Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweynaha Hiiraan State ee Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Qunsulka guud ee dowladda Liibiya.

Wararka MaantaJimco 18,Feb 2011 (HSOL)- Madaxweynaha Hiiraan State ee Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Qunsulka guud ee dowladda Liibiya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya Dr. Maxamuud Cabdi Gaab ayaa maanta kula kulmay Magaalada Muqdisho Qunsulka guud ee dowladda Jamaahiiriyadda Liibiya u fadhiya Muqdisho Mudane C/risaak Faarax, iyagoo kaga hadlay kulankooda arrimaha dowlad goboleedka Hiiraan State iyo qaabka ay ugu suura-gali karto inay la wareegto awooda gobolada Hiiraan oo intooda badan hadda gacanta ugu jira kooxda Alshabaab .

Madaxweynaha Hiiraan State ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada dowladiisa ay dejiyeen qorshayaal cad oo ay ku wajahayaan kooxda Alshabaab, laakiin dowladiisa cusub ay weli ku jirto howl is qalabeyn ah iyo dhismaha ciidamo awood leh oo iskugu jira Milatari iyo Boolis.

Madaxweynaha HS, Qunsulka Liibiya iyo Sarkaal Liibiyaan ah oo dhinaca ammaanka u qaabilsan dowlada Libiya ayaa ka wada hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay sidii dowladan cusub ay u heli laheyd kaalmada ay uga baahan yihiin dowladda Jamaahiiriyadda Liibiya, si loo guda-galo wax ka qabashada hanaanka nabad-gelyo xumo ee ka jirta gobolada Hiiraan uu ka kooban yahay ee kala ah Dhagaxjibis, Deebley iyo Koonfurta Hiiraan .

Kulanka oo daba socday mid ay hore u wada yeesheen safiirka dalka Libiya iyo madax sar sare oo ka socotay HS ayaa ku soo dhamaaday jawi isfaham leh , iyadoo sidoo kale loo balamay kulan kale dhamaadka todobaadka nagu soo fool leh si loo hirgaliyo waxii lagu balamay kulamadii hore.

W/diyaariyay : Xafiiska Hiiraan State ee Muqdisho.
Muqdisho-Soomaaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,579,321 unique visits