Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxdiisa oo mustaqbalkooda...

Wararka MaantaHS:-Shacabka Soomaaliyeed oo ay caado u ahaan jirtay in ay taageeraan dowladkasta bilaha ugu horeeya inta aan la arag waxqabadkeedana amaan iyo gabayo kala hortaga waxey hada ka baxeen xiligii amaanta waxaana hada soo muuqaneysa in la qiimeeyo qaabka ay u shaqeeyaan hayaddaha dowlada oo midkasta ay u taalo howl ka duwan tan kale waxa ay qabaneyso.

Inkasta oo aanu dib uga hadli doono qaabka ay u shaqeeyaan hogaanka baarlamaanka, iyo xukumada R/wasaare Saacid waxaa muhiim ah in aanu bulshada u soo bandhigno 4 ka mid ah 10 ka qodob ee mustaqbalka dhaw soo dedejin doono burburka dowlada hada inoo dhalatay malaayiin Soomaaliyeedna ay rajo ka qabaan in ay dalka iyo dadkaba bad baadiso ilaah ayaa wax bad baadin karee.

Bal aan ku hormarno madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxdiisa siyaasadaha qar iska tuurkaa ee ay ku shaqeeyaan marka meel leyska dhigo shirarka iyo wararka aan xaqiiqada ku fadhiyin ee ay idaacadaha maalin iyo habeen ka sheegaan badankood.

Inta badan umada Soomaaliyeed waxuu gabalkoodu dhacay markii ay wadanka ka curteen hogaamiye kooxeedyo,kooxo diimeedyo sida qabqable dagaal, Maxkamado u xuubsiibtay Shabaab, Xisbul Islaam, Allaa Shiikh maantana waxaanu mareynaa (Dam Jadiid amaba kooxda Hadaan kooynay).

Dabcan umadi ma horumarto hadii ay iska indha tirto xaqiiqada qaladkastana hadaan laga hortagin inta uu ugubka yahay waxaa ugu danbeyn laga dhaxlaa burbur siyaasadeed, dhaqaalo iyo mid colaadeed sida waxa hada ka taagan dalka oo laga dhaxlay kooxahii faraha badnaa ee dalka soo maray.

Hadaba waxaan qoralkeena maanta ku soo koobeynaa 4 qodob oo muhiim ah kana mid ah 10 qodob oo hadaan maanta laga hortagin amaba la saxin si waliba deg deg ah ay fashil ku danbeyn doonto siyaasada guud ee dalka iskaba daa in ay madaxweynaha iyo kooxdiisa wadanka gaarsiiyaan doorasho xor ah 3 sano iyo bar kedib ee waxaa soo deg degi doona bur burkooda.

1-Markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamud uu doorashadii baarlamaaniga aheyd ee la qabtay bartamahii sanadkii tagay u kaka guuleystay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed waxaa aad u soo dhaweeyey dal iyo dibad shacabka Soomaaliyeed oo ay u muuqatay fowdadii laga dhaxlay dowladahii kumeel gaarka ahaa dad badana waxaa qiimo ugu fadhiyey in mar uun laga baxo kumeel gaarka iyo siyaasad xumo markaas muuqatay oo ay bulshada ugu tageen dowladii ka horeysay ee markaas jirtay tanina aad loo xiiseynayey.

Nasiib wanaag waxaa bil kedib la soo magacaabay R/wasaare kedibna waxuu soo dhisay xukumad kooban laakinse waxey wax badan is bedeleen markii r/wasaarahii Soomaaliya hal mar uu noqday howlgab howshiisiina ay la wareegeen madaxweynaha iyo dhawr wasiir oo ku fikir ah kana tirsan xisbigiisa. dunidan aanu ku nool nahay ma jirto qof nool oo aan damiir laheyn r/wasaare Saacid oo diidan inuu durbaba qilaaf soo kala dhexgalo madaxa qaranka kana dheregsanaa qilaafkii dowladii ka horeysay heerka uu wadanka gaarsiiyey ayaa shir iskugu yeeray beesha Sade Mareexaan oo uu ka dhashay.

Doodii R/wasaare Saacid iyo beeshiisa ( Sade) dhax martay waxaan ka abaareynaa nuxurka amaba inta aanu is dhihi karno iftiimin wey ugu filan tahay bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaare Saacid ayaa markii ay u yimaadeen waxgaradka beesha Sade u sheegay waxa uu kala kulmay madaxweynahii isaga soo magacabay iyo sida uu awoodii r/wasaaraha iyo tiisii iskugu darsaday isagoo waxgaradka uu iskugu yeeray xushmeynayana waxuu yiri sida warar sugan lagu helayo.

Waxaan idiinku yeeray in aadan banaanka ka maqlina Ina Farax Shirdoon ayaa go,aan iska qaatay ee waxaan doonayaa in aan idiin sheego halka ay arini mareyso inta ay hada dowlada cusub tahay waxii aanu ka yeeli laheyn. odoyaashii Sade oo markii hore aad uga xumaa qaabkii qaldanaa ee xukunka looga tuuray R/wasaarahii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo waliba maalinkii ugu danbeysay isagoo shir kula jira General Ugandheys ah intey Villada ugu soo galeen goobtii ay ku shirayeen Farmaajo ka watay, kedibna sdiaas xukunkii uga tagay isagoo wadankiisa jooga oo aysan jirin cid uu ku duulay iyo qof ay is qabteen, ayaa waxey qaarkood waxgaradkii talo ku soo jeediyeen in waayadan danbe hogaanka dalka in ay ku guuleystaan uu ilaah u sahlayey hal beel iyagaasina ay siyaasad ahaa dhegahoodu maqlaan beel kale oo aysan aaminsaneyn cid kale oo dalkaan hogaamin karta ee intii kuwii Farmaajo riday ay dalka hogaamin lahaayeen xukunkana ku soo laaban lahaayeen saacadaan laga bilaabo xilkaan hey nin dhagool ah oo kalena u shaqey wadankii ayaa sidan iska noqdaye.

Dabcan odoyaashu beesha ay ka hadlayaan ee dalkaan ilaah u kasay iney hogaamiyaan waxey ka wadaan beesha Madaxweynaha uu ka dhashay oo waayadii danbe hogaanka dalka dhawr mar oo is xig xigta ku guuleystay. dhegta ay wax ku maqlaane waxey ula jeedaan siyaasad ahaan aheyn reer Puntland ma yaqaanaan iyadoo ay cuqaashu meeshaas ka duulayaan ayey R/wasaare Saacid talo ku siiyeen inuu inta ay madaxweynaha iyo kooxdiisu isagaaban ka bad baadi doonine ay shaqada ka ceyrinayaan inuu dulqaad muujiyo walow qaar badan oo waxgaradka ka mid ah laga soo xigtay iney ku taageerayaan inuu shaqada inta uu sharfan yahay iskaka tago ilaa uu maanta r/wasaare Saacid ku jiro siyaasado jahwareersan siduu isku lahaa kooxda madaxweynaha qanci amaba qilaaf ha bilaabin taasi oo aaqirkii xukumadiisa dhaxalsiisay Soomaali badana waadax uga dhigtay in ay maanta ka awood badan yahiin qaar ka mid ah wasiiradii uu isaga soo magacaabay oo aaminsan iney ku siyaasad yahiin madaxweynaha hal xisbina ka soo wada jeedaan.

2- Qodobkaan waa mid dhaawacayo mustaqbalkooda siyaasadeed oo waxey isbuuc kastaba soo bandhigaan qorshe cusub midkii hore iyagoon meel saarin inagoo qoraaladeena danbe ku soo qaadan doono 3 ilaa 4 mar ay qorshe ay yiraahdeen dalkaan ugu talo galnay in aan ku bad baadino la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

3-Sir malahan madaxweynaha iyo kooxdiisa oo marka ay hal safar galaan waxaa meelaha lagu qaxweeyo yaala waxkasta oo ay ugu talo galeen iney dalka ku dhaqaan kedibna warkii oo ay shacabku ka dheregsan yahiin ayey mar danbe soo bandhigaan sidii mid cusub.

4-Bahdilka ay ku hayaan R/wasaaraha Soomaaliya awadeed iyo siyaasadaha kooxeysiga ku dhisan ee ay dalka ku maamulaan waxey ku lumiyeen shacab badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin waa macquul in ay safarada ay dibadaha u aadaan niyada ku dhistaan laakinse siyaasadaha iyo qorshooyinka faraha badan ee ay umada Soomaaliyeed ku hayaan, waxey farxad galisay oo ay rajo siyaasadeed oo dhaw galisay aqoonyahano, ururo siyaasadeed uu hogaanka dalka damac kaka jiro mustaqbalka doonayana in ay ka faa'ideystaan qaladaadka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo kooxdiisa waxey keentay in maanta ay waxgarad aad u taageersanaa dowladan cusub saadaal aan qurux badneyn ka bixiyaan mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweyne Hasan Shiikh iyo kooxdiisa.

Warar u baahan xaqiijina waxey sheegayaan in aysan kala jecleyn waxa ay Soomaali badan saadaalinayaan amaba ugu yeeraan mustaqbal oo ay iyagu fikirkoodu dhaafsiisneyn dowladii C/qaasim Saalad Xasan oo suuqa Bakaaro ku shaqeyn jirtay iyadoo aan waqtiga dhameysana shir Kenya lagu qabtay kedibna isagoonba lala hadlin dowlad cusub lagu duldhisay maalintii danbena kaalay Col Cabdullaahi Yusuf u tiri masuuliyada la yiraahdo ayey maskaxdeedii leeyahiin kooxdaane.

Isku soo duuboo hadeysan madaxweyanaha iyo kooxdiisu si deg deg ah wax uga qaban qodobo aan isleenahay sidey hada u socdaan wey dhaami doonaan dhawr mar oo horena ay Soomaali badan siyaabo kala duwan uga dhawaajiyeen hadii aysan ku dhaqaaqin.

1- In la ilaaliyo dastuurka dalka oo aan karasamada r/wasaaraha Soomaaliya oo ay xitaa caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku bar baaray ka sheekeynayaan in ama xilka si sharaf leh looga qaado ama wasiirada xerta madaxweynaha ee aan amarka ka qaadan iyagoo isku haleynaya madaxweynaha soona xaadirin badanaa shirarka uu iclaamiyo r/wasaaraha awood xad dhaaf ahne isticmaalaa maqaamkooda wasiirnimo ha ku ekaadeen oo waxaanu waa siyaasade yaan heerkaas la gaarsiin awooda wasiiro ninkii soo magacaabay la bahdilayo xalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed kuma jiree.

2- Golahan wasiirada in isku shaandheyn lagu sameeyo oo dhawrka wasiir ee aan taageerada ka heysan shacabkooda oo qaarkood ku faano inta uu madaxweyne Hasan Shiikh Joogo taageero beel, gobol, amaba Soomaali aan ka helo qiimo iikuma fadhiso xilka aan hayo waan heynayaa kuwa aaminsane sidaan dal iyo dad laguma bad badiyo waa in wax laga qabtaa ugu yaraan r/wasaarahii wax ka qaban lahaa hadii madaxweynaha cuuriyaaminayo waa in uu ugu yaraan gooyni ula kulmo si ay hab dhaqankooda u bedelaan amaba ay bulshada u hor dhaafaan waliba qaarkood tirada fikirkaas aaminsan dhamaantood waa wasiirada ka soo galay dowlada xisbiga madaxweynaha iyo wasiirka qeyraadka oo gadaal kaka biiray kooxda markii uu madaxweynaha Soomaaliya safarada dibada aadona waxaa la daba dhigay r/wasaare Saacid inuu dhaqdhaqaaqiisa la socdo howl kale oo isaga loo xilsaaray hada ma jirto laakinse howlaha danbe wey ka badan karaan kuwa hada inoo muuqda.

3-Marka madaxweynaha iyo xertiisu wax ka qabtaan siyaasad xumida dhexdooda ka muuqata kedib si loo aamino shir dib u heshiin dhab ah beelaha Soomaaliyeed ha u qabtaano ileen hada wey adag tahay inta ay xukumadan ku jiraan wasiiro u badan koox isku ujeedo ah in la aamino shirarka ay qaban doonaane, iska iloow in wax laga qabto wadada aada magaalada Balcad oo 30 KM ah oo loo socdo 10 saacadood burburka soo gaaray awadeed.

La soco qodobada kale oo qaarkood kaa yaabin doona mudada yar ay jiraan kooxda madaxweynaha iyo qaabka ay siyaasada guud ee dalka u maareeyaan kedibna waxaad adigoo ragan u fiirineyn beelaha ay ka soo jeedaan amaba deegaanadooda adigoo maslaxada guud ee dalka ilaalinayo bal jawaab u hel in ay wadanka hogaamin karaan 4 sano ee soo socota iyo in kale..

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,589,011 unique visits