Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

M/weynaha mustaqbalka Somaliya oo Kenya ku siijeeda

Wararka MaantaSabti 19,Feb 2011 (HSOL)- M/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa oo ku sii jeeda Kenya iyo Somaliya kedib baaqyo fara badan oo kaka yimid siyaasiyiin Somaliyeed, mudanayaasha baarlamaanka qaarkood iyo ganacsato caan ka ah dalka Somaliya oo dhamaantood isku aragti ka ah inuu hogaamiyo shacabka Somaliyeed 2011 ilaa 2021.


Prof Ahmed Muumin Warfaa oo ah muwaadinka Somaliyeed ee lagu wado inuu bedelo madaxweynaha hada talada haya Shiikh Shariif Sh Ahmed marka uu waqtigiisa dhamaado ayaa isagu hada helaya dhiiragalin kaka imaaneysa inta badan qeybaha kala duwan ee shacabka Somaliyeed. Prof Warfaa ayaa tan iyo intii uu ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka amaba hogaanka dalka ugu sareeya ayaa isagu ku mashquulsanaa dejinta qaabkii uu dalka iyo dadka u bad baadin lahaa isagoo diyaariyey sida lagu soo waramayo qorshe dhawr sano ah oo dalka iyo dadka Somaliyeed lagu bad badinayo Ilaah baa wax bad badin karee. kaasi oo ah nidaam inta badan u daneynayo dan yarta Somaliyeed sida Health system-ka, waxbarashada, difaaca dalka iyo dadka Somaliyeed iyo waliba horumarinta ganacsiga dalka. qorshaha uu wado madaxweynaha mustaqbalka Prof Warfaa ayaa hadii ay waqti ku filan siiyaan shacabka Somaliyeed ayaa u muuqda mid si deg deg ah loogu guuleysan karo.

Qorshaha uu doonayo inuu dalka ku bad badiyo madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa ayaa muuqaal ahaan u qaab ek mid shacabka iyo dalkaba u roon , kaas oo halkii ay shacabka Somaliyeed isku haleyn lahaayeen umado shisheeye kaalmadooda taasi bedelkeedu shacabkii wadanka gacanta ku dhigi lahaa ayaa lagu diyaarinayaa mudo dhawr sano gudahood ah iyadoo lagalinayo waqti iyo maalba jiil cusub oo Somaliyeed oo la jaan qaadi kara siyaasadaha caalamka ka jira qarniga 21aad iyo waxii ka danbeeya dhaqankooda iyo diintoodana xajisan kara.

Qorshaha uu wado Prof Warfaa waxuu xitaa siinayaa xaquuqdooda iyo jiritaanka Somalinimo shacabka Somaliyteed meelkasta oo ay kaka nool yahiin dunida dacaladeeda.

Qorshaha cusub ee uu dalka iyo dadka ugu talo galay madaxweynaha mustaqbalka waxaa ku dhex jira qaab ku cusub shacabka Somaliyeed oo hadii ay la qabsadaan si sahlan ugu baabinaya dhaqanada foosha xun ee ku saleysan qabyaalada iyo isir naceybka. taasi bedelkeeduna shaqsi kasta waxuu dalka wax kaka noqonayaa hadba heerka ay tacliintiisa la eg tahay iyo wadaniyada shaqsiyadeed ee uu la yimaado.

Qorshaha m/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa iyo siyaasiyiin kaleba wadaan waxuu shacabka Somaliyeed u sahlayaa iney si sahlan bulshadu isku dhex galaan.waxaa kale oo qorshahan ka mid ah in muwaadinka Somaliyeed meelkasta oo uu wadanka ka joogo amaba ka degan yahay ku helo adeegyada ay ka mid ayhiin Biyo, Koronto, Caafimaad iyo waxbarasho. taasi oo hadii lagu guuleysto la mid ah habka ay heystaan shacabka ku nool wadamada horey u maray. Madaxweynaha mustaqbalka iyo kooxdiisa amaba intii xukumadiisa ka mid noqota dalka waxey ku wareejinayaan dad tayo leh oo fahamsan waxa ay tahay nolosha, derisnimada iyo wada noolaanshaha.

Qorshahani ayaa hadii uu hir galo waxaa lagu wadaa in mudo gaaban ay kaka soo gabsadaan shacabka Somaliyeed dhibaatooyinkii iyo colaadahii daba dheeraaday ee la haray 20 ka sano iyo ka badan.

Warar lagu kalsoon yahaya ayaa shegaya in 90% uu noqonayo madaxweyanaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa markaad aragto shaqsiyaadka hada u hambalyeynayo iyo kuwa dhiiragleinayo intuba oo ah calaamado muujinaya inuu yahay masuul sugayo uun xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynenimada Somaliya oo aan isdaaasi u fogeyn xiliga ay dhaceyso.

Isha warka Hiiraan State
Mogdisho, Somaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | saf on August 15 2011 09:39:56
A tourist replica coachhired donkey.
He stopped gucci storesto rest.
refuge in thelouis vuitton storesshadow of.
the donkey louis vuitton stores onlineand a shade.
avoid exposure replica gucci handbagsDonkeys barely.
enough to cover chanel stores onlineof passengers.
shade fierce coach bagsno one think.
owner insisted replica pradahe only letting.
The visitors replica louis vuittonhe employed.
donkeys and shadowreplica coach bagsand even fight.
They debate chanel stores onlinethat people.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,613,822 unique visits