Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Xildhibaanada reer Hiiraan oo kaga dooday Muqdisho sidii Hiiraan ay u yeelan laheyd hal dowlad goboleed

Wararka MaantaXildhibaanada reer Hiiraan oo kaga dooday Muqdisho sidii Hiiraan ay u yeelan laheyd hal dowlad goboleed.

Shir albaabada u laabnaa oo ay maanta ku yeesheen Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho Xildhibaanada beelaha wada dega gobolka Hiiraan , loogana dooday xal u helidda mushkiladda Hiiraan iyo sidii loogu heli lahaa hal dowlad goboleed oo ay raali ka wada yihiin dhamaan qabaa’ilka Hiiraan wada dega ayaa waxaa laga soo saaray gaba-gabadiisa qodobo wax ku ool ah .

Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Ugaas beeleedyada Hiiraan iyo Xildhibaanada ugu jiro TFG-da ayaa waxaa lagu falanqeeyay Arrimaha dowlad goboleedyada kala ah ( Hiiraan State , Dooxada Shabeelle iyo Hiiraan and Midland ) , waxaana ay ka doodeen Mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgashay sidii loo taageeri lahaa nidaam nabadgelyo , horumar iyo barwaaqo ku hagi kara dadka iyo dhulka Hiiraan .

Xildhibaanada ugu cad cadaa ee kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/llaahi Farey, Xildhibaan Sanyare, Xildhibaan Amiin, Xildhibaan Waqaa,Xildhibaan Muxidiin,Xildhibaan C/casiis, Xildhibaan Cali kheyrow ,Xildhibaan Sheekh Abuukar Dhaqane iyo Xildhibaan Cumar Aadan “ Cumar dheere” .

Xildhibaanada iyo Ugaas beeleedyada ku abtirsada qabaa’ilka wada dega Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay isla garteen qodobadan hoos ku xusan :-

1- in laga gudbo caqabadaha hortaagan in gobolka Hiiraan uu yeesho hal dowlad goboleed oo u howlgasha ammaan ku soo dabaalida iyo dib u soo celinta adeegyadii bulshada .

2- in Xildhibaanada reer Hiiraan ay mar kale dib u kulmaan, ayna qoraan warqad ay uga dalbanayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo R/wasaare Maxamed Cabbdulaahi Maxamed in ay si buuxda ula shaqeeyaan dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya maadaama ay xildhibaada reer Hiiraan qireen in HS yahay maamulka kaliya ee siyaasad ahaan shaqeynaya.

3- Xildhibaanada reer Hiiraan , waxa ay qaban doonaan Xaflad amaba shir ay ugu yeeri doonaan inay Muqdisho soo galaan masuuliyiinta ( Dooxada Shabeelle iyo Hiiraan and Midland ),si loogu qabto kulan lagu mideynaayo , dhamaantood ciddii diidana laga qaato tallaabo cad .

4- Xildhibaanada reer Hiiraan , waxa ay u arkaan dowlad goboleedka Hiiraan State inay tahay nidaamka kaliya ee hadda shaqeeya , loona baahan yahay in Maamulada kale ay isaga kula midoobaan awoodda si waafaqsan walaalnimo iyo isjeceyl .

5- Xildhibaanada reer Hiiraan , waxa ay ugu baaqayaan dowlad goboleedka Hiiraan State inay u howlgasho xoreynta gobolka Hiiraan iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee qatarta leh ee gobolka uu wajahay.

Dooda Kulankan oo qaadatay muddo ka badan afar saacadood , ayaa waxa uu ku soo idlaaday jawi is afgarad leh. kulamadan ay maalmahani iskugu imaanayaan xildhibaanada Hiiraan ugu jira dowlada federalka ayaa waxuu qeyb ka yahay sidii ay reer Hiiraan waqtiga kala guurka ugu midoobi lahaayeen danahooda u gaarka ah sida siyaasada, horumarka iyo sidii Hiiraan iyo shacabkiisuba u heli lahaayeen nabad galyo iyo maamul cadaalad ah oo ka shaqeeya guud ahaan Hiiraan.

W/diyaariyay : Xafiiska Hiiraan State ee Muqdisho.
Muqdisho-Soomaaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

#1 | Hasan on February 18 2011 14:49:35
Xildhibaanadu talaabo ku dayasho mudan ayey qaadeen. wasiirada reer Hiiraana go,aankaas ayaa looga baahan yahay.

Hasan
USA
#2 | Cosoble on February 18 2011 14:51:30
Xildhibaanadu jid wanaagsan by u fureen bulshada Hiiraan,maamulkii loo arko mid macquul ah oo bulshada iyo siyaasiyiinta ku dhax jira hala taageero.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,569,398 unique visits