Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Saraakiisha ciidamda Amisom iyo kuwa Ethiopia oo wadashaqeyn kala kulmay shacabka

Wararka MaantaHS:-Magaalada B/weyne oo ay ku sugan yahiin ciidamo ka socda dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabuuti kuna howlgala magaca Amisom iyo kuwa dowada Ethiopia,kuwa Hiiraan oo dhamaantood ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa hada u muuqda kuwo siweyn uga helaya wadashaqeyn dhinaca shacabka ah. ciidamada dowlada Ethiopia oo waxii ka danbeeyey markii ay dhawr bilood ka hor bartamaha magaalada ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ay ku dileen gudaha mid ka mid ah masaajidyada maaalada B/weyne ugu danbeyna kulamo badan oo dhaxmaray iyaga iyo odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan raaligalin iyo diyo ay bixiyeen kedib waxey wali kusugan yahiin amaba degan yahiin dhismahii Jaamacada Hiiraan oo ay ardeyda wax ku baran lahaayeen ,laakinse waxdhibaato ah oo muuqda hada iyaga iyo shacabka kama dhaxeyso walow aysan wali iyaga iyo bulshada isku dhaxgalin sida ay shacabka u dhaxgaleen ciidamada dowlada Jabuuti oo runtii la dhihi karo waxeyba la mid tahay iyagoo jooga dalkoodii hooyo markaad aragto ixtiraamka ay ka helayaan qeybaha bulshada Hiiaan oo ay waxgaradka ugu horeeyan.

Sida aanu ku heyno warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya marka meel leyska dhigo siyaasadaha iyo jahwareerka ka taagan siyaasada guud ee dalka, hadane waxaa la dhihi karaa wada shaqeynta muuqata ee ay ciidamada Amisom hada ka helayaan gobolka Hiiraan waxaa u sabab ah shacabka oo siweyn ugu xiran nabadoonada, Ugaasyada, iyo indheergaradka amaba cuqaasha Hiiraan oo ay aad ugu dhega nugul yahiin hadalkooda oo go,aankasta oo ay cuqasha gaaraan waa midka maanta Hiiraan ka hirgalayo taasi oo ah arinta ugu muhiimsan ee ay taageerada iyo wadashaqeynta ku helaan ciidamada Amisom ee Hiiraan jooga maadaama shaqsiga siyaasada ku jira uusan isagu markasta kala jecleyn hadii habeen iyo malin la weeraro ciidamada Amisom iyo kuwa Hiiraan marba hadiiba aan lagu qabsaneyn gursiga uu ku fadhiyo waxuu kaliya fulinayaa syaasadaha looga dhaqmo meeshii laga soo magacaabay xilkiisa.

Laakinse Cuqaasha Hiiraan waxaa qiimo ugu fadhiya nabadgalyada iyo jiritaanka shacabka waxeyna jecelyahiin waxkasta oo qalalaaso ah in siwada jir ah looga hortago.

Dhawaan ayey aheyd markii gudaha magaalada B/weyne ay ka mabnuuceen in lagu qabto shir la doonyey in lagu taageeroi wasiirka arimaha gudaha oo isagu soo wakiishay nin lagu magacaabo Abuukar Cisaan Hagar Abuukar Baalle oo ka tagay dalka Mareykanka oo isagu ka mid ah shaqsiyaadka ka shaqeeya wasarada arimaha gudaha oo doonayey inuu shirkaas ku qabto mid ka mid ah guryaha magaalada B/weyne madaama siyaasadii guud ee dalka shaqsiyaadka qaarood heerkaas ka mareyso waa laga hortagay in uu qabsoomo shirkaas oo aan wax micno ah ugu fadhiyin bulshada Hiiraan waxaana si wadajir ah uga hortagay saraakiisa Amisom, waxgaradka Hiiraan iyo waliba gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo arinta gadaal ka maqlay.

Inkasta oo ay wasarada arimaha gudaha waxkasta oo ay iskaka horkeeni karto dowlada iyo waxgaradka Hiiraan,maamulka cusub,ciidamada Amisom iyo shacabka Jubooyinka ku dhiiraneyso maadaama ay wasaaradaas ka mid tahay meelaha sida weyn siyaasada madaxweynaha looga fashiliyo hadane Hiiraan waxey ka mid tahay deegaada aadka loola socdo siyaasadaha aan ka turjumeyn danta iyo dalka ee ay ku shaqeyso wasaarada arimaha gudaha.

Isku soo duuboo waxaa la dhihi karaa xiriirka ka dhaxeeya shacabka Hiiraan iyo ciidamada Hiiraan iyo kuwa Amisom waa mid aad uga soo hagaagaysa sidii hore waxaana magaalada B/weyne ka socdo tartan kubada cagta ah oo loogu magac daray President Gelle Cup amaba tartan loogu magac daray madaxweynaha Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle oo isaga iyo shacabkisuba aad looga jecel yahay Hiiraan maadaama ay reer Hiiraan yahiin dad ay qiimo ugu fadhiso Soomalinimada, derisnimada iyo in aysan iloobin qofkii abaal u gala iyo midkii dhibaateeya shacabkooda iyo dalkooda intaba.

Maxaa dhici kara hadii ay fowdadaan siyaasadeed ee Mogdishu ka taagan inteeda badana ka imaneysa wasaarada arimaha gudaha ay sii socoto.

Xaqiiqadii aad ayey u adkaan doontaa in ay sidii la rabay howshooda u gutaan ciidamada Amisom waxeyna u badan tahay in ay dhawaan meelaha ay ka joogaan dalka Soomaaliya siiba gobolada Koofurta oo ay meelo badan oo ay caasimada Soomaaliya ku jirto ay ku sugan yahiin kala kulmi doonaan caqabado iyo jahwareer siyaasadeed waxeyna waxkasta ku xiran yahin sida ay hogaanka sare ee dalka u xakameeyaan siyaasadahan bulshada iska horkeenaya wadakana u horseedaya fowdada lagana yaabo in ay kudhintaan ciidamo badan oo Asiom ah oo u soo gurmada sdii ay walaalahooda Soomaaliyeed u caawin lahayeen sida kuwa ka socda dowlada Jabouti ee Hil Walaal,si loo helo nabad waarta ciidamadaan wadanka jooga ee ajnabigaane looga kaaftoomo mustaqbalka dhaw oo ay dalkooda u nabadeystaan masuuliyadan la wareegaan ciidamada XDS.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,579,696 unique visits