Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wasiirka arimaha gudaha oo ah midka umada Soomaaliyeed kala fogeynaya

Wararka MaantaHS:- Marka aad adigoo dibada ka jooga dalka maalinkasta maqasho magaca dowladnimo iyo sida ay bulshada badankeed u doonayaan in ay dalkooda u helaan nidaam iyo kala danbeyn hadane waxaa dhinanakale jiro dhaliilo xoogan iyo dhaqano u muuqaal eg mooryaanimo oo ay ku shaqeeyaan wasiirada qaarkood ka tirsan xukumada r/wasaare Saacid.

U guurgalid iyo baaritaan badan kadib ayaan ku ogaanay in dhibaatada ka jirta Jubooyinka aysan kaliya masuuliyadeeda laheyn kooxda Raaskaambooni ee ay qeyb ka tahay wasaarada arimaha gudaha siiba wasiirka C/karin Xusen Guled. nasiib wanaag dad badan ayaa horey u saadaalinayey inta kuwa xarumaha dowlada degan ay wasaarada amaanka ku magacaaban yahiin in aan si sahlan dalka Soomaaliya loogu heli doonin xasilooni iyo kala danbeyn.

Wasiirka arimaha gudaha marka loo eego qaabka uu u shaqeeyo waxuu siweyn u marin habaabiyey hanaankii ay wasaarada arimaha gudaha u shaqeyn laheyd walow ay dad badan rumeysan yahiin in uusan garaneyn qiimaha ay dalka ugu fadhiso wasaaradan hadane waxaanu shacabka u soo bandhigeynaa sida uu dowlada iyo umada Soomaaliyeed iskaka horkeenayo.

J/hoose iyo faragelinta qaawan ee qabiilka ku dhisan ee ay ku heyso wasaarada arimaha gudaha beelaha halkaas dego marka meel leyska dhigo Ahmed Madoobe iyo Raaskaambooni amaba madaxweynayaasha looga dhawaaqay magaalada Kismaayo, waxaa jira arimo qatarteeda leh oo shacabka degaankaas leys kaka horkeenayo uuna faraha kula jiro wasiirka arimaha gudaha.

Dabcan Soomaali masuul isku soo dumiyo oo mideeya ayey rabtaa bulshadu ma dooneyso Faroole oo kale iyo wasiirka arimaha gudaha oo midkasta qabiil iyo qurun ka guuxaa si looga hortago dagaal sokeeye dowlada waa in ay u guurgashaa qaabka ay wasaaradan umada u kala fogeyneyso hadii kale degaano hada dowlada laga taageersan yahay ayey bulshadoodu kalsoonida kala laaban doonaan dhawaan.

Marka laga soo tago Jubooyinka magaalada B/weyne oo ah caasimada Hiiraan waxaa maalmahan ka socday shirar iyo dadaalo lagu nabadeynayo iyadoo maamulka cusub xooga saaray sidii amaanka wax looga qaban lahaa dhinaca kalena dib u heshiisiinta xooga saaray iyadoo masuuliyiinta maamulka ay maalmahan booqanayeen degaano ka baxsan magaalada B/weyne oo ay soo af jareen xurguf dhex tiilay dad beeraley ah oo hada arintooda la soo afjaray.

Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in ay soo celiyaan kalsoonida shacabka iyo ganacsatada oo ay aad u sugeen amaankooda iyagoo kaashanaya ciidamda Walaalaha amisom.

Nasiib wanaag wasiirka arimaha gudaha oo aan la ogeyn faa idada ugu jirta in uu dalku ku sii jiro qaska iyo fowdada waxaa maalmahaii tagay magaalada B/weyne soo gaarayey shaqsiyaad warqado ka wata wasaarada arimaha gudaha oo leh waxaa naloo soo magacaabay jago hebel in aanu qabano waxeyna masuuliyiinta maamulka cusub aad ula yaabeen dadka waraaqadaha wata ee aan lagu soo wargalineyn ee leh wasiirka ayaa na soo magacaabay.

Xog aruurin badan iyo xuuraansi dheer kadib ayaan ku ogaanay waxa uu wasiirkaan shacabka Jubooyinka iskaka horkeenayo degaano ay Hiiraan ka mid tahay oo dowalda siweyn looga taageersan yahayna uu qaska uga wado ayaa lagu sheegay in isaga iyo beeshiisa ay hada aad u dareemeen in ay shaqeyn weysay maamuladii ay xaafadaha u sameysteen sida Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug loolankii siyaasadeed ee dalkana ku soo aruuray Puntland, Jubooyinka, Hiiraan iyo gobolka Banaadir oo ay dowlada ka howlgasho.

Inkasta oo aysan shacabka Hiiraan si sahlan ku mucaaradi doonin dowlada uu garwadeenak ka yahay r/wasaare Saacid maadaama dalka uu ka sii baxayo fowdada masuuliyiinta qaarkoodna siiba madaxa qarankana uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo dhacabka Hiiran hadane waa muhiim in fowdada wasiirka arimaha gudaha uu dalka ka wado bulshada loo soo bandhigo.

Sidoo kale warar kale oo dad waxgal ah oo Hiiraan ku sugan laga soo xigtay in aysan xukumadan wax badan kala socon fowdada uu wasiirkan wado laakinse ay sida ugu haboon masuuliyiinta qaranka looga dhaadhicin doono in laga soo gudbay waqtigii bulshada Soomaaliyeed leyska horkeeni jiray dalkana fowdada loo horseedi jiray.

Hadaba filo dhawaan waraaqadahii aqoonsiga ahaa ee ay Hiiraan la yimaadeen 3 ka mid ah 5 qofood oo uu soo magacaabay wasiirkaan arimaha gudaha ileen reer Hiiraan si sahlan dowlad uma mucaaradan oo hadaba iyadoo aysan jirin cid qasbeysa ayey dib u dhigteen maamul goboleedkii ay ku dhawaaqan rabeen iyagoo ixtiraamaya madaxda qaranka culeyskii markaas dalka intiisa kale ka heystayna ka yareynayana aqbaleen maamul ilaa 6 bilood shaqeeya oo kumeel gaar ah ahna mid ilaa heer gobol ah.

Shaqsiyaadka waraaqaha wata oo iyo 3 ka mid ah ay magaalada soo gaareen labane ay Mogdishu ku sugan yahiin ayaa suuqa Baraaraha dadka tusinaya warqadaha wasaarada arimaha gudaha ka soo baxday walee reerkaan dhawaan Soomaaliweyn weyba arki doonaane, waxaa daran in kooda caaqilkaa iyo midkooda kabaha caseeya in marka ay bulshada ka dhax hadlaan in ay jiraan iyo in kale la kala jeclaan waayo mustaqbalka dhaw, walow horey gabayo badan oo qiimo leh looga tiriyey habdhaqankooda xiligii fowdada sida gabagii taariikhda galay ee la magac baxay ( Madhergaan Mana Xishoodaane).

Marka dalka intiisa kale laga hadlayona waxuu leeyahay Habargidir meel cidla ah ayey ku soo dhacday loolanka hada jirana kama muuqato taas oo mararka qaarkood ku xambaarta inuu sameeyo amaba ku dhiirado waxyaabo badan oo Soomaalida kala fogeynayo sharafta dowladana meel uga dhacayo.

Inkasta oo dadka aqoonta u leh wasiirka arimaha gudaha ay ku sheegeen in uu yahay shaqdi qabiili ah oo aan kal jecleyn in la helo nidaam dowladeed iyo in aan la helin hadane reer Hiiraan arimahooda iyo danahooda ayey u jeesteen iyagoo taageerayo xukumadan cusub ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Hiiraan.

La soco wararkeena danbe iyo xaqiiqada jiritaanka arimahan aanu ka hadleyno sii bulshada Soomaaliya kuwooda daacada ah u ogaadaan meesha ay sarta ka quruntay marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya. iska iloow shaqsiyaadka iyaguba magaca qabiilka wax ku raadinaa iyagoo horey dalka xilal muhiim ah uga soo qabtay sida r/wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo Jubooyinka ka wada siyaasado qabiil ku dhisan iyo Faroole oo Fashilmay hadana fashilinaya Ahmed Madoobe laakinse waxaa muhiim ah in la ogaado shaqsiga hada masuuliyada ku magacaaban ee dowladii uu ka tirsanaa sidan u maja xaabinayo cida warkiisa oo ka socon waayey beeshiisa dhexdeeda cida ka dhagyesaneyso ayaa isweydiin mudan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
14,589,598 unique visits