Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

H

Wararka MaantaHS:-Inkasta oo aan rajada ilaahey laga quusan hadane xaalada dalka Soomaaliya ma ahnmid wali dhaw inta laga helayo nidaam iyo kala danbeyn dhax marta hadba baarlamaanka markaas jira oo isagu wata magaca shacabka Soomaaliyeed.

Xiriiro kala duwan iyo baariitaano qabyo ah oo aanu soo wadnay mudo ayaa waxaanu u guurgalnay arimo badan oo aanu ku ogaaneyno bal waxa gudoonkaan cusub ee baarlamaanka iyo mudanayaashanba uga duwan yahiin kuwii joogay waqtigii kumeel gaarka.

Hadaan wax laga sheegeyn shaqsiyada gudoomiyaha baarlamaanka kaliyana arinta laga abaaro xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo mudanayaasha waxaan dhihi karnaa isagu shaqsiyan waa aqonyahan Soomaaliyeed waaya aragnimadiisuna hadii dhinaca wanaagsan loo jiheeyo dalka lagu bad baadin karo, hayeeshee marka laga hadlayo xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo xildhibaano badan waxaa ka amar qaato oo hadalkiisa maqla kaliya tiro aan ka badneyn 30 mudane inta kale ma awoodo inuu ku qasbo amaba ka soo saaro sharciyo xakameynayo mudanaha shirarka joogtadaa ka maqan iyo kan markasta jooga.

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ayaa ku nuux nuuxsaday in shaqada iyo jogaanka baarlamaanka iyo marin habaabintiisa iyo shaqadiisuba ay maamulaan xildhibaanadii ka tirsanaa baarlamaankii hore sidaasi daraadeed waxuu mudanahan sheegay ama yiri"hadii waxa aan sheegayo aad moodo been soo wac gudoomiyaha baarlamanka Prof Jawaari la soo xiriir ee waxaad weydiisaa goormaa fadhiyada baarlamaanka inuu soo xaadiro ugu danbeysay Prof Gaandi hadii aad jawaab sax ah ka hesho gudoomiyaha barlamaanka markaas wacaan kuu sheegayo waa been ayuuna sii raaciyey hadalkiisa."

Mudane kale ayaa isaguna yiri hadaad aragto inta uu dalka gudoomiye ka yahay prof Jawaari iyadoo ay soo xaadirayaan 275-ka mudane oo baarlamaanka ka tirsan alley leylehe aqoonba uma lihi qaabka uu u shaqeeyo baarlamaankaan cusub ayuu yiri mid kale oo xildhibaanadii waqtigii Shariif Sakiin joogay hadan ah mudane cusub.

Sikastaba marka aad aragto tirada maalinkasta soo xaadirta golaha shacabka waxaa kuu soo baxeysa in gudoomiye Jawaari meesha biilkiisa ku ilaashado laakinse uusan jirin kala danbeyn iyo wada shaqeyn ka dhaxeysa gudoonka sare iyo mudanayaasha.

Sikastaba hadaan niyada laga jabineyn shacabka Soomaaliyeed hadaan hab dhaqanka mudanayaashan cusub wax laga bedelin Xaalka Soomaaliya ma dhawa kuwa hada joogana iyagoo dhaleeceysan ayey meesha baneyn doonaan.

Wali lama arag dowlad la leeyahay waa laridayaa iyadoo duleedka Mogdishu ay wali ku sugan yahiin Shabaab.wali lama arag 25 kun ciidamo african ah dal ay joogaan oo aan caasimada Soomaaliya ilaa magaalada Galkacyo isku furi karin kaliyana xamar jooga.

Wali lama arag dal la leeyahay waa xor hadane ay dad ajaanib ah iska dhisanayaan xeebta jaziira.wali lama arag madax leh waxaanu diyaarinay ciidamadii XDS oo aan amisom la aanteed meel kalikeed qabsan karin.

Wali lama maqal dal hada ka hor wadamada islaamka xiligii lagu guda jiray KMG shir dalka Turkiga lagu qabtay loogu yaboohay malaayiin dolar oo ay dadkiisu wali bashan yahiin, waxeysa su'aal xoogan ka taagan tahay lacagta malaayiinta ah ee ee shirkii London loogu yaboohay shacabku hadane ma ka baahnaan doonaan mise dowlada ingiriiska iyo madaxda Soomaalidaa ee heshiiska la soo galeen ayeysan dhaafi doonin.

Wali lama arag dowlad degaano badan laga taageersan yahay oo si ay bulshada aan taagersaneyn u soo jiitato aan wax mashaariic ah kuwii taagersanaa u qabaneyn sida gobolada Bay, Hiiraan, sh/dhexe iyo sh/hoose xili ay isku mashquulineyso arimo aysan waxbo ka qaban karin.

Wali lama arag dowlad gobolada qaarkood ay u joogaan kumanaan ciidamo amisom ah iyo kuwo Soomaali ah oo aan soo af jari karin dagaalka ka socda deegaanadaas oo markaad aragto gobolo ay ka mid tahay Hiiraan oo ay ku sugan yahiin ciidamo jaboutiyaan ah oo kor u dhaafaya kun askari.800 ciidamada maamulka Hiiraan ee dowlada hoos taga.8 kun oo Ethiopian ah oo ku sugan duleedka kore ee magaalada B/weyne hadane masuuliyiinta maamulka Hiiraan iska daa ineyba magaalada Istiraatiinigaa ee bulo burde Shabaab ka saaraane 10- km ma tagi karaan wadada aada bulo burde amaba tuulada Xujub.

Waxaa isweydiin leh wadanka xorta ah ee laga hadlayo iyo shacaka la bad baadinayo waa ayo?
Walee dowladii ay hogaanka u hayeen Hasan Shiikh Maxamud, r/wasaare Saacid iyo gudoomiye Jawaari oo leys kaka dul socdo bal aan aragno sidey dhawrka bilood ee inagu soo aadan howsha u maareeyaan.

ISHA WARKA HIIRAAN STATE
WEBMASTER@HIRANSTATE.COM

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.29 seconds
14,585,785 unique visits