Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Dhismaha Golaha wasiirada cusub oo meel fiican maraya iyo wada

Wararka MaantaHS:-Dalka Soomaaliya waxaa dhawaan ka soo muuqda isbedelo siyaasadeed oo u badan dib u eegid lagu sameynayo xukumada iyo qaabka qaldan ee ay u waji jirtay wasaarada arimaha gudaha siyaasada jubooyinka.

Shir ay dhawaan dalka Ethiopia iskugu tageen wafti ka socday dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayey wasiirka madaxtooyada Farax Cabdulqaadir iyo wafti uu hogaaminayey Ahmed Madoobe uuna ka mid ahaa maskaxdii ka danbeysay Dhismaha Jubaland madaxweynahii Azania prof Gaandi ayaa ugu danbey dood dheer kedib waxuu marayaa heer aad uga macquulsan sidii hore.

Ahmed Madoobe iyo dowlada isma diidaneyn ee waxaa noo cuntami waasey qaabka uu u dhaqmi jiray wasiirka arimaha gudaha ayaa doodooda ka mid aheyd.nasiib wanaag Soomaalidu hadey iyaga wada hadlaan wax uun baa ka soo baxa hadii shirarka danbe sida hada midkaan oo ay codsadeen Ahmef Madoobe iyo waftigiisa in aysan hor fadhiisaneyn wasiirka arimaha gudaha oo ay u arkaan qas wade umada kala fogeynaya halkii uu isku keeni lahaa, ayaa aad u soo dhaweeyey wada hadalada ay la galayaan dowlada Soomaaliya oo hada u muuqata in ay wax badan ka bedeleyso siyaasadaheedii ku wajahnaa meelo badan oo ay jubooyonka ugu horeyso.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu sida lagu soo waramayo doonaya in uu gabi ahaanba siyaasada guud ee dalka min jubooyinka ilaa xukumada wax badan ka bedeli doono sida warar sugan lagu helayo waxey u muuqataa in isbedelada soo socda jaanis fiican uga soo bixi doono maamulka Jubaland hadii aysan fursadaha soo socda iska lumin oo aysan u dhaqmin qaab mooryaaneed amaba qaab jabhadeed.

Dhinaca kale waxaa heer gabo gabo ah maraya dhismaha xukumad cusub oo ay dhawaan yeelandoonaan bulshada Soomaaliyeed waxeyna u badan tahay in kasta oo la hadal hayo in la sameynayo isku shaandheyn golaha wasiirada ah oo ay arintaas meel fiican mareyso hadane waxey u badan tahay in xitaa uu meesha ka baxo R/wasaare Saacid inkasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno arimo badan oo xasaasI ah oo madaxweynaha Soomaaliya miiska u saaran sidii isbedel muuqda loogu sameyn lahaa xukumada hada jirta iyo maamulada dalka qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sida muuqata hada heysta taageeradii ugu badneyd ee madaxweyne Soomaaliyeed ka helo beesha caalamka iyo inta badan shacabka Soomaaliyeed waxaa hada miiska u saaran inta sanadka ka dhiman sidii uu arimaha gudaha wax ugu qaban lahaa maadaama siyaasadii dibada heer wanaagsan la gaarsiiyey.

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno dalka Soomaaliyana waxey sheegayaan in xukumada cusub wasiiro cusub oo qibrad leh u badnaan doonaan howlaha lagu soo xulayo iyo wadatashogana uu sii socon doono inta bisha ramadaan ka dhiman iyadoo durbaba ay soo baxayaan in rag qurbaha jooga oo maamulka wax ka yaqaano loo gacan haatinayo amaba xiriro kala duwan qaarkood lala sameynayey maalmahii tagay.

MaalmahiI tagay waxaa la hadal hayey in la sameyn doono isku shaandheyn golaha wasiirada oo kaliya hadase waxey u badan tahay in uu xitaa meesha ka bixi doono r/wasaare Saacid oo fashilka xukumadiisa qeybweyn ku leh.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayey u badan tahay in uu r/wasaare cusub oo isbedel rasmi ah ay xukumadiisu la timaado lana jaanqaada isbedelada caalamka kajira uu soo magacaabi doono.

Ma dooneyno in aan mar iyo labo jeer ku soo celcelino wasiirada ay seeftu qaadi doonto oo ramadaanka kedib raadis u gali doono sidii safiiro iyo qunsulo safaaradeed looga dhigi lahaa sidii laga dhaxlay dowladahii kumeel gaarka ahaa oo la arki jiray r/wasaare inta xolka laga qaado jajo safiir raadis ugu dhaqaaqa iyo wasiir xildhibaanimo raadis u gala.

Isku soo duuboo marka la eego dib u dhiska xoogan ee ka socda meelo badan oo dalka ka mid ah oo ay caasimada ugu horeyso Soomaaliya waxaa ka dhiman oo kaliya isbedel guud oo lagu sameeyo xukumada hada jirta.

La soco ama si joogto ah ula soco isbedelka guud ee dhawaan lagu sameynayo xukumada oo hadal iyo qoraal hada kasoo gudbay.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
Admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,568,942 unique visits