Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
marylouvk4

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Saraakiishii ka socotay dowlada Ingiriiska ee dhawaan gaaray.....

Wararka MaantaHS:-Ciidamada Hiiraan oo soo maray daruufo kala duwan ahna kuwo iskugu jira rag ay ka danbeeyaan xaasas iyo dhaliyaro mudo ku soo jiray degaalo sanadahii ugu danbeysay ayaa waxey maalinba maalinta ka danbeysay siweyn u soo jiidanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan iyo waliba waftiyo kala duwan oo dhawaan gaaray halkaas.

Inkasta oo aan halkaan lagu soo koobi karin dadaalka dheerigaa ee ay sameeyeen ciidamada Hiiraan iyo xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo ciidamada walaalaha Jbaouti ee Amisom, kuwa Ethiopia iyo waliba shacabka ku dhaqan Hiiraan ayaa hadane waxaa xusid mudan in ay ciidamadan la yimaadeen aqlaaq iyo geesinimo aan la dheyelsan karin taasi oo ay ka marqaati kaceen dhamaan waftiyadii siyaabaha kala duwan ku booqday xeryooyinka ay ku sugan yahiin iyo sida ay iyagoo aan shacabka waxbo yeelin u sugayaan amaanka magaalada oo xitaa xiliyada habeenkii hadii ay socdaan dumarka kaligood xili danbe aan cabsi looga qabin iney waxyeeleen xiliyada ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

War bixin horudhac ah oo ay ka diyaariyeen saraakiil ka socotay dowlada Ingiriiska oo dhawaan ku booqday ciidamada xerooyinka ay ku jiraan ayaa sheegay in ay Hiiraan ku soo arkeen ciidamo rasmi ah marka loo eego bey yiraahdeen meelo badan oo ay dalka ka tageen ciidamadii ay ku soo arkeen.

Sideedaba marka daraasaad lagu sameynayo ciidan waxaa marka 1aad la qiimeeyaa amaba aas aas u ah aqlaaqdooda iyo sida ay amarka u qaataan oo ay ugu hogaansamaan amarada saraakiisha ka sareysa. sidoo kale waxaa lagu qiimeeyaa sida ay ula dhaqmaan bulshada ay la nool yahiin ee ay nabadgalyadooda sugayaan. waxeyna saraakiishan qaadan waayeen dulqaadka ciidamada markii ay dhageysteen daruufahii ay soo mareen iyo waxa ay u baahan yahiin oo ay indhahooda ku arkeen.

Ciidamada Hiiraan oo iskugu jira Milateri, Police, iyo ciidamada nabadsugida ayaa waxaa dhamaantoon ka dhaxeeya wadashaqeyn weyn iyadoo ay muuqato qaabka ay u howl galaan oo aan aheyn mid isku dhaxyaac ah. sidoo kale waxaa aad loo amaanay saraakiisha tababarka siiya ciidamadan ee ka socda dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti olo iyagu badankood tababarada ku soo qaatay dalka Faransiiska iyo gudaha dalka Jabouti oo runtii qibradooda aad loo amaanay waqti badan iyo dadaalna galiyey dhismaha ciidamada Hiiraan ee ku sugan duleedka kore ee magaalada B/weyne.

Marka laga soo tago warbixinta qabyada ah ee laga diyaariyey ciidamada Hiiraan hadane waxaan la dheyelsan karin dadaalka ay muujiyeen shacabka oo iyaguna u hogaansan amarada ciidamada oo qofkii laga shakiyo isagoon is waalin wax buuq ahen sameyn ogolaanaya in la baaro oo waliba ku faraxsan taasi oo kor u qaaday kalsoonida ciidamada.

Dhawaan ayey aheyd markii ay ciidamada walaalaha Jabouti balan qaadeen in ay dayacdir ku sameynayaan xeradii Lamagalaay oo burburtay kedib markii ay iska soo aruuriyeen dhaqaalo ay ka jareen mushaarkooda maadaama ay siweyn uga warqabaan xaalada ay ku sugan yahiin ciidamada Hiiraan oo ay maalin iyo habeen wada shaqeyeeyaankuwa Amisom.

Gudoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Yusuf Ahmed Hagar "Dabageed" oo ciidamada Mudo kula noolaa duurka amaba dhulka buuraleyda ah oo mar ka warbixinayey mar xaladaha ay soo mareen waqtigii ay dagaalka ba'an kula jireen kooxdahii mooryaanta ahaa ee magaca urur diimeedka watay ee ay ugu horeysay xizbul Islaamkii burburay hadana ah siyaasi howlgab ah oo colaadii nabad ku bedeshay ayaa ku nuux nuuxsaday in aan halkaan lagu soo koobi karin marxaladahii ay soo mareen dhalinyaradan iyo kuwo badan oo ifka ka tagay, laakinse ay muhiim tahay in howsha laga wado meeshey hada joogto oo ciidamada daryeelkooda si dhab ah meel loo saaro maadaama ay u badan yahiin rag xaasle yaal ah oo ay caruuri ka danbeyso caruurtii aabayaashood ku waayey dagalada markii la xasuusto haba la gaaree.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,637,823 unique visits