Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
Servicezhm

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo jooga meeshii siyaasadiisa lagu saxi lahaa...

Wararka MaantaHS:- Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo mudooyinkii danbe ku noolaa dalka Ingiriiska halkaasna isagoo saaxiibul ciyaal ah ka mid ahaa kumanaanka Soomaalida qaxootiga ah ee ay isbuuc kasta siin jirtay boqorada ingiriiska 40 Gini wallow ay wararka qaarkood sheegayaan in uu isagu ka mid ahaa dadka lafa xanuunka iyo sokorta sheegtay sidaasina 50 Gini lagu siin jiray ayaa ugu danbeyn go,aansaday inuu raadis ugu dhaqaaqo sidii uu u noqon lahaa xildhibaan ka mid ah baarlamaanka hada jira, hayeeshee waxaa baarlamaankaas inta badan soo galey hadba qafkii jeebkiisu qoyanaa, sidaasina waxaa ku lumay jaaniskii uu ku heli lahaa mudane baarlamaan, maadaama gursigii uu ku heli lahaa magac jifo hoosaad uu 30 kun oo dolar kala baxay nin ay ingiriiska ku wada noolaayeen qaraabana yahiin.

Markii u gudoomiye Laqanyo ku fashilmay damaciisii xildhibaanimo waxuu dib ugu soo laabtay wadankii uu ka tagay halkaasna iskaka sugayey calafkiisa ilaa iyadoo laga cararayo in uu Hiiraan gudoomiye ka noqdo nin kale oo dalka Ingiriiska ka tagay kuna xirnaa koox markaas ka tirsaneyd siyaasiyiintii doorashada lagaga guuleystay iyo isagoo lagu tuhmayey inuu horey uga tirsanaa xertii SNA ayaa waxaa mr Laqanyo loo arkey caano madaadiyaan maadaama bulshada Hiiraan siiba beelweynta guud ee X ay horey ugu jahwareereen masuuliyiintii gobolka soo maray 22 kii sano ee ugu danbeysay oo dhamaantood ahaa rag wada ilmo adeer la ahaa Mr Laqanyo ayaa iyadoo xigmad la isticmaalayo xooga la saaray sidii uu gudoomiyaha kumeel gaarka ah u noqon lahaa Laqanyo oo aan aqoon badan loo laheyn kaliya marka laga reebo in suuqa loo soo galiyey inuu yahay aqoon yahan birta calaanjiya.

Xaqiiqadiise waxuu ahaa nin ka tirsanaa hayaddii nabadsugida heerka uu ka gaarayna asiga oo kaliya ayaa naga og. hadaanse xiligii fowdada waxii ka danbeeyey taariikhdiisa ka soo qaadano waxuu ka mid ahaa ganacsato reer Hiiraan ah oo dhawr sano ka hor magaalada B/weyne ka hirgaliyey shirkad lagu magaabi jiray ( Hiran Global Service) oo dhistay Kawaan xoolaha dibada loo dhoofinaa lagu qalo meeshii uu mashruucaas ku danbeeyeyna ilaahoow aan intii hantidooda galisay dhismahaas la soo xasuusin.

Hadaanse ciwaanka mawduucaan dib ugu soo laabano ma jirto qof ku dhashay inuu siyaasi yahay laakinse waxaa jira nin door isagoon siyaasi aheyn la jaan qaadi kara wacyiga iyo hadba marxalada markaas lagu jiro bal aan dul marno tan iyo markii uu Mr Laqanyo mamulka Hiiraan la wareegay ilaa maanta oo aanu wax ka qoreyno meesha ay siyaasadiisu mareyso iyo isbuucyada soo socda meesha ay ku daneyn doonto hadaan maanta la helin dad reer Hiiraan ah oo saxa siyaasadiisa.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan markii ay soo baxday in xilkaas loo magacaabi doono laakinse aan si rasmi ah loogu dhawaaqin magacaabidiisa halkii uu xooga saari lahaa inuu bal wax ka ogaado dowladana weydiiyo shaqsiyaadka maamulkiisa ka mid noqon doona wax ay yahiin iyo sida ay iskula shaqeyn doonaan.howshaas muhiimka ah iskumaba shudeyne waxuu bilaabay sidii uu magaalada Dubai oo ay hada ku sugan yahiin la taliyayaashiisa uga codsan lahaa in loo sameeyo Stamada warqadaha uu marka uu gudoomiyaha noqdo saxiixi doono lagu tiimbareyn lahaa.

Waxuuna ugu danbeyn markii Hiiraan la tagay hal mar ka warhelay in maamulka gobolka Hiiraan ay ku jiraan shaqsiyaad reer Galgaduud ah maadaama ay wasaarada arimaha gudaha sidii ay doonto ka yeeshey gudoomiye Cabdi Faarax Laqanyane waxeey shacabkii Hiiraan badankood ku sifeeyeen shaqsi ay xaalada ka aheyd kol uun gudoomiye idhaha.

Nasiib wanaag xaalada siyaasadeed ee gudoomiyaha halkaas kuma ekaane waxaa bilaawday in maamulkii sidiisa loola shaqeeyo iyadoo ay xaalada meel fiican mareyso ayaa waxaa hadane magaalada soo gaaray shaqsiyaad leh waxaan wadanaa warqado naloogu soo magacaabay maamulka ayaana ka tirsan nahay, kedibna waxuu halhaleel ku aaday Mogdishu sidii loogu heystay inuu danta reer Hiiraan ku maqan yahay xaaladiina ay cakiran tahay ayaa waxaa si lama filaan ah kalsoonidii dowlada kala laabtay cuqaasha Hiiraan.

Siyaasadii Mr laqanyo oo awalba iska aheyd Alaa watoo wehel uma baahna intii uu Mogdishu ku sugnaa ayaa shax kale loo degay iyadoo wasiirka arimaha gudaha ka shaqeeyey sidii Gudoomiyaha gobolka Hiiraan loogu xiri lahaa Cabdi Qeybdiid. wasiirka arimaha gudaha wuu ogaa in aan shir uu isagu qaban qaabiyo aysan si sahlan reer Hiiraanka kuwooda damiirka leh ka soo qeybgaleyne waxuu isticmaalay hayadd CRD la yiraahdo sidaasna Mr Laqanyo oo u xilanaya waxoogaa maalin joog ahaa oo ay hayadu bixiso ayuu Cabdi Qeybdiid ula kulmay koox kale oo iyaguna degmada Cadaado ka dhisana rag baa ka socday.

Kedib soo noqoshadiisii Mogdishu iyo shacabka oo is lahaa markaan magaalada Bulo Burde ilaa dhulka ay Shabaab Hiiraan ka heystaan ayaa la xoreynayaa oo ugu yaraan afhayeen codka maamulka ku hadla ayuu magacaabi doonaa, xaalku sidaas maba noqone maadaama shirkii uu Mogdishu kula yeeshay Cabdi Qeybdiid socon waayey dhawr maalmood kedibna meeshii uu shirka ka dhacay ay soo dhaafi weysay waxii lagu wada hadlay, ayaa hada sheegadii oo waxoogaa la farsameeyey doonaya in ay meesheeda ka sii wadaan Ahalusuna Guriceel.

Dabcan waxaa la xasuustaa xiligii ay dagaalka xoogan ciidamada Hiiraan kula jireen Shabaab sidii ay uga saari lahaayeen magaalada Belet weyne, waxey ciidamada Hiiraan dagaal kaas la mid ah kula jireen oo laga difaacayey magaalada Ahalusuna Guriceel oo uu hogaaminayey Xeefoow oo xiligaas heystay hubkii uu gudoomiyahii maxkamadaha Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo ka cararaya Hasan Daahir Aweys ku wareejiyey Xeefoow.

Dib uguma laabaneyno taariikhdaas laakinse dhawaan waxaan soo bandhigeynaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan meesha ay la taliyayaashiisa u jiheeyeen iyo siyaasadaha aan marnaba inta badan lagala tashan waxgaradka Hiiraan ee waayadii danbežay ku dhiiran jireen shaqsiyaadkii 1990 ilaa maanta gobolka madaxda ka soo noqday oo dhamaantood Laqanyo Ilmo adeer iyo jifo hoosaad la ahaa in uu wax badan ka duwan yahay isagana iyo in kale si ay bulshadu u aragto.

Isku soo duubo dhamaan maamulada dalka ka jira maamulka gobolka Hiiraan waa maamulka kaliya ee aan afhayeen codka maamulka ku hadla laheyn waxeyna dhegaha shacabku maalin kasta maqlaan masuuliyiinta maamulka cusub ee Hiiraan oo qofkasta sida ay la tahay uun ka hadla. tiiyoo ay dhamaantood u harsan tahay wax ka yar 70 maalmood, Shabaab halkii ay difaaca ka kali jireen Buundada Bulo Burde maanta waxey kaka jiraan Tuulada Beerxaano.

Hadaba hadii aad tahay shaqsi joogta ula socday marxaladahii kala duwanaa ee ay soo mareen bulshada Hiiraan ragii mr Laqanyo ka horeyeyna aan sidan oo kale u soo bandhignay fashilkooda, bal si aadan berito Laqanyo oo kaliya u eedeynin la soco raga la taliyayaasha u ah kedibna waxaad isweydiisaa adigoon qof kale eedeynin ragaasi kooxahii ay ku fikirka ahaan jireen xiligii maxkamadaha iyo dowladahii amaba jabhadahii wadanka soo maray kedibna Mr Laqanyo isagaaba fashilmi doono hadii uusan siyaasadiisa meesha ay maanta joogto wax badan ka bedeline mucaarad uun ha laga daayo labada bilood ee u hartay, isagaaba wadankii uu ka tagay dib ugu soo laaban doono isagoo dhaleeceysane ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Hiiraan oo isha ku haya siyaasadaha gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maalmahii tagay sabeynayey maadaama ciidamadii mudada buuraha ku jiray asan waxbo isku dhaamin Ahalusuna iyo Shabaab.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,614,454 unique visits