Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
Bogdangbg

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Xaalada siyaasadeed ee xukumada r/wasaare Saacid oo aan cago badan...

Wararka MaantaHS:-Inta aanan u gudagelin mustaqbalka siyaasadeed ee xukumada R/wasaare Saacid oo mugdi xoogan ku jira marka laga hadlayo xaalada siyaasadeed ee maanta ka tagaan gudaha wadanka Soomaaliya iyo duufaanaha siyaasadeed ee ay horboodayaan dowladaha reer galbeedka oo iyagu bixiya mushaarka ciidamada Amisom ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Hadane waxaa muhiim ah in aanu bulshada u dul marno siyaasadahii xawaaraha ku socday maalmahan ee ka dhashay Hasan Daahir Aweys.arinta Hasan Daahir Aweys marka dhinaca dhaqanka Soomaalida dhaxdeeda laga eego sida uu madaxweynaha Soomaaliya odoyaashii dowlada u soo gacan galiyey oo markii ay garoonka diyaaradaha ka soo dageen ciidamada nabadsugida ay qaarkood markii ay iswaaleen shaanguulo ( haraanti) kala daaleen ka qanciyey waxey aheyd talaabo fiican oo ku dayasho mudan ujeedadii la donaba ha laga lahaadee.

Laakinse marka xaalada laga eego dhinaca dagaalka xoogan ee lagula jiro argagixisada caalamka ee bulshada caalamka u diiday nabad iyo nolol qabashada Hasan Daahir Aweys waxey dowlado uu horboodayo Fransiiska u tahay jaanis xoogan.

Sirdoonka reer Galbeedka kuwooda ku sugan caasimada Soomaaliya iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah waxey si gaar ah isha ugu hayaan xaalada Hasan Daahir Aweys iyagoo dadaal xoogan u galaya markii ay dareemeen in wadaadka xag jirkaa oo danbiyo waaweyn galay umad badana laayey reer galbeedku waxey awoodooda iskugu geyeen sedax qodob oo ay hada kor isticmaleen ciidamada Nato ee ka howlgala dalka Afganitaan xiligii ay dagaalka ku jabeen ururkii Taalibaan ee magangalyada siiyey ururweynaha Al qacida ee dagaalka ka waday dalkaas xili saraakiil sar sare oo ururka Daalibaan ka tirsanaa kana soo jeeday qabiilka Baashtuunka ay siyaasiyiin dowladii kumeel gaarka aheyd ee xiligaas ka jirtay wadankaas rag ka tirsanaa damceen in ay qaab qabiil kaka soo saaraan goob lagu hayey, iyagoo isticmaalaya amaba abaabulay caruur iyo dumar banaanbaxyo ka sameeya caasimada wadankaas.

Dowladahii ay malaayiinta dolar kaka baxday dagaalka siyaasiyintii reer Afgansitaan waqti badan kumaba lumine waxey qaateen sedax qodob oo muhiim u ahaa.

1- Waxey sameeyeen baaritaan xoogan iyo dabagal ay kusameeyeen siyaasiyiinta reer Afganistaan inta si hoose ula shaqeysa kooxaha argagixisada ah iyagoo siweyn ugu milmay sirdoonka wadankaas iyo raga hogaaminaya siiba kuwoodii qurbaha ka tagay ee baasaboorada reer galbeedka heystay iyo wadamada ay kala joogaan.

2- Xeradii ay maxaabiista ku jireen oo ay ka shakiyaan in uu si sahan u siidaayo generalkii ciimada Afganistaan hogaminayey oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Tastun oo markaas cidamo uu watay ku gedaamnaayeen xerada ayaa la duldhigay qalab dhaqdhaqaaqooda lagula socdo ilaa markii danbe mudo kedib markii ay siyaasiyiintii reer Afganistaan go,aan qaadan waayeen la yiraahdo waxey isku dayeen iney baxsadaan meeshii ay mareen intii xeradaas ku jirtay hada kama sheegeyneyno tirada ifka ka joogto.

3-Intaas sirdoonka reer galbeedka howshoodii kuma egaane dhamaan waxey afka ciida u galiyeen dowladii markaas jirtay oo kumeel gaar aheyd intii horboodeysay iyo kuwa uu damac ku jiray iyagoo ka mabnuucay amaba dadaal u galay inuu wadankaas doorashadii la qabtay ku soo baxo ninkii kooxahaan la tuhmayey inuu si hoose ula shaqeysto iskana dhigi jiray inuu ku hadlo codka shacabka Afgansitaan ee lagu magacaabi jiray Cabdalla Cabdalla oo xiligaas laga maamulayey dalka Bakistaan.

Maanta iyo xaalada Soomaaliya iyo sirdoonka reer galbeedka iyo dowlada hada jirta meeshey kala marayaan amaba ku danbeyn doono mustaqbalka wadaadka xagjirka ah ee hada gacanta ugu jiro dowlada.

Dowladaha reer galbeedka amaba sirdoonkooda waxaa ka go,an in uusan ifkaan si xor ah ugu noolaan hogaanka sar sare ee kooxaha aduunka ku haya dhibaaada oo markey waxey doonaan haleeyaan shacab badana xasuuqaan dib ugu milma isla bulsahdii ay xasuuqeen iyagoo aan cadaalada la horkeenin.

1- Dowlada hada jirta oo hada idaacadaha arinta Hasan Daahir bulshada uga dhigeysa mid sahlan tii ilaahey waa goyni laakinse ma sahlana ogow reer galbeedku markii ay qaarajinayeen amaba ay gantaalka ku hilmaameen Aden Xaashi Ceyrow qof Soomaalida kale ah oo loo adeegsaday ma jirin guri cariish ah oo ku yaala Galgaduud in habeen madow lagu duqeeyo oo ay rag beeshiisaa oo maanta guryo qurqurxan ku leh gudaha wadanka ay kumanaan dolar ku qaatan dilkiisa ma aheyn wax ay u bareereen Soomaali Maxamed waxii ku kalifay ragii arintaas ku dhaqaaqay adiga isweydii.

2-Hasan Daahir waxii dhibaato iyo wanaag ah ee uu dunidan ku geystay ilaah ayaa kula xisaabtamayo marka laga soo tago ruwaayada ay beeshiisa u dhigayaan Soomaalida kale amaba shacabkooda xaalada odayga ma ahan mid sahlan oo goobta uu ku jiro Soomaalida amaba hayada nabadsugida dhulka iyo agagaarka xarunta kaliya ayey joogaan laakinse dhinaca hawada iyo dhaqdhaqaaqa dhan iyo baaritaan ku socda rag badan oo qurbaha ka tagay amaba dowlada ku jira howshoodana dhinaca kale ayey ka socotaa.

3- Warar aan sugneyn laakinse macquul noqon karana waxey sheegayaan in ay reer galbeedku hakiyeen malaayiin dolar oo dowada Soomaliya loogu deeqay shirkii London warbixintii dhawaan laga qoray dowlada ee ku saabsaneyd musuq masuqana ujeedadeedu aheyd sidii looga fiirsan lahaa taageerada la siinayo xukumada hada jirta waxaana suuro gal ah in ay reer galbeedka wada hadalo toos ah la furaan hogaamiyaha Shabaab Godane ayna u arkaan inuu yahay nin meel loogu soo hagaago leh wax badan oo reer galbeedka iskaka qasnaana banaanka soo dhigay.

Awoodii milateri ee uu dhawaan Amed Godane u isticmaalay Hasan Daahir Aweys, Ali Dheere iyo Abuu Mansuur Roobow ee ku qasabtay Hasan Daahir inuu carar ku tago Galgaduud kuwii kalena uu ka dhigay waxuu dilo, qaar Dayniile iyo ceelasha biyaha oo ay dowladu joogto gabaad ka dhigta iyo koox Xudur u cararta oo qabiiladooda dabada la gala waxey banaanka soo dhigtay amaba beeneysay macluumaaad aan run aheyn oo ahaa in Ahmed Godane uu koofurta Soomaaliya ku joogo awooda ragaas aan kor ku soo sheegnay maadaama sida la qiyasayey ay degaankaas ka soo jeedaan ninkanina waqooyi kasoo jeedo.

Waxaa kale oo iyaduna aan la deferi karin jahwareerka siyaasadeed ee taliska Amisom ee Mogdishu ka heysta hogaanka sare ee dowlada oo iyagu la garan la yahay qaab loola dhaqmo si loo wajaho dagaalada kooxda Shabaab lagula jiro madaama aysan isku ujeedo aheyd masuuliyiinta dowlada badankood, taasi oo ugu danbeyn madaxda wadamada ay ka joogaan ciidamada Soomaaliya ay iyagu toos u hagaan saraakiisha ciidamadooda marka ay amraane ay dagaal galayaan inta ka horeysana marka ay idaacadaha ka hadlaan qaar ka mid ah Soomaalida oo daleeceynaya Amsiom la beeneeyo waxkasta oo ay sheegaan.

Dowlada Fransiiska oo ka mid ah dowladaha maxaabiis ay qabteen Shabaab looga dilay dalka Soomaaliya iyadoo amaradii lagu qaarajiyey uu wax ka dhiibay Hasan Daahir waxey leeyahiin dowlada hada jirta waxba kama duwana tii hore ee lagu eedeyn jiray iney la shaqeyn jireen unugyo Shabaab katirsan taasi oo aad u adgeyneysay waqtigaas in kooxda si sahlan looga taqaluso.

Sidoo kale dhibaatada heysata xukumada R/wasaare Saacid halkaan kuma soo koobi karno waxeysa u muuqataa in xilka r/wasaaraha Soomaaliya ay waayadaan adkaan doonto in loo magacaabo beesha Sade sababo fara badan oo aysan micno badan ugu fadhiyin Soomali badan laakinse aad u cuuriyaamisay shaqada r/wasaaraha.

R/wasare Saacid hadaan shaqsiyadiisa iyo caqabadaha siyaasadeed ee gudaha wadanka ka heysta hadaan kala qaadno waa labo qodob oo kaliya.

1- Waa shaqsi nadiif ah laakinse ay wax kala dhaxeeyaan beesha Sade sida qabiilka Hasan Daahir oo kalena ku socda dhawr kooxood oo marka magaalada Kismaayo mid ka hadlo mid kale oo isla beeshii ah ayaa ka daba hadlaya oo Ahmed Madoobe u hadlaya.qaar waxey siyaasad ahaan ku xiran yahiin qabiilkaan fowdada badan ee oday Aweys oo maalina Ahalusuna Gedo ayey sheeganayaan,koox Gedo ayey ka hadlayaan oo ay leeyahiin waxaan hoos tagna dowlada. kuwo waa kuwa Shabaab Baardheere ku haya marka wanaagiisa shaqsigaa waxaa cuuriyaaminaa towfiiq la'aanta muuqata ee beeshiisa ka dhax aloosan xilkaana kuma daahi doono inuu sii hayo, hadii uu si hayana waa uun waqti aan fogeyn.

Waayo masuul dowladeed ma difaaci karo xukumad isagoo ay reerkiisu kala socdaan taas ayaana ugu wacan in ay jaanisyo fara badan oo ay ku cuuriyaamin karaan siyaasadahiisa Faroole, Madaxweynaha Kilinka Sanaad Cabdi Cumar iyo Ahmed Madoobe helaan maadaama ragaas xumaan iyo samaan beelahoodu hal dhinac iskugu beyreen siyaasadooduna ay misaan lahaato.

Isku soo duuboo Soomaalidu waxey tiraahdaa kor waayeel waa wada indho r/wasaare Saacid ma isaga is garay oo si tartiib ah isku casil.ma xukumada isku shaandheyn xoogan oo muuqata lagu samee, mise Soomaalida kale intaanba la gaarin dib u heshiisiinta reerkiisa ka soo bilaaw ileen nin walaalkiis xiniyaha heysto rag kale iskama dhicin karee sidey noqotaba xukumada hada jirto mustaqbalkeedu waa mid aad u yar in ay sii jirto.

Marka caqabadaha r/wasaraha u gaarka ah meel leyska dhigo burburka xukumadan sabab uma noqon doonaan madaxweynaha, gudoomiyaha baarlaaanka,qaar ka mid ah golaha wasiirada ee waa mid uu ugu talo galay inuu fashiliyo wasiirka arimaha gudaha qofkasta oo Soomaali ah oo maanta qaan gaar ah maskax uu wax u fahmo lehna wuu dareemayaa arintaas, tiiyoo uu ka soo jeedo urur magac diimeed leh laakinse aan ku dhaqmin diin iyo wax u dhaw ee loo sameystay in lagu koro siyaasada maanta jirta.

Dabcan siyaasada maata dunidan aynu ku nool nahay ka jirto 4 sano ayaa ley doortay wax ila hadlayo ma jirto ma taalo hadii ay taasi shaqeyneysana dowlada Sacuudiga iyo reer galbeedku madaxweynaha dalka Masar oo ay shacabku soo doorteen xukunka lagama tuureen iska daa madaxweyne baarlamaan kaliya soo doorteen oo madax ka ah wadan ay ku sugan yahiin ciidamo sisheeye waliba kala ujeedo ah.

La soco wararkeena danbe iyo xog dheeri ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net









Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,579,719 unique visits