Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:- Ciidamada maamulka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Amisom ee ka socda wadanka aanu walaalaha nahay ee Jabouti oo maalmahii tagay gudaha magaalada B/weyne ka waday baaritaano xoogan oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada ayaa ugu danbeyn ku soo bandhigay hub aan sidaas u badneyn marka loo eego hubka yaala gudaha magaalada B/weyne oo ay dadku heystaan.

Inta badan hubkii guryaha lagu heystay ayaa magaalada lagala baxay intii uu baarintaanka socday iyadoo qaarkoodna sida warar sugan lagu helayo lagu qarinayo xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl gala magaalada B/weyne oo ay gudaha shirkadaas yaalaan hubka ugu badan.shirkadaha hubkaan lagu keydsatay ayaa waxaa ka mid ah kuwa Xawaaladaha, Isgaarisiinta iyo guryaha ay degan yahiin hayadda maxaliga ah ee ay maamulaan Soomaalida.

Inta badan dilalkii qorsheysnaa ee ka dhici jiray gudaha magaalada B/weyne ayaa dhalinyarada geysan jiray waxey gabaad ka dhigan jireen marka ay dhibta geystaan goobaha ay degan yahiin shirkadaha isgaarsiinta ka howl gala Hiiraan oo badankooda laga leeyahay amaba ay leeyahiin dad aan reer Hiiraan aheyn taasi oo aad u adkeyn jirtay in maamulkasta oo ka hana qaada gudaha Hiiraan uu si sahlan u sugo nabadgalyada maadaama ay mushkilada qaarkeed ay fududeyn jireen shirkadaha.

Inkasta oo uu wadanku colaad ku soo jiray mudo hadane mar hadii magaalada lagala cararayo hubka waa guul bilaaw ah waxeysa su,aal ka taagan tahay koormaa tiro koob sax ah lagu sameyn doonaa amaba qaabka ay u shaqeeyaan shirkadaha ka howl gala Hiiraan lana heli doonaa maamul la xisaabtama tirada shaqaalaha iyo hubka gacantooda ku jira, inta aysan goobtu noqon sida Sh/hoose oo kale oo dadkii deegaanka u dhashay la gaarsiiyey heer ay garan waayaan waxa iyaga loo dilo.

Marka laga soo tago baarintaanada ka socda gudaha magaalada B/weyne waxaa inta abdan magaalooyinka kale ee Hiiraan gacanta ku haya Shabaab iyagoona tacadiyadii ugu danbeeyey ka geystay degmada Maxaas oo ay caruur fara badan ka kaxeysteen lana aadeen gobolka Galgaduud dhacdadaan waxaa fahmi kara ookaliya qofkii xog ogaal u ah qaabka ay Shabaab u shaqeeyaan nin banaanka ka jooga amaba maamul kaliya gacanta ku haya magaalada B/weyne oo kaliya ma fahmi karo dhibaatada shacabka ku heysata degaanadaas.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.75 seconds
14,633,522 unique visits