Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
bernardts3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Hogaamiyaha Shabaab oo hubka dhigis ku haya haraadigii Hsan Daahir

Wararka MaantaHS:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in uu awooda kooxda Shabaab si rasmi ah ula wareegay hogaamiye kooxda Ahmed Godane oo hada ciidamo daacad u ah ay ku hareereysan yahiin Abuu Mansuur Roobow iyo horjoogayaal tiro yar oo ku sugan duleedka kore ee magaalada Xudur.

Hasan Daahir Aweys oo ah 70 jir cimrigiisa ku dhameystay mooryaanimo iyo qax waxaa gobolka Sh/hoose ka dhoofiyey amaba siweyn u saaciday shirkadaha Isgaarsiinta qaarkood amaba hadaan si kale u dhigno rag ay qaarabo yahiin oo ka dhoofiyey odayga sida warar sugan lagu helayo garoonka ka mid ah kuwa Sh/hoose ku yaala ee macmalka ah.

Hasan Daahir Aweys oo magaalada Mogdishu oo nabadoon xiligii uu dalka hogaaminayey Shiikh Shariif ay diyaarada Juba ka soo qaaday Asmara kedibna ay ka soo dejisay koroonka N0 50 waxuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed galiyey jahwareer siyaasadeed aan horey loo arag isagoona sabab u ahaa burburka lixaadka leh ee soo gaaray caasimada Soomaaliya kedib markii uu hogaanka ururkii Xisbul ISlaam kala wareegay hogaamiyahii uu awalba u dhiibtay Cumar Iimaan.

Hasan Daahir Aweys waxaa isaga iyo reerka uu ka soo jeedo ceeb ugu filan wadaadkooda, Generalkooda, Ganacsadahooda iyo mooryaankooda waa isku wada aqli maalinba maalinta ka danbeysana umada dhexdooda ayaa lagu bahdilaa kamana dhiidhiyaan oo dulmigii farah abadnaa ee ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u geysteen aya laga jarayaa.

Dhawr sano ka hor ayey aheyd markii dalka Kenya oo ay ku sugan yahiin generalo badan oo Soomaaliyeed kana soo jeedo qabiilada Soomaaliya badankood general Galaal ookaliya loogu galay Hotel ku yaala magaalada Naroibi isagoo Bijaamo kashana la xiray, kedibna sidii loo lahaa markaan odayga fadeexad xoogan ayaa ku dhacday masaajidka ayuu galayaa oo cibaadada ayuu ka ag dhawaanayaa waxuu dib ugu laabtay Tuulada Guraceel isagoo dagaal galiyey Mooryaantii ka soo carartay Afgooye iyo Mogdishu oo ay kala hogaaminayeen Cabdi Waal iyo Cirfo isagoo leh waxaan tababar siinayaa Ahalusuna.

Sidoo kale mudo hada laga joogo dhawr iyo toban sano waxa ay dal iyo dibad Soomaalidu ku leetahay ganacsi waxaa halmar albaabada loo laabay shirkadii ay lahaayeen reerkaan ee Barakaad oo ay Soomali badan oo daacad aheyd ku waayeen hanti badan maadaama aysan kala saarin xalaasha iyo xaaraanta dhibkasta oo ay la yimaadaan saameyn xoogan ayey ku reebtaa bulshada inteeda kale walina dhagartii wey wadaan oo waa kuwa raga iska leh shirkadaha isgaarsiinta ee Hormuud iyo olompic dagaalka kul ajira shirka Dahabshiil si looga masaafuriyo koofurta Soomaaliya oo ay shirkadu ku xoogan tahay adeegeena loo bogay, sidaasi ay tahay Soomaali kale oo shirkada Dahabshiil kala jecel iney horumarto iyo iney musalafto oo waqti iyo dagaal galineysa oo aan reerkaan aheyn ma jirto.

Sidoo kale markaad maanta aragto waxa ku dhacay oday Aweys oo 70 jir ah qatuma xumida heysata ma jirto oday Soomaaliyeed oo dadaas jira oo ay heysato wiil uu dhali karo labo jeer ayaa ka ceyriyey degaankii awalba ay xooga ku heysteen isaga iyo qabiilkiisa.Markaad waxii dhacay dib u eegto qabiilkasta oo Soomaaliyeed waxaa laga helaa qof xun iyo qof wanaagsan xiligii qaraxyada badan lagu xasuuqayey shacabka Soomaaliyeed dhamaan shaqsiyaadka Soomaalida kale ah intooda badan wey is xakameeyeen oo ugu yaraan waxbey iskula hareen isagu markii uu dhacay xasuuqii ka dhacay magaalada B/weyne ileen reerku waxii uurkooda ku jiro ma celin karaane isagoo shaati qabiil huwan ayuu iscelin waayey hadaladii uu xiligaas yiri ee taariikhda galayna wali wey muuqdaan.

Marka laga soo tago warbixintan kooban ee aanu kor ku xusnay hadii aad dib u raacdo qoraaladeenii hore mar aan ka hadleynay qilaafka u dhaxeeya Shabaab oo ay kala hogaaminayeen labo garab waxaan ku sheegnay in garabka Hasan Daahir iyo Abuu MAnsuur Roobow ay hogaamiyaan hadii uu ugu talo galo Ahemd Godane in uu burburiyo in aysan qaadaneyn maalin barkeed. xogta aanu markaas heynay waxey aheyd in kooxkasta oo ku fikir noqota reerkaan ay fashil ku danbeyneyso waayo waa reer tafaraaruq loo abuuray markaad eegto qaabka ay dhisan tahay kooxda Shabaab qabiilkasta dad baa uga jira oo shacabkooda qeyb ka mid ah la qalday sidaasi ay tahay cid aan Habargidir aheyn oo tafaraaruq iyo magacyo kale in la sameysto aaminsan ma jirto jihaad iyo jihaad la aanba.

Sidoo kale marka dib loo eego qaabka ay siyaasadahooda u maareeyaan Soomaali badankeed inkasta oo ay naga luntay qaranimadii guud hadane ma jirto beel aan Habargidir aheyn oo dowladkasta kula macaamileysa magacyo kala duwan sida mar ay dhahaan waxaanu nahay Ahalusuna, mar ay dhahaan Ximin iyo Xeeb oo marti galiyaan burcadbadeeda Soomaaliya, mar ay dhahaan Galmudug oo xaafad ah waa maamul goboleed oo waliba kaaka darane idaacadii qaranka ee raadio Mogdihsu lagu xayeysiinayo.mar ay Shabaabka dhexdiisa ka dhahaan waxaanu nahay Xisbul Islaam iyo wax la mid ah.

Waxaase waxaasi oo dhan ka sii daran Hasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Saacid oo xitaa ku dhiiran waayey in odaygaan dhiigya cabkaa loo soo gacan galiyo oo la maxkamadeeyo si ay tusaale fiican ugu noqoto mustaqbalka kuwa dalka iyo dadka burburkaan oo kale u geysan doona, bal ka warama Hasan Daahir haduu maanta qof kale oo qabiil kale ah ahaan lahaa sida Abuu Mansuur, Ahmed Godane amaba Fu,aad Shanqoole xarunta Villa Soomaaliya sida ay hada u aamunsan tahay uma aamusteen marka wadankaan dowlad kama jirtee qabiil iyo qurun ayaa ka buuxa madaxda hada jirtee oo markii la doonana waxaa la noqonayaa argagixiye markii kalena waxaa la yahay Hawiye waa aqliga Mogdishu raga joogo laga dhaxlay waayadii danbe oo siyaasad xumo iyo cadaalad daro heerka ay ka gaareena shacab 3 gobol maamul Jubaland la baxay u sameystay haba lagu kala fikir duwanaadee leh ma noqon kartaan xaafado is magacaabayna idaacadii qaranka ka xayeysiinaa. tolow ma waxeysan ogeyn in ay wali bulsahda ku jiraan dad fikiraya oo waxa dhacaya la socda?

Isku soo duuboo markii la arkey madaxda dowlada aamusnaantooda iyo talo qaadasho la,aantooda ayaa waxaa hada ku wajahan sida warar horudhac ah lagu helayo hoyga burcad badeeda Soomaaliye ee Cadaado sirdoon ka kala scoda wadamo dhawr ah oo odayga doonaya iyadoo ay arintaan ka sacidayaan mid ka mid ah dowladaha dersika ciidamadooda markaas ayey dowlada wajigabaxa rasmigaa la kulmi doontaa.

Sidoo kale markii la maqlay in ay Cadaado ku soo wajahan yahiin sirdoonkaas ayaa waxaa odayga la geeyey si kumeel gaar ah tuulo lagu magcaabo Godin Labe si looga dhoofiyo Dhuusamareeb amaba Guriceel kedibna loo yiraahdo wuu naga baxsaday iyo wax la mid ah.

Warar kale oo hubin u baahana waxey sheegayaan in ciidamo taageersan hogaamiyah Shabaab ay ku wajahan yahiin halkaas inta aysan gaarin sirdoonka reer galbeedka walow aan la ogeyn ciidamada Ahmed Godane in ay yahiin burcadbadeedii Xarardheere Joogtay iyo in kale amaba kuwo ka tagay qeybo ka mid ah Galgaduud.

La soco wararkeena danbe iyo Hasan qaxaaye iyo reerkiisa ceebaha iyo burburka ay maalinba maalinta ka danbeysa dalkeenii hooyo kala kulmayaan hadii ay yahiin dad ay ceebikarto.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,637,778 unique visits