Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Shirar diirada lagu saarayo waxa ay bulshada Hiiraan dowladkasta siyaasad ahaan u baabiso oo cuqaasha Hiiraan uga socda..

http://hiranstate.com/news.php?readmore=1831HS:- Ka horta inta aanan soo bandhigin shirweyne guud oo dhawaan ka dhici doona magaalada B/weyne oo ay iskugu imaanayaan dhamaan cuqaasha iyo indheergaradka oo ay ugu horeeyeeyaan aqoonyahanada, dhalinyarada iyo haweenka ku nool gudaha Hiiraan ayaa marka xaalada dhinaca kale laga eego waxaa ka socda magaalada B/weyne shirar is dabajoog ah oo ay si gooyni gooyni u yeelanayaan cuqaashu si loo turxaan bixiyo amaba meel looga soowada jeesto kuwa Hiiraan iyo shacabkiisa la damacsan duliga siyaasadeed oo Hiiraan oo ka danbeysa 8dii gobol ee ugu horeysay ee ay yeeshaan shacabka koofurta Soomaaliya ka mid aheyd laga tagay kaligeed halka 7dii kale ay dhaleen 1 ilaa 2 gobol oo ay maanta yahiin 17 gobol tiiyoo wali la doonayo in Hiiraan iyo bulshadeeda lagu qasbo wax aan u cuntameyn iyo dastuur aysanba joogin meeshii lagu sameeyey.

Waxaa ayaan daro weyn ah in ay dowladkasta shacabka Hiiraan siyaasad kula dagaasho iyadoo waxa arimahan oo dhan loo sameynayo ay ugu horeyso hadii ay Hiiraan cagadhigato in ay adkaaneyso in ay wadankaan beelo badan oo hada helo xilka madaxweynaha inaysan si sahlan ku heleyn waa sida ay iska dhaadhicyeen badanaa hogaamiyaashii dalka soo maray waxii ka danbeeyey waqtigii fowdada iyo beelaha ay ka soo jeedaan noockasta oo ay yahiin.

Sidaasi daraadeed bulshada Hiiraan oo markii hore intooda badan daacad iska ahaa qaarkoodna ay cadowga Hiiraan marin habaabinayeen iyo kuwo cabsi awaadeed ay u geysay in ay wax badan oo dhibaato ah oo bulshada Hiiraan loo geystay ka hadli waayaan , waxey hada aad u dareemeen in si qaas ah oo kutalo gal ah dagaal siyaasadeed aan geed loogu soo gaban lagu hayo dhulka iyo shacabka kunoolba.

Qodobada hada reer Hiiraan miiska u saaran ayaa ah.

1- Yaa ka danbeeya dagaalka siyaasadeed ee Hiiraan lagu hayo ma beel, koox, beelo, siyaasiyiin iyo wax la mid ah maadaama horey loogu qabsan waayey Hiiraan magacyo badan sida Daraawiishtii Sayidka, SNA, Xisbul ISlaam, iyo wax la mid ah marka laga reebo Shabaab oo dhamaan beelaha koofurta Soomaaliya isku darsatay dhulkooda iyo xoolahooda laakinse Hiiraan kala kulmay iskacaabin waliba intii ay awooda muuqata lahaayeen.

2- Beesha Xawaadle waaba la gartay oo Hiiraan iyadaa u dhimata oo difaacda maba xuma in beelaha fara ku tiriskaa ee Hiiraan sida rasmigaa u degan ay marka maamulka la qeybsanaa dhinacooda ka qaataan qeybtooda laakisne waxaa isweyndin leh dhulka haba u dhashaane goormey dareemi doonaan dhagarta dhulkii ay caruurtooda wax ku baranayeen lagu hayo oo siyaasad ahaan la baabinayo?

Dabcan dadku ma wada xuma waxkastana waxaa u sabab ah siyasiyiintii reer Hiiraan u soo baxay waayadii danbe oo badankood noqday kuwo bulshada u raadiya kaalimaha ugu hoseeya taasi oo ugu danbeyn iyagii ka dhigtay raaciyayaal tirada lagu badsado oo aan hadalkooda meelna laga soo qaadin ilaa ay marka ay qarkood qurbaha ka tagayaan dadka gobolkaas barwaaqadaa leh ay caruurtooda u dalxiisgeeyaan Puntland oo aanu ognahay cimilo ahaan iyo Soomaaliland iyagoo uu bartama ka maro wabiga shabelle dhamaan magaalooyinka ugu waayeyn Hiiraan sida Caasimada B/weyne, magaalada labaaad BUlo Burde iyo waliba Jalalaqsi oo dhamaantood dhul beereed ah.

Waxaa taasi ka sii daran Hiiraan waxey ka mid tahay dhulka hodanka ku ah xoolaha nool marka beeraha laga soo tago waxaana aad looga dhaqdaa Geela, Ariga iyo Loda.

Beelaha qaarkood qurbajoog dibadaha ka tagay oo aan qabiil iyo colaada Soomaaliya ka dhacday arkin oo beesha Xawaadle ka soo jeeda ayaa mudo shirar soo waday waxeyna isku dayeen in ay dhisaan maamul goboleed la magac baxay HIiraan State hadii maskax caafimaad qabto la adeegsado in maamulkaas lagu dhawaaqo waxaa hal beel oo ka mid ah beelaha Hiiraan la sugayey 3 bilood oo waliba dhalinyaradii qurbaha ka tagtay ay Hotelo deganaayeen.

Balan ka baxyo, go,aan qaadasho xumo, dad kale ka amar qaadasho talo keen la,aan si ugu yaraan midooda loogu dabafeylo si ay reer Hiiraan qeyrkood wax ula qeybsadaan mustaqbalka ma leh ilaa ay markii danbe si shirka u burburo madashaii shirka la yimaadaan hadaan shirka reer Galgaduud lagu soodareyn maamulkaan kama mid nahin. dabcan beesha Xawaadle oo ay Soomaaliweyn marqaati ka ahaayeen sidey u soo agaasimeen shirkaas hadiiba reer Hiiraan la qancin karo ninkii nool ayaa marka waqti leysku wareysto ka sheegeyn doona ugu danbeyntiina maamulkaas si sharaf leh ayaa loogu dhawaaqay waxaana dagaal markii danbe la galay Shiikh Shariif oo ay la taliyayaal u ahaayeen shaqsiyaad aysan wax micno ah sameyneyn in aan hada magacyadooda ku soo qorno halkaan markii uu Shariifka maamulkii dhaqaajin waayey oo ay dhaqaalahooda iyagu isku wadaan ayuu markii danbe nin dhalinyaro ah yiri Dooxada Shabelle la bax iyadoo ay maamulka u dheereyd hagardaamooyin kale waxeyna ugu danbeyn ragii maamulkaas dhisay intoodii ay ka goneyd in ay reer Hiiraan helaan maamul goboleed ilaa maanta aaminsan yahiin in aan reer Hiiraan dagaalka siyaasadeed ee Mogdishu iyo meelo kale oo dalka ka mid ah laga deyn doonin ilaa ay iyagu isku tashadaan oo ay gacantooda maamul goboleed ay hormuud uu yahiin waxgaradka Hiiraan ku dhawaaqaan.

Muhiim maahan in Hiiraan laga dhigo labo gobol waa gobolka ilaa maanta ugu dadka badan Soomaaliya sharciyan waxuu ka danbeeyaa 8dii gobol ee ugu horeysay Soomaaliya maba ahan in dadqeyrkeen ah aan siyaasad u dabafadhino maadama qaranimada sida ay reer Hiiraan markasta u arkaan si ka duwan ay qeybo badan oodalka kunool uarkaan iyagoo raadis ugu jira sadbursi iyo fowdo joogto ah oodalka iyodadka dhaxalsiisay dib u dhac qeyrkeena ka harno.

Isku soo duuboo shirarka hada socda waxey wax badan ka duwan yahiin shirarkii hore mirahii ay maanta reeer Hiiraan abuurtaan ayeyna caruurtooda goosan doonaan mustaqbalka hadiikale qeyrkood ayey sidan maalinkasta u dabafadhiyi doonaan mediyahana uga qeylin doonaan.

La soco wararkeena danbe iyo arimaha Hiiraan.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.03 seconds
14,934,522 unique visits