Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
nancyid18

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Tartankii loogu magac daray madaxweynaha Jabouti ee ka socday magaalada B/weyne

Wararka MaantaHS:- Magaalada B/weyne ayaa waxaa ka socda ciyaaro aad u xiiso badan oo bulshada ku dhaqan magaalada B/weyne soo xasuusisay waayo waayo iyo xiligii bari samaadkii.



Inkasta oo dhawaan lagu wado in la qabto sidii caadada aheyd tartankii ugu xiisaha badnaa tartamada kubada cagta ee Hiiraan lagu qabto amaba hadaan si kale u dhigno koobkii bisha barakeysan ee ramadaanka oo mararka qaarkood dadweynaha daawanayo ay ciyaartii oo bilaaban sii tagi jireen garoonka ay ka dhaceyso ayaa hadane waxaa xusid mudan in ay hada magaaladu tahay mid mashquul badan, marka la eego dhinaca Sportiga iyo hamiga dhalinyaradu ay u qabaan ciyaaraha kubada cagta.

Ciidamada Hiiraan, kuwa Amisom ee ka socda Jabouti iyo waliba Booliska magaalada B/weyne ayaa amaanka aad u ilaalinaya goobta ay ka dhaceyso ciyaarta waxaana si aan caadi aheyn loo baarayaa dadweynaha u soo daawasho tagayo ciyaarta oo iyagu aad u taageeraya kooxaha uu tartanku u dhaxeeyo.

Inkasta oo ay tartankaan ka maqan yahiin ragii kubada sanka iyo afka ku wadi jirey marka ciyaaraha Hiiraan laga sheegeynayo wiilashii loo caalwaayey ee Buulaay Star amaba hadaan si kale u dhigno ciyaartooydii magaalada Bulo Burde oo iyagu nasiibkaan kuwa B/weyne ay heystaan aan heysan kedib markii kooxaha ka taliya magaaladaas ay ka mabnuuceen yiraarahii si ay dhalinyarada ugu isticmaalaan dagaalada iyo qaraxyada ayaa waxaa hadane muuqaneysa in dhalinta ku nool magaalada B/weyne ay hada isku mashquuliyaan kaliya ka hadalka ciyaaraha iyo hadba heerka ay marayaan.


Tartanka hada socda ayaa waxaa ilaah ka sokow suuragaliyey oo qalabka iyo koobkaba dhigay madaxweynaha dowlada aanu walaaalaha nahay ee jabouti oo runtii u qalma inuu hogaamiyo 5tii Soomaaliweyn Ismaaciil Cumar Geele inkasta oo aysan Soomaalida maanta nool aheyn kuwii hore oo kale hadane sida ay madasha uu ka furmay ciyaarta ka sheegeen saraakiisha ciidamada Jabouti ee Amisom koobkaan waxaa loogu maagc daray madaxweynaha jabouti.


Madaxweynaha ayaa ugu talo galay ciyaarahan si aysan ulumin doorkii dhalinyarada maadaama uu sportiga ka mid yahay ciyaaraha bulshada isku soo jiido kaalin weyna ka qaata nabada guud ee dalka halkii ay dhalinyarada isku mashquulin lahaayeen ka hadalka dagaalada sokeeye ee dalkeena halakeeyey.


Marka laga soo tago ciyaaraha xiisaha badan ee ka socda magaalada B/weyne hadane waxaa magaalada ka socda dhismayaal xoogan kuwaasi oo iskugu jira guryaha Vilooyinka ah iyo waliba daaraha dhaadheer.


Sidoo kale waxaa nabadgalyo xoogan laga dareemayaa wadada dheer ee isku xirta gobolada koofureed iyo kuwa waqooyi oo inteeda badan dhax marta Hiiraan iyadoo ay adag tahay in aad aragto inta aad ku safreyso inta u dhaxeyso magaalada B/weyne iyo Libiga Hiiraan oo ah xadka kala qeybiya Hiiraan iyo Galgaduud wax isbaaro ah oo yaala kedib markii ay cuqaasha Hiiraan safar ku tageen dhulkaas oo ay dhalinyaradii ka saareen dadka degaankana ay hada arinatas amaan ka keeneen.


Sawirada aad argeysaan waa dhulka buuraleyda ah ee Hiiraan ku teedsan qaarkood. marka laga hadlayo dalka Soomaaliya dhulka Buuraleyda ah waxuu ka bilaawdaa magaalada Bulo Burde markaad 5Km dhinaca waqooyi aad uga baxdo ilaa gobolada waqooyi aad ka gaarto wadada labadeeda dhinac waxaa ku gedaaman dhul buuraley ah marka laga reebo dhulkaan u dhaxeeya Galgaduud ilaa qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Dhinaca Xoolaha waxaa suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan laga dareemayaa ganacsi dhinaca xoolaha ah maadaama dadka reer miyiga ah ay ku jiraan waqtigii roobabka oo uu dhulku doog yahay xooluhuna ay ku jiraan naq fiican walow dhawr bilood kedib sidii caadada aheyd Hayaddaha gargaarka sawiro ka soo qaadi doonaan dadka reer miyiga ah oo ay biyo la,aani heysato maadaama biyaha ay soo rogaan dhulka buuraleyda ah aan loo sameyn biyo xireen waqtiyada roobka oo ay wabiga ku shubaan waadiyaasha waaweyn amaba togaga aybiyahu maraan, hadane intaanba waa mahad alle marka loo eego waxii la soo maray.


Isku soo duuboo bulshada Hiiraan waa dad u diyaar ah dowladnimo, nidaam iyo kala danbeyn laakinse waxey wax kala dhaxeeyaan dowlado dadka hogaaminaya ay fowdada ka doorbidayaan nabada sida mida hada jirta ee maalinba qeyb bulshada ka mid ah ay kalsoonida kala laabanayaan halkii ay wada jirka ka shaqeyn lahaayeen kuwa hogaaminaya.

Dhinaca Hotelada magaalada B/weyne oo ay ku yaalaan in ka badan 10 Hotel oo waaweyn dhamaantood waa mashquul xiliyada qaarkoodna lama helo dadka Hotelada degan ee aan guryaha ku laheyn magaalada waxaa ugu horeeya maamulka cusub ee Hiiraan ka arimiya badankood oo ah shaqsiyaad leysku keekeenay oo ay jidadk amagalada Mogdishu ka soo aruurisay wasaarada arimaha gudaha oo aan iyagu bulshada soo dhexgalin waxii ka danbeeyey markii ay cuqaasha Hiiraan kalsoonida kala laabteen dowladaan cusub ee hada jirta. sidoo kale waxaa Hotelada camiray amaba ay qaarkood u xiran yahiin qurbajoog dibadaha ka tagay iyo kuwa hada kusii jeeda taasi oo dhaqaalaha magaalada gaarsiisay heerkii ugu sareeyey waayadan.


Hotelada ugu caansan magaalada B/weyne waxaa ka mid ah Hotel Hiiraan, Hotel Madina, Hotel Wabiga Shabelle, Hotel Maka, Hotel Galbeed, Hotel Sh Ali Jimcaale,Hotel Beerlula iyo Hotelo yar yar sida Hotel Alow Kaa,aal, Hotel Lakacsha, Hotel Xowyiri iyo wax la mid ah lol.

La soco wararkeena danbe iyo ciyaaraha xiisaha badan ee magaalada ka socda iyadoo la wada sugayo ciyaarta finalka oo laga yaabo in madaxweynaha jabouti koobka u ku bixiyo dhinaca qadka telefonka amaba taliyaha ugu sareeya ciidamada Jabouti iyo cuqaasha Hiiraan ay goobjoog ka noqdaan goobta lagu bixinayo koobkan ay kooxaha iskaka soo horjeeda u bixiyeen Do or Die walow kooxaha inta badan mar hore gurigooda loo diray oo la reebay waxuu hada kooban u muuqdaa in ay ku guuleysan dooaan dhalinya ku ciyaareysa magaca Xaafada kooshin oo iyagu ciyaaro lala yaabay soo bandhigay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,638,050 unique visits