Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wararkii ugu danbeeyey iyo heerka uu wali joogo mowqifka indheergaradka beesha Xawaadle

Wararka MaantaHS:- Kedib gulan ay u dhamaayeen beesha Xawaadle oo ay hor kacayeen madhaafaankii iyo indheergaradkii beesha kuwooda ku sugan gudaha Hiiraan oo dhawr jeer talooyin ay soo jeediyeen la garab maray ugu danbeyntiina go,aanka hada laga wada gubtay gaaray mowifkooda ilaa hada wax iska bedelay ma jirto walow ay socdaan waan waan hoose kulan weyna la qorsheynayo dhawaan in ay iskugu yimaadaan wxgaradka guud ee gobolka Hiiraan, maamulka gobolka si looga hadlo wax nabadoono iyo aqoonyahano intaas la eg oo beesha Xawaadle ka soo jeeda ku kalifay go,aamkaas aysan ilaa maanta waxbo iska bedelin?

Soomaalida waxey tiraahdaa runta ninbey shar u tahay markii aan aragnay mowqifka odoyaasha beesha Xawaadle iyo taageerada ay dal iyo dibad ka heystaan waxaa kuu soo baxeysa in odoyaasha beesha Xawaadle oo ka duulaya go,aanadii ay beesha horey uga qaadan jireen qarniyaal ka hor ay hada isticmaaleen si waliba xigmadeysan.

Nabadoon Xawaadle marka uu talo gaarayo 3 ninba arimaha beesha wax kama weydiiyo gadaal ayuu kala soo qabsan jiray sida.

1- In uusan marka lagu jiro marxalad qalafsan iyo in beesha ay beelkale ula timaado siyaasado ay ka mid ayhiin ku tijaabi waligeedba nin aanba gurigiisa tolka isku wareysan karin talo uma raadin waa waxa hada heysta wasiirka qeyraadka oo banaanka ka maqlay kaliya in cuqaashii beesha ay kalsoonidii kala laabteen dowladii uu ka tirsanaa.

2-Waligoodba waxgarad Xawaadle talo iyo go,aan lama sugin umana raadin nin danaha beesha doonaya inuu ka dhax raadiyo danaha reero markaasi abtiyaashiisa banaanka ayuuna ka maqlaa go,aanka rasmiga ah.( waa waxa hada heyta shaqsiyaad fadhigoodu yahay Dubai oo la taliye u ah gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo arimaha arimahaan oo kale marka laga hadlaa iska dhiga in ay dadka ugu aqli badan yahiin iyadoo la ogyahay dhacdooyin badan oo horey loo soo marey oo ay qaarkood ku lug lahaayeen sida nin dalka Ingiriiska ka guuray oo kooxdaan ka tirsan la taliyaashaa ka tirsan, walow aan warbixin dheer ku soo qaadan doono mar kale.

3-Waligoodba waxgarad Xawaadle sir uma sheegan jirin nacas ah oo ay ogyahiin inuu ka hordhacaa go,aanada iyo ficilada uu tolku gaaro sidaasi daraadeed go,aanka ay dowlada Soomaaliya ka qaateen waxgaradka beesha Xawaadle ee dhawaan soo saaray bayaanka waxaa ku mideysan oo taageersan dhamaan beelweynta Xawaadle marka laga reebo kuwa aan ku soo qaadanay 3da qodob ee kore jiritaanka arintaan iyo in go,aankaan ilaa cabashada odoyaasha wax laga qabto sidiisa ayuu u nusnaanayaa waa dhamaatay waqtigii hadal macaan oo aan ficil wadan beesha Xawaadle lagu qaldi jiray, waxii ilbaxno iyo qancin shaqsi iyo gursigaada dowlada ka ilaasho lagu fikiri jiray waqtigeedii lama joogo hada dhawaana Hiiraan waxaa ka dhacayo banaanbax xoogan oo lagu ayidayo go,aanka waxgaradka marka ninkii intaas oo cuqaal ah isku arka inuu ka aqli badan yahay oo ay iyaga oo wadanka jooga kana dhiidhiyey duliga iyo dulmiga kuwii quulaha cuni jiray oo xil qaran doonayey iney umada ugu faaideystaan, waxaan shacabka u balan qaadeynaa in aan u soo bandhigno arimo badan oo xasaasi ah oo ka dhaxeeya lataliyaasha Dubai jooga iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan hadii ay ixtiraami waayaan go,aanka waxgaradka beesha Xawaadle. oo ay go,aankooda wado qaldan u maraan iyagoo is leh dowlada qanciya iyo beelo uusan Hiiraan waligeed wiil uga dhiman qanciya.


La soc wararkeena danbe iyo xog aanu ka soo aruurinay Hiiraan iyo sida ay shacabka beesha Xawaadle u taageersan yahiin go,aanka cuqaashooda inagoo codad iyo sawiro ka soo diyaarineyna banaanbax ay arintaan ku taageerayaan jiilka soo koraa ee Xawaadle go,aanka waxgaradkooda maalmaha qamiista iyo Jimcaha.( hadii ay ku moosaan kartaa leysku muujiyaye Xamdi naqay Xawaadlow markaad ..............Xasuuqdeene. waraabaha dhergaa noo filan duco iyo dheeraade.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.05 seconds
14,665,993 unique visits