaan laakinse sida ay dadka ugu gumeysanayaan adeega ay sheegeen in uu yahay ganacsi bal si taxadir leh ula soco kana tiktoonoow shirkadaha qaarkood hadii aad reer Hiiraan tahay inta laga heli doono dad reer Hiiraan ah oo hanitooda galiya amaba bulshada u fududeyo service-ka ay u baahan yahiin iyadoo aan dadka lagu abuureyn cuqdad iyo wax la mid ah.

Maadaama ay bulshada Hiiraan kala jecleyn cidkasta oo Soomaali ah oo ganacsi ka sameysaneysa dhulka Hiiraan hadiiba ay helayaan adeeg ay ku qanacsan yahiin hadane qaabka ay qaar ka mid ah shirkadaha Hiiraan ka howlgala maanta u shaqeeyaan ma ahan wax u dhaw ganacsi iyo wax la mid ah kadib markii shirkad ka mid ah kuwa diyaradaha ee dhawaan ka bilaabay duulimaadyada Mogdishu iyo B/weyne isku xira ay dhalinyaro qurbajoog ah oo doonayey iney ka iibsadaan tikit kala kulmeen wax aysan waligood ku fikirin maadaama ay dalka ka maqnaayeen mudo fog hadana dib ugu laabteen markii ay waxoogaa nabadgalyadii caasimada wax iska bedeleen.muhiim maahan in la qoro dhacdo kasta oo maanta wadanka ka dhacda, laakin waxaa muhiim ah in ay reer Hiiraan ogaadaan dhagarta ka socota dalka iyo in ay maanta adag tahay in lakala saaro ganacsiga iyo qabiilka.inkasta oo aanu qoraaladeena danbe ku soo qaadan dono waxii shirkadaas diyaarada dadka u shaqeeya iyo rikaabkii Hiiraan u socday dhax maray hadaan si horudhac ah u soo koobno, waxey arintii gaartay in dadkii tikitka doonayey lagu yiraahdo adeerayaaloow hadaad magaalada B/weyne u socotaan qiimaha waa $210 dolar laakinse hadii aad aadeeysaan Tuulada Guriceel qiimaha waa $70 dolar soona diyaar garooba maalinta Jimcaha.

Dadkii badankood oo qiimahii Guriceel la dhacsan ayaa ilaah amarkii mid ka mid ah weydiiyey shaqaalahii shirkada waxa Guriceel oo magaalada B/weyne ka fog 70 dolar ka dhigay B/weyne oo ka dhawna qaaliyeeyey?.

Si degan ula soco wararkeena danbe iyo qaabka ay shirkadaha ka howlgala Hiiraan ee laga leeyahay Galgaduud uga howlgalaan gudaha Hiiraan inagoo warbixinteena ugu horeysa ku soo qaadan doona shirkada Hormuud iyo ninka hada loo soo bedelay howlaha uu faraha kula jiro.waxaana ku xijin doona dhacdadii iyo jawaabahii ay dadkii doonayey iney Hiiraan u raacaan mid ka mid ah shirkadaha halkaas duulimaadyada ka bilaabay shaqaalahooda kala kulmeen.sidoo kale muuqaalo aan ka soo diyaarinay Siimanka amaba ateenooyinka dhaadheer ee ay leeyahiin shirkadaha isgaarisiinta iyo dhalinyarada ilaalada ka ah habeen iyo maalin qaabka loo siiyo mushaarka yar ee ay ku shaqeeyaan.inagoo ugu danbeynta warbixinteena ku soo qaadan doono sida ay shirkadaha qaarkood ula shaqeeyaan kooxaha dalka ka wada fowdada ayna u dhageystaan telefoonada macaamiisha ay sanadkasta ka helaan malaayiinta dolar.dabcan waxaan leysweydiineyn in shirkadahaas ay canshuur loogu daneynayo dadka deegaanka bixiyaan iyo inkale marka aan soo bandhigno warbixino xasaasi ah dhawaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net













Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.60 seconds
14,666,634 unique visits