Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:-Wararka naga soo gaaraya gudoomiyaha gobolada Bari iyo Nugaal Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin aad ugu dhaw oo maamulkiisa ka tirsan ayaa sheegaya in ay aad u tabeen madaxweynahii KMG ahaa Shiikh Shariif.

Warku waxuu intaas ku darayaa in ay madaxda maamulka gobolada Bari iyo Nugaal ee dowlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo Faroole qaatiyaan ka tagaan yahiin siyaasadaha cusub ee ay dowladaan la timid taasi oo halkii ay markii hore madaxda dowlada la safri jireen oo safarada dibadaha la aadi jireen hada la mid ah maamulada ilaa heerka gobol ah ee ka jira dalka intiisa kale.

Sidoo kale siyaasiyiinta hogaanka u haya gobolada Bari iyo Nugaal ayaa walaac xoogan ka muujiyey nidaamka federalka ah ee ay doonayaan in ay ku raadiyaan qaab fowdo ah taasi oo hada ku kaliftay in ay iyaga kaligood idaacadaha ka sheeg sheegaan Soomaalidii kalena ay dowlada federalka u daayeen arimaha maamul u sameynta taasi oo dowlada u sahashay in ay caqabado fara badan kala kulmin degaano badan.

Siyaasiga beesha Majeerteen ugu aqliga badan qarnigan aynu ku jirno gudoomiye Faroole ayaa hada ku soo aruuray taageerida jabhada Raaskaambooni oo aan iyaduba magaalada Kismaayo wada heysan isagoo is leh armaad madaxda qaranka korkortan siyaadadeed ka heshaa ama si uu u helo tixgalin aysan Soomaalida kale ka helin dowlada uu maalinba siyaasado hor leh iyo hanjabaadyo la soo baxo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in la arkayey Faroole oo ku cataabaya war maxaan ku maagnay Shariif madaxana lulaya, sidoo kale waxuu aad ula yaaban yahay sida ay siyaasadiisa u daciiftay tan iyo markii ay wadanka ka curatay xukumadan cusub.

Laakinse Faroole iyo kooxdiisa waxeysann ogeyn in Shiikh Shariif iyaga jaceyl gooyni ah u heyne ay markaasi socotay duufaano siyaasadeed oo ka duwan mida hada socota oo uusan xiligaasi heysan Shiikh Shariif degaano kale oo dalka ka mid ah oo gacantiisa ku jiray lagana taageersan yahay sida maanta xukumadan cusub ee uu garwadeenka ka yahay r/Saacid looga taageersan yahay degaanada ugu muhiimsan dalka Soomaaliya oo ay Hiiraan ugu horeyso oo maamulkii halkaas ka jiray si nabadgalyo ah xilkii ugu wareejiyey maamulka cusub ee hada jira.

Sidii aan horey ugu soo bandhignay wararkeenii hore Soomaaliya lama sheegin dowlad aan bartamaha Soomaaliya oo ay Hiiraan ku jirto laga taageerin in ay wadanka ka hana qaado taas ayaana ugu wacan in ay lunto awoodii siyaasadeed ee maamulka Puntland nidaamka federalka oo ay fowdada ku raadinayaana shacab badan oo Soomaaliyeed dhegaha ayey ka fureysteen sidaasi daraadeed Faroole in uu hada tabo Shiikh Shariif gar buu u leeyahay waliba Puntland amaba federal maqalkiisa dhegaha Soomaali badan wuu ka yaraan doonaa, maadaama hantida iyo qeyraadka dalka hada kadib si siman loo qeybsan doono ayna jiri doonin dhaqaalaha dekeda Gobolka Bari ka yimaado anigaa iska leh mida Mogdishuna waxbaan ka leeyahay federal ay soo dhoodhoobeen Mahiga iyo anigoo Faroole ahne wadanka ha lagu dhaqo waa waxa puntland heerkaas gaarsiiyey ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah waxgaradka degaankaas oo dhawr jeer kula taliyey in Faroole wax ka bedelo siyaasadiisa dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale sargaal ka mid ah ciidamada maamulka gobolada Bari iyo Nugaal ayaa laga soo xigtay isagoo leh hadii ay dowladaan taageero xoogan ka hesho shacaka Hiiraan oo maamulka Hiiraan la wareego degaanada ka maqan ee ay maamulaan Shabaab waxaanu ku qasbanaan doonaa in aanu xiriir dhaw la yeelano shacabka Hiiraan si ay noola qaadaan nidaamka federalka maadaama ay awooda xukumadu balaaraneyso hadii ay hesho shacbiyada dadka degan degaanada ku xeeran caadimada oo ay Hiiraan ugu horeyso ayuuna hadalkiisa sii raaciyey sargaalkani.

Sikastaba Faroole kuma faraxaana isbedelada xoogan ee ka socda koofurta Soomaaliya iyo degaano badan oo aan horey looga taagersaneyn dowladii KMG oo xukumadan cusub laga taageersan yahay.

Isku soo duuboo hadii qabiil qaran noqon karo Faroole iyo taageerayaashiisa ayaa noqon lahaa masuuliyiinta maanta jooogtana tijaabada siyaasadeed ee looga hayo jubooyinka koleyto waxaa hubaal ah sida ay Faroole iyo Raaskaambooni doonayaan ma noqon doonto oo aaqirka dagaal ayey Jubooyinka ku danbeyn doontaa hadii la garab maro rabitaanka xukumada Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,579,792 unique visits