Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Beesha Biyamaal oo ka mid ah beelaha Direed oo dagaal kula jira beesha Habargidir oo beero iyo guryo ka heysta

Wararka MaantaHS:-Gobolka Shabelaha Hoose oo ka mid ah meelaha marka dhacdooyinkii dalka ka dhacay laga hadlayo waxii xunba lagu hal qabsado maadaama shacabkiisa kuwa ku nool magaalada Afgooye 1997-kii la gaarsiiyey ilaa biyaha wabiga ee durduraya laga iibiyo xiligii ay gobolka xooga ku heysteen beesha....

Hadaan wax yar iftiimino gobolka Shabelaha Hoose marka laga sheegeynayo qeyraadka dalka waa gobolka ugu muhiimsan waana gobol ay ka yimaadaan dad ilbax ah oo aan inta badan siyaasada dalka waqti badan galin jirin iyagoo ku mashquula markasta wax soo saarka iyo dhaqashada xoolaha.

Nasiib wanaag waxii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye waxuu gobolku noqday mid wehel u noqda in lagu tijaabiyo shacabkooda waxkasta oo xumaan ah kedib markii ay beesha Habrgidir oo ka soo hayaamay koofurta Mudug iyo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ay xoog ku qabsadeen gobolkaas waqtigii uu noolaa General Ceydiid ilaa maanta.

Qaabkii ay beesha Habargidir ku qabsatay gobolka dib uguma laababeyno laakinse waxanu soo koobeynaa sida ay u kala qeybsadeen magaalooyinka waaweyn ee gobolka iyagoo jifo hoosaadyo ay beeshu ka kooban tahay isku qeybiyey.

Markii uu dalka madaxweyne ka noqday Céqaasim Salaad Hasan oo lagu soo dhisay dalka Jabouti uu wadanka yimidna waxuu u sharciyey dulmigii iyo gumeysigii ay dadka degaanka ku hayeen waxuuna gobolka Shabelaha Hoose oo dhan madax uga dhigay Yusuf Indhacade oo xiligaas biyaha wabiga ka iibin jiray shacabka, halka uu degmada Afgooye oo ah magaalo muhiim ah u magacaabay Nin lagu magaabi jiray Cirfo oo isla beeshaasi ka soo jeeda waxaana saldhiga booliska loo sii magacabay Nuuriye Cali Faarax oo ay aaqirkii Shabaab dileen ilaa hada waxaan mareynaa kaliya laf ka mid ah Habargidir siiba kuwa uu ka dhashay Cabdiqaasim Salaad Hasan oo ah Ceyr.

Dhinaca garoonka diyaaradaha N0 50 waxaa heysta Sacad oo isla Habargidir ah waxaana maamula maleeshiyadaas nin la yiraahdo Xaaf waa garoonkii markii uu Hasan Daahir Aweys dagaalka la galay dowladii uu hogaaminayey Shiikh Shariif ay beeshu ka soo dajiyeen.Magaalada Marka iyo Baraawe waxaa gacanta ku heyn jiray Hasan Daahir Aweys oo hada ku jira gacanta dowlada walow ay wali ciidamadii uu hogaamin jiray iskugu yimaadeen magaalada Afgooye.

Taariikhda gobolka Shabelaha Hoose ma ahan mid lagu soo koobi karo halkaan waxaase muhiim ah in la iftiimiyo dhibta ka jirta iyo sida ay beesha Habargidir u dooneyso in ay u barakiciso dadkii ay degaanka ugu tageen ee waligood lagu yaqiinay.

Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa dhibkasta kacdoon ayaa ka danbeeya, gumeysi kastana xornimo ayaa ka danbeysa hadii loo huro dhimasho.si kastaba mudo dheer kedib waxaa kacay beesha Biyamaal oo hadii 3 arimood laga saacido sidey aaminsan yahiin aysan hal maalin biyo u gabaneyn beesha Habargidir maadaama ay xaq ku taagan yahiin.

1- Hadii sida ay sheegeen beesha Abgaal oo deris la ah degaan ahaan beesha Biyamaal aysan u ogolaan in degaankooda ay Habargidir soo dhex marto halkaasne dagaal lagu xasuuqayo Biyamaal ay Habargidir ka geysto maadaama ay beesha Biyamaal wax dhib ah ku qabin Abgaal waligoodna deris ahaayeen marar badana ay Habargidir soo dhaxmartay dhabarjabina ku sameysay ciidamada xaq u dirirka ay ugu yeeraan beesha Biyamaal.

2- Beesha Habargidir beel Soomaaliyeed dagaal kuma qaado ilaa ay macluumaad dhab ah ka helaan shirkada Isgaarsiinta oo u dhageysta hadba qaabka ay ku dagaal galaan beesha ka soo horjeeda maadaama ay Shabelaha Hoose aad ugu xoogan yahiin shirkadaha Isgaarsinta Hormuud iyo Olompic oo ay beeshu dano badan ku fushado wallow ay dad badan u heystaan shirkado ganacsi hadii shirkadahaas inta u dagaalku socdo hawada laga saaro hal saac ma dagaalami karaan beeshaani, marka hadii aad Soomaali tahay degaankaadana ay ku soo duusho beeshaani adigoo wax kale sameyn horta isgaarsiinta meel iska saar inta aadan kaartada dagaalka aadan sameyn ayuu yiri sargaal ka soo jeeda beesha Biyamaal oo isagu waaya arag u ahaa waxii ay soo mareen shacabka Shabeelaha Hoose.

3-Kan ugu danbeeya waqtigiisii lama gaarin in bulshada loo soo bandhigo.

Hadaba halkaa hoose ka daawo biyamaal waxgaradkooda odoyaashaan ninka ugu codkarsan magaalada Marko ayey ku dileen.dabcan beelo badan in ay nolosha qaarkeed ka doortaan Shabaab waxaa ku qasbayo dagaaladii wadanka ka dhacayey waxaa ka qeybqaadanaya wasaarada arimaha gudaha oo ay markasta shaqsiyaadka hogaaminaya dantii qaranka u isticmaalaan danta qabiilkooda.

Dib uguma laabaneyno qaabka uu ugu lugleeyahay wasirka arimaha gudaha rabshadaha ka taagan Shabelaha Hoose ee u dhaxeeya beeshiisa iyo mid ka mid ah beelaha Direed, laakinse waxaa muhiim ah in la ogaado in aysan shacabkaas heli doonin wax cadaalad ah ilaa shaqsi wadani ah wasaarada arimaha gudaha loo magacaabo siiba beelaha aan degaanadooda ku qabsaneyn shacabka Soomaaliyeed.

Markaad Shabelaha Hoose aad joogto iska iloow wax la yimaahdo dowlad maadaama ciidamada dowlada aad maqleysaan ay reerkaan yahiin mar dhaw beelo badan oo Shabeelaha Hoose ku nool oo Shabaab heshiis xulufonimo la galaya waa la maqlayaa hadaan wax laga qaban colaada ka soo muuqata Shabelaha Hoose ama aan la helin la xisaabtan wasaarada arimaha gudaha ah hadii kale shacabka si toos ah haloogu sheego oo hala dhaho inta wadankaan madaxweyne ka yahay nin Abgaal ah beeshaani waxii ay doonto ayey sameyneysaa siloo helo wado kale ileen dowladkasta in ay sanad kedib u burburto amaba qaranimadii Soomaaliya ay cuuriyaamiyaan hal beel wax aqliga galayo maahane ayaa laga soo xigtay odoyaal ka soo jeeda beelaha Gare iyo Biyamaal oo hada u muuqda in ay isla jaanqaadeen.

La soco wararkeena danbe iyo heerka uu marayo dagaalka u dhaxeeya dadka degaanka iyo beesa uuka soo jeedo Cabdiqaasim Salaad Hasan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net







Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,633,814 unique visits