Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
essieao18

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wafti xoogan oo ka socda dowlada Jabouti oo iskugu ira siyasiyiin iyo fanaaniin gaaray magaalada B/weyne

Wararka MaantaHS:- Magaalada B/weyne waxey aheyd maalmahii tagay magaalo aad uga mashqul badneyd bilahii tagay kedib markii ay halkaas ka dhaceen ciyaaro aad u xiiro badan oo uu soo qaban qaabiyey madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Tartankan oo ay iskugu soo hareen laba kooxood oo ka mid ah 16-ka kooxood ee ka dhisay magaalada B/weyne kuwaasi oo kala ahaa Hawlwadaag iyo Kooshin ayaa waxaa ciyaartooda maanta ka soo qebgalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan kuwooda ku sugan magaalada B/weyn iyo nawaaxigeeda.

Ciyaarta oo aheyd mid aad loo wada sugayey ayaa waxaa goobta ay ka dhaceysay xaadir ku ahaa wafti xoogan oo ka socday dowlada Jabouti kaas oo uu hogaaminayey safiirka Soomaaliya u fadhiya dowlada Jabouti iyo waliba fanaaniinta kooxda deegaan oo uu la socday abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamud Cadullaahi Ciise ( Sangub).

Ciidamada Hiiraan, kuwa Amisom iyo waliba Booliska maaalada B/weyne oo uu horkacayey G/dhexe Cali Dhuux ayaa maanta siweyn amaanka karoonka ay ciyaarta ka dhacesay u sugayey waxaana daawashada cyartaan soo xaadiray dhamaan cyaartooyadii kala duwanaa ee koxahii ka dhisnaa magaalada, kuwii hore ee cuslaaday iyo waliba gudoomiyaha Olompikada Hiiraan Mr Yaniiyadoo ay ciyaarta ugu anbeynm weerar iyo weerar celis ay isku hayeen labada kooxood ugu danbeyn dhalinyada xaafada H/wadaag ay guusha ku raacday 3 gool iyo 2 gool oo ay dhaliyeen kooxda Kooshin.

Marka laga soo tago waftiga qaaliga ah ee ka socday dowlada Jabouti waxaa soo dhaweyn iyo caleema qoyan kala hortagay amaba wadada dheer ee isku xirta Garoonka diyaradaha iyo city centre-ka tagnaa dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo siwen oo aad u qurux badan u soo lebistay xirnaana calankeenii quruxda badnaan jiray hadane aan laheyn wax heybad ah maadaama aysan dalka Soomaaliya 23-kii sano ee ugu dabeysay aysan bulshadu helin wax dowlad ah oo si quman ula wareega amaaka guud ee dalka marka laga reebo dowlado u shaqeeya qaa fowdo ah iyo hanti abuurasho.

Xaflada weyn ee maanta ka dhacday Magalada B/weyne waxey qiimo weyn ugu fadhisaa dowlada Jabouti inagu xor manahin oo waxaa wadankeena ku sugan 25 kun oo ciidamo African ah dowlad ay ka amar qaataane ma jirto oo markii ay donaane 5 KM ayey Shabaab ka xoreeyaan oo waxaani mashruuc ayey u tahay markii ay doonaane xarumahooda ma soo dhaafaan walow ay wax badan ka duwan yahiin ciidamada Soomaaliya jooga kuwa Jabouti ee ku sugan Hiiraan maadaama aysan iyagu aheyn ajnabi oo ay yahiin walaalo noo soo hiiliyey qeyb dalkoodii ka mid ahne ku sugan waa sida ay shacabka Hiiraan aaminsan yahiin.

Xiriirka madaxweynaha Jabouti iyo ciidamadiisa kala dhaxeeya bulshada Hiiraan waxuu ku dhaw yahay in uu labada shacab mustaqbalka dhax maro ganacsi xoogan iyo iskaashi dhinaca dhaqaalaha ah walow aysan hada Hiiraan ka jirin maamul adag oo arimahaas kala xaali kara dowlada Jabouti madaxdeeda.

Isku soo duuboo 20% Hiiraan caawa waa laga dagaal degay 80% ka kalena afkiibaa juuqda gabay oo waxaa maamula Shabaab ninka wasiirka gaashaadiga Soomaaliya sheeganaya Mr Fiqi oo hada ku sugan Hiiraan qeybo dalka kamid ah ayaa loo diiday inuu gudaha u galo layaabka aduunka waxaa ka mid ah idaacadahii ayuu ku hayaa Shabaab waan ciribtireyna xerada ciidamada Amisom ee Xalane kaliya waxa ka socda xitaa ma oga waa dowlada iyada dhan riyo ku jirta tiiyoo ay hada madaxweynaha iyo r/wasaaraha ku mashquulsan yahiin kordhinta golaha wasiirada ooay doonayaan iney isku shaandheyn sameeyaan wasiiradana gaarsiyaan 18 wasiir kuwane isku bed bedelaan.

Jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha waxey siweyn u amaanayan dadaalka dheeriga ah ee ay sameeyeen ururka dhalinyarada Hiiraan ee uu hogaamiyo nin dalinyaro ah oo lagu magacaabo Raaxeeye Buraale oo iyagu daadaal dheeri ah u galay sidii uu miro dhal u noqon lahaa habsami u socodka xafladaan walow ay ciidamada Jabouti iyaga qudhoodu xaflad gaar ah oo iswareysi ah gaar u sameysteen.
Hda waxaanu sugnaa in ciyaartooyda qaranka Hiiraan ay ciyar aaxiibtinimo la yeeshaan kuwa daka Jabouti ka dhisan iyagun booqdaan si ay xamaasada heerk ay hada joogto ugasioi batato dhalinyaradna u mashquulaan intii ay colaada iyo dagaalda sokeeye k sheegeyn lahaayeen. arintaan ilah ka sokow gancsatada Hiiraan iyo ganacsatda Jabouti yaa fududeynkaro maadaama madaxweynaha Jaouti uu dadaalay dhawr marna uu gurmad la sop garay shacabka Hiiraan xiligii ay magaalada ku soo baxeen biyaha.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net
admin@hiranstate

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,589,255 unique visits