Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya oo loo diiday inuu gudaha u galo caasimada 3aad iyo

Wararka MaantaHS:- Magaalada Kismaayo oo ah caasimada 3aad ee dalka ahna magaalada ugu weyn magaalooyinka koofurta Soomaaliya marka laga reebo Mogdishu waxaa ka dhacay bahdil kii ugu weynaa ee ay ciidamada Kenya kula kacaan masuuliyiin Soomaaliyeed siiba wasaaradii gaashaandhiga wasiirkii hogaaminayey iska iloow taliye iyo wasiir kuxigeen iyo wax la mid ah.

Hadal heynta ugu badan dal iyo dibad maanta waa yaa u maqan dalkaan oo difaacaya mar hadii wasaaradii gaashaandhiga sidan loola dhaqmay iyadoo dalkeedii joogto.hadii wasiirka gaashaandhiga sargaal Kenyan ah oo kaliya ay jabhada Raaskaambooni canshuurta ay ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ku laaluushaan Kenyanka ay maanta mareyso in wasiirka gaashaandhiga iyo waftigiisa lagu yiraahdo ma gali kartaan magaalada waxey su'aal ka taagan tahay in uu jiro baarlamaan iyo gudoomiye wadani ah oo dalkaan ka naxayo iyo in kale.

Soomaaliyada aragtida fog markii la doortay gudoomiye Jawaari ayey dhawr jeer ka dhawaajiyeen in dib u eegid baarlamaanka ku sameeyo joogitaanka ciidamada Kenya wax ka soo hoos qaadayna ma jiraan.

Adeer baarlamaan ma jiro Prof Jawaari iyo mudanayaashaane dadka ma malteli karaan oo ciidamadan Kenya mar hore ayey hadii ay wadaniyiin yahiin dalka ka saari lahaayeen amaba aduunyada mashaqashiin lahaayeen dhibta iyo gumeysiga qayaxan ee ay bulshada Jubooyinka ku hayaan ayuu yiri mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo siweyn u yaqaana Prof Jawaari oo ku sheegay inuu yahay shaqsi wanaagsan laakinse aad u jilcan marxaladan oo kalena ninkii maareyn lahaa uusan aheyn.

Alla Nasiib daro weynaayey goormay Kismaayo noqotay magaalada Gooma oo horey uga tirsaneyd dalka Za'iir ee hada la baxay DR of Gongo oo dagaalo badan iyo ciidamo dhawr wadan ah sidii ay ugu dagaalayeen maanta aan la aqoon cida heysta oo dhulkaas iska leh iyadoo ay ku loolamayaan wadamada Rwanda, DRG iyo dalka Uganda ayey tiri hooyo Habiibo oo ka mid ah hoyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo oo siweyn u murugeysneyd.

Iyadoo sii hadleysa ayey hadalkeeda sii raacisay markii hore waxaan mooday in ay na qabsadeen Soomaali laakinse in aan gumeysii cusub galnay waxaan dareemay marba hadii dhegaheenu maqlayaan in masuuliyiintii dowlada lagu xanibayo karoonka diyaaradaha koormaanu dalka intiis akale ka goynay ayeyna ku celcelisay dhawr jeer.

Hadii gdoomiyahan iyo mudanayaashaan maareyn waayaan bahdilka ay shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ku hayaan ciidamada Kenya maxaa la kudboon odoyaashii soo xulay baarlamaankaan? Soomaaliayse ma noqon doonaa dal u kala jaba 5 qeybood mar hadii ciidamo Kenyan ah sidan wadankii gudahiisa iyagoo ku sugan ficilo aan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah ka sameynayo qeybo ka mid ah dalka?

Isku soo duuboo Soomaaliya waa dal mar hore shacabkiisa iyo dhulkiisa la sahansaday Kenyaatigane xitaa afduub ayey ku heystaan raga masuuliyada Jubooyinka sheeganaya oo Bare Hiiraalena waxey ku yiraahdeen madaxweynanimadaada sheego waxoogaa dhaqaalo ah ayaa lagaa siinayaa dekeda iyo Garoonka idaacadahaada ka qeyl qeyli Ahmed Madoobe iyo raaskaamboonina waxaa loogu hanjabaa saraakiil iyo ciidamo fara badan ayaa dhulkaan dhiig u daadiyey oo nooga dhintay waxaan samey ku dhahno lee sameey inta aan kuu baahanahay oo kaliya.

Adeer waa aduunyo awrkeeda caloosha laga rarayo mar hadii gobolkii Jubada Hoose heerkaas marayo Soomaalina midaan arkey tahay ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyey mid ka mid ah ciidamadii hore ee Soomaaliya oo ku sugan mid ka mid ah wadamada bariga Africa oo uu qaxooti ku yahay isagoo ilmeynaya.

Isku soo duuboo hadii caadifad iyo nin jecleysi laga daayo arimaha Jubooyinka heerkaan waxaa gaarsiiyey gduoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan maantana waxaa indhaha ka daawanaya oo masuuliyadii baarlamaanka Soomaaliya sheeganaya Prof Jawaari labadan muwaadin ee Soomaaliyeedna waxey ka soo jeedaan deegaanada Bay iyo Bakool dhacdooyinkii horey u dhacay amaba kuwa hada la joogana taariikhdooda iyo waqtigooda ayey yeelan doonaan dhulkaasne aaqirka hogaankiisa iyo taladiisa gacanta umada Soomaaliyeed ayuu ku danbeyn doonaa oo dowlada Soomaaliya ayaa maamuli doonta dhibkasta oo laga maraba.

La soco wararkeena danbe iyo qaabka ay u dhaqmaan ciidamada kenya ee halkaas ku sugan ,halka ciidamo kale oo Ethiopian ah oo aan dalka Soomaaliya ku joogin ogolaansho baarlamaan ay iyaguna ku sugan yahiin gobolada dhexe, Puntland ilaa Soomaaliland oo ay sidey doonaan bulshada ula dhaqmaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,579,196 unique visits