Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya oo Mogdishu iyoKenya..

Wararka MaantaHS:- Inta aanan u guda galin arimo xasaasi ah oo ay adag tahay in ay dad badan maqlaan hadii ay maqlaane aysan qaarkood umada u soo bandhigin ayaa hadane waxaan la dheyelsan karin sida ay siyaasadii guud ee dalka isku bedeshay hal mar.

Kedib waxii ka danbeeyey markii ay tiro xildhibaanada baarlamaanka ka mid ah oo ay gadaal ka fadhiyaan Faroolaha Puntland iyo siyaasiyiin jubooyinka ka soo jeeday oo taageerayey Ahmed Madoobe ay Mooshin ka keeneen xukumada R/wasaare Saacid inkasta oo uu markii danbe fashil xoogan ku dhamaaday kedib cadaadis kaka yimid kuwii waday mooshinka shacabka Soomaaliyeed oo doonaya in ay mar uun ka baxaan fowdada aaqirkiina mooshinkaas waa dhicisoobay.

Laakinse sida aanu ku heleyno warar horudhac ah waxaa magaalada Mogdishu iyo Kenya ka socda mooshin wax badan ka duwan midkii hore ayna wadaan xildhibaano wajiyo cusub ah Faroole iyo siyaasiyiin kalena aysan daba fadhiyin kaasi oo xukunka looga tuurayo madaxweynaha Soomaaliya Hasan Shiikh Maxamud.

Qaabka iyo qodobada loo cuskaday iyo waliba sida cilmiyeysan ee uu abaabulkaan u socdo ayaa iyaduna u baahan in la galiyo juhdi fara badan waa macquul in aanu ka hordhacnay laakinse waxuusan shaki ku jirin amaba aan la dafari karin sida ay siyaasadii guud ee dalka isku bedeshay wax ka yar 3 bilood.

1- Madaxweynaha Soomaaliya iyo xibigiisa oo siweyn ugu xiran kana talo qaato xisbiga talada dalka Masar haya ee aqwaanul muslimiinka uu hogaamiyo Madaxweyne Musri waxey siyaasadii guud ee dalka oo hada soo hagaageyso ku dhax fureen siyaasado aan laga fiirsan qatarteeda oo ay hada wado dowlada Masar kana dhalatay xurguf u dhaxeysa dowladaha Masar iyo Ethiopia oo isku heysta biyaha wabiga Nile oo ka bilaawda dalka Ethiopia kuna dhamaada dalka Masar kedib markii ay dowlada Ethiopia sheegtay in ay sameysaneyso biyo xireen ay kaka faa'ideysaneyso korontada oo ay dooneyso in ay siiso mustaqbalka dowlado ay Soomaaliya ka mid tahay.

Dowlada Masar waxey iyadoo arintaas ka duuleyso sheegtay in ay hubeyn doonto Oromada iyo Soomaalida iyadoo wafti ka socda wasaarada gaashaandhiga u soo dirtay Soomaaliya si u cabsi galiso Ethiopia. arintaan kuma dheeraaneyno inta ay si wanaagsan uga soo shaac baxeyso qatarta siyaasadeed ee ka soo muuqata laakinse waxaa muhiim ah in leys weydiiyo xagey dowlada Soomaaliya ka taagan tahay arimahan?

Dowladu waxey ka kooban tahay hayado kala kedisan sida xukumada,madaxweynaha iyo baarlamaanka oo ku hadla codka shacabka Soomaaliyeed. xukumada la sheego waa r/wasaare Saacid kaliya inta kale iyo madaxweynaha waa isku dhinac 1 amaba labo wasiir maahane waxaana la rumeysan yahay in aysan sinaba siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaan meelna ku kala hari doonin xisbiga ka taliya dalka Masar iyo kan madaxweynaha waayo dowlada Masar waxey xisbiga madaxweynaha wakiil uga tagay amaba ka saacidaa wadamada Carabta in ay dhaqaalo uga soo dhiciso. sidoo kale waxey iskaka mid yahiin waa isku ujeedo oo ururo diiniya ayey ka soo jeedaan labadaba sida Aqwaanul muslimiin iyo Islaax markii danbe Dam Jadiid la baxay.

Laakinse waxaa jira xildhibaano durbaba arintaan ka war qaba awalne ul booc ah ugu tukubayey madaxweynaha iyo kooxdiisa oo hada mooshinka intii ay xukumada ku qaadi lahaayeen ka doorbidayo in ay asiga meesha ka saaraan walow aan markaan shacabka Soomaaliyeed cadaadis badan lagala kulmi doonin marka la eego xildhibaanadii hore oo wali ciil qaba iyo kuwa hada cusub ee arintaan wado oo ah kuwo aan la dheyelsan karin.

Marka laga soo tago mooshinkaan madaxweynaha laga wado oo si xoowli ah ku socda walow aan la ogeyn in ay gadaal ka riixayaan dowlado kale , hayeeshee waxaa la qirsan yahay in ay hada siyaasada Soomaaliya marxalad aan bilahan la filaneyn ay lugaha la gashay marka la eego dagaalka Jubooyinka ka soo cusboonaaday, goboladii dowlada laga taageersanaa oo qaarkood la gaarsiiyey in ay cuqaashoodu dowlada kalsoonida kala laabtaan ama si hoose ha loo xaliyo ama ha leyska dhaafo laakisne waxaa muuqaneysa in aysan wali saldhigan siyaasadii guud ee dalka.

Isku soo duuboo xitaa hadii ay adkaato in madaxweynaha mooshin laga keeno oo dhaqaalo fara badan arintaas loo isticmaalo waxaan si sahlan u suuroobi doonin Soomaalida kala irdhoowday sida leys kugu keeni lahaa oo shir dib u heshiisiin loogu qaban lahaa hadii looqabtana waxey su,aal ka taagan tahay sida dowlada hada jirto bulshadu u aamini laheyd markaad eegto sida ay dowladan u shaqeyso oo ay meelo xaafado ahne intey waraaqo u qorto leetahay waxaad tahiin maamul goboleed oo waliba iyadoo aan lala gabaneyn radiyaha ku hadla codka dowlada Radio Mogdisu lagu webka lagu soo qoro,Jubooyinka iyo qeybo badan oo dalka ka mid ahne leh waxii aan inagu diyaarino ayaad ku dhaqmeysaan kuna qasban tahiin.

Su'aasha hada taagan in leysweydiiyo waxey tahay colaada ka soo cusboonaatay magaalada Kismaayo kama marna faragelin dhinaca Mogdishu ka socota ninkii Modishu yaqaano ayaa yaqaane sidey shacabka Jubooyinka wax ay ku farxaan u filan karaan hadii gogol loogu qabto Mogdishu?mise ujeedadu waa dhawr maalmood ha isku yimaadaan kedibna inta sawiro laga qaato dhawr milyana lagu cuno ileen shir dib u heshiisiin looguma yeeri karee madaama uu shirkaan ku qurxanaa bilaawgii siyaasada dowlada in Soomaali oo dha loo qabto.


Isku soo duuboo inagoo aanu magacyada dadka mooshinka ka wada madaxweynaha aanu soo bandhigi doonin waxaan isku dayi doonaa kaliya in aan bulsahda u dulmarno hadba heerka ay mareyso arintaan oo hada bilaaw ah.

La soco wararkeena danbe iyo hadba sida ay isku bed bedeleyso siyaasada guud ee dalka walow ay maamulka Puntland wadaan iyaga qudhoodu sidii ay kalsoonida ugula laaban lahaayeen dowladan sida warar sugan lagu helayo taasi oo laga yaabo in ayba xoojiso mooshinka xildhibaanadan ka wadaan Mogdsu iyo Kenya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,612,143 unique visits