Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed marna ah...

Wararka MaantaHS:-Magaaada B/weyn oo dhawrkii sano ee ugu danbeysay aheyday goob ay iskaka haajireen dadkii waxgalka ahaa kedib markii siyaabo kala duwan loogu dilay aqoonyahano, saraakiil, ganacsato iyo waxgarad kala duwan ayaa waxaa hada ku sugan Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif oo isagu tan iyo marki uu dib ugu laabtay gudaha Hiiraan oo ay xooga saareen isaga iyo hogaamiyayasha dhaqanka Hiiraan dhinaca dib u heshiisiinta oo runtii kaalinweyn ku leh nabadgalyada guud iyo isdhaxgalka bulshada.

Waxeyna ugu danbeyn ku guuleysteen in ay heshiis kala dhaxdhigaan beelo ay mudo colaad ka dhaxeysay,waxeysa wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in inta badan jifo hoosaadyada ay beeshu ka kooban tahay ku mashquulsan yahiin sidii ay u yeelan lahaayeen nabadoono madaama ay nabadoonadii hore noqdeen wax dhintay iyo wax gaboobay.

Jifooyinka qaarkood ayaa durbaba sameystay amaba hore u lahaa nabadoono sax ah walow ay kuwona dhiman yahiin laguna talo jiro in ay la yimaadaan nabadono sax ah inta aan la gaarin shirweynaha guud ee ay beeshu iskugu imaaeyso.

Inta badan marka ay beesha Xawaadle yeeshaan Ugaas cusub waxaa dhaqanka beesha udub dhaxaad u ahaa in ay dhamaan jifo hoosaadyadu leeyahiin nabadoono Ugaaska kala shaqeeya wanaaga iyo qadiyada beesha iyadoo la ilaalinyo karaamada iyo sharafta umada Soomaaliyeed jiritaankeeda guudna la ilaalinayo si aan loogu xadgudbin beesha iyaduna aysan walaalo Soomaaliyeed si fudud ugu xadgudbin.

Shirkan ayaa waxaa lagu casuumay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay beeshu kuwooda ku nool gudaha dalka iyo waliba qurbajoogta oo halkaas lagu wado iney jaaliyad jaaliyad iyo koox koox ku gaaraan

Isku soo duboo waxaan dhawaan soo bandhigi doonaa nabadoonada saxda ah ee ay jifooyinka qaarkood sameysteen amaba ay horey u lahaayeen iyo kuwa aan wali laheyn nabadoono ee hada isku diyaarinayo si jiilka soo korayo aysan mardanbe ugu jahwareerin odoyaashii inta badan aysan jirin cid u dooratay howlaha beesha ee iyagu si ay nolol maalmeedkooda u helaan maalinba meel hor leh waalada ka kacsan jiray maadaama uu wadanku ku soo jiray colaad iyo fowdo oo ay fowdada xitaa saamyn ku yeelatay nabadoonada.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hirantate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.94 seconds
14,667,466 unique visits