Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ka fikiray midii uu qaadan lahaa in

Wararka MaantaHS:-Sida lagu helayo wararka naga soo gaaraya magaalada Mogdishu ayaa sheegaya in ay xafiiska mdaxweynaha ka socdaan qorshe lagu kala dirayo xukuumada r/wasaare Saacid oo sida lagu soo waramayo ay dhinaca amaanka ka heystaan isku dhaxyaac baahsan iyo jawareer siyaasadeed maadaama ay golahiisa wasiirada ka mid yahiin wasiiro aan qibrad badan ulaheyn howlaha ay qabanayaan kuwaasi oo siyaabo kala duwan loogu magacaabay xilalkaan.

Warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in uu madaxweynaha Soomaaliya ku mashquulsan yahay la tashigii ugu danbeeyey ee uu la leeyahay la taliyayaashiisa gaar ah, iyadoo ay hada taladii ku soo aruurtay in mudo 3 bilood gudahood isbedel muuqda lagu sameeyo hanaanka ay u shaqeyso xukumadaan hada jirta.Warku waxuu intaas ku darayaa in ay hada madaxweynaha miiska u saaran tahay midii uu soo hormarin lahaa in dhawaan mudo cayiman gudaheed la kala diro xukuumada dhan iyo in dhawr wasaaradood oo qaabka ay u shaqeyaan aad loo dhaliilay wasiirada hogaaminaya xil ka qaadis lagu sameeyo kuwa macquulka ahne iyaga leysku bedelo.

Inkasta oo aysan Soomaalida badankeed jecleyn siyaasada inta aysan banaanka imaan laga hordhaco hadane waxaan madaxweynaha iyo shaqsiyaad dhawaataan u noqday la taliyayaal ka madax banaan kooxdii Dam Jadiid ee hanaankii dowladnimo iyo kalsoonidii ay shacabku u qabeen dowladan lumiyey ay hada doonayaan in dib loo soo nooleeyo siyaasadahii uu doonayey madaxweynaha in uu wadanka ku dhaqo ee lixda tiir aheyd iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed lagu sameyneynin qaarkood faquuq iyo naceyb.

Isku soo duubo talaabo kasta oo uu maanta qado madaxweynaha kuna wajahan xukumadaan hada jirta hadii xilka laga qaado r/wasaare Saacid iyo hadii isku shaandheyn la sameeyaba waa waqtigii ugu habooneyd ee wax badan laga bedeli lahaa siyaasada guud ee dalka oo hadii ay sidan ku socoto uu badan doono culeyska iyo rabshadaha ay gudaha dalka kala kulmi karaan ciidamada Amisom iyo kuwa Ethiopia oo hada degaano badan oo dalka ka mid ah shacabkooda ka hela wada shaqeyn oo hadii ay meesha ka baxdo arintaas sababi karta in ay habeen iyo maalin kooxaha argagixisada ah kala kulmaan iska caabin shacabkuna soo sheegi wayaan amaba ay qaarkood gabaad siiyaan si ay ugu sahlanaato qaraxyo loo geysto ciidamadaas kedibna iyaguna waxiiba noola ah oo eeryada lagu qarxiyo jooga xasuuqaan sidii horey u dacday dhawr sano ka hor sidaasina ay fowdada ku batato.

La soco wararkeen danbe iyio xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo aa cago badan u tagneyn xilikastana la filan karo isbedel iyo fowdo aysan xamili karn shacabka Soomaaliyeed.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiantate.com
admin@hiransate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.88 seconds
14,606,189 unique visits