Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Jahwareer xoogan oo ka dhaxtaagan ciidamada Ahalusuna

Wararka MaantaHS:-Gobolka Galgaduud oo ah gobolka kaliya oo ay dalka Soomaaliya ka jirto ilaa 6 maamul oo is diidan inta badana uu gobolku gacanta ugu jiro xarakada al Shabaab ayaa waxaa dowlada Soomaaliya u suuroobi weysay iney halkaas u sameyso hal maamul oo iyada hoos taga sida gobolo badan oo ka mid oo leh hal maamul.

Nasiib wanaag gobolkan oo meelo badan oo dalka ka mid ah looga yaqaano Kashmiirta Soomaaliya oo lala mataal dhigay gobolka Kashmiir oo ay isku heystaan Hindiya iyo Bakistaan waa gobol ay ku nool yahiin qabiilo badan oo midkasta qorshe u gooyni ah wata.inta badan beelaha Soomaaliyeed ee halkaas dego ayaa waxaa jahwareer siyaasadeed iyo mid degaan ku haya beesha Habargidir oo iyagu Soomaalida dhexdeeda ka ah hal qabiil laakinse doonaya in ay gobolka Galgaduud ugu noolaadaan sidii in ay yahiin 3 qabiil oo kale iyagoo ay jifo kasta tuulo gobolka ka mid ah sheegtay in ay maamul u sameysatay.

Hadaba iyadoo uu jahwareerkaas jiro ayaa waxaa soo baxayo warar sheegaya in ay dhawaan dib ugu laabanayaan degmada Xeeraale ciidamadii ugu badnaa ee ka soo jeeda beesha Direed oo iyadu ah beesha ugu badan ee marka aad maqasho Ahalusuna Galgaduud ciidamada ugu badan leh maadaama Habargidirtu ay dalaalaalinta ururka u badan yahiin oo ay kaliya doonayaan in ay magaca ururka kor ka maamulaan si ay xilal badan uga helaan dowlada.

Wararkii ugu danbeyey ayaa sheegaya in xarakada Shabaab oo ay ciidamo ka amar qaata Ahmed Godane kana mid ah guutooyinka Shabaab ee ku sugan gobolada Dhexe ay siweyn ula socdaan wararka isa soo taraya ee sheegaya in ay ciidamada beesha Direed ka baxayaan dhawaan Ahalusuna.

Markii ay wararkaasi soo baxeen ayaa beesha Habargidir oo cabsi xoogan ka qabta in la soo weeraro magaalooyinka Dhuuso-mareeb iyo Guriceel ayaa maanta tiro dhalinyaraa oo ay ka keeneen dhamaan tuulooyinka ku xeeran magaalooyinka dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay ku sheegeen ciidamo Ahalusuna ah oo dhoolatus sameeyey oo marka aad aragto tirada ay soo bandhigeen iyo tirada ay ku sheegeen ay kaaf iyo kala dheeri tahay ayaa ku mashquulsan sidii beesha Direed loogu qancin lahaa in ay ka sii mid noqdaan ciidamada oo ay hubkooda iyo ciidankooda kala bixin.

Sikastaba kooxkasta oo iyadoo ay wadanka dowlad ka jirto magac jabhadeed kaka dagaaladanta gudaha wadanka Soomaaliya ugu danbeyn burbur ayey la kulantaa sidaasi daraadeed dowlada qudheeda dan weyn ayaa ugu jirta hadii ay Shabaab burburiyaan kooxdaan ay horboodayaan beeshaan shaatiyaasha badan leh oo xitaa heer ay qaran dumisnimo ku gaareen dharkii ciidamada militeriga Soomaaliya ayey iyagoo magac jabhadeed sheeganaya isku taagayaan, waxeysa xaalada ururka meeshii ugu xumeyd gaari doontaa marka si dhab ah ay ugu dhawaaqaan beesha Direed in ay ka baxeen ururkaas oo aysan ka mid aheyn ciidamadoodana ay dib ugu laabtaan degmada xeeraale oo horey saldhig uga aheyd.

Sikastaba isbedelkaan iyo qilaafkaan ka dhax aloosan Ahalusuna Galgaduud ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo dagaalka ka socda gobolka Shabelaha Hoose kaasi oo u dhaxeeya beesha Biyamaal iyo Habargidir, habeenkii xaleyto aheyd ayey aheyd markii mid ka mid ah culimada ugu caansan beesha Biyamaal Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Marka oo ah xarunta gobolka Shabelaha Hoose isagoo sheegay in ay ku jihaadayaan beesha Habargidir.Shiikhaan oo magaalada Marka iyo guud ahaan gobolka Shabelaha Hoose caan ka ah laguna magacabo Shiikh Xasan Cumar.

Hadaanse dib ugu laabano gobolka Galgaduud marka laga soo tago go,aanka beesha Direed ay ugala baxeyso ciidamadeeda kooxda Ahalusuna hadane magaalada Caabuuq-Waaq oo ah magaalo weyn oo siweyn u fidey wayadii danbe waxey shacabkeedu u ololeynayaan sidii mustaqbalka dhaw looga dhigi lahaa caasimada gobolka Galgaduud xili inta badan beelahii kale ee Soomaaliyeed ee horey u deganaan jiray magaalada Dhuuso-Mareeb iskaka hayaameen beelkastana ay dib ugu laabatay degmadii amaba tuuladii ay ka soo jeeday amaba ay gobolka ka degeneyd.

Inta badan beelaha Mareexaan, Dir, Murusade iyo Abgaalka degaan ahaan ka soo jeeda gobolkaas waxey doonayaan in gobolka sida gobolada kale u yeesho hal maamul oo u gaar ah bulshada ku nool gobolka Galgaduud sidii lagu yaqiinay waayadii hore, laakinse waxey dhibaato xoogan ku qabaan beesha Habargidir oo iyadu maalinkasta Shaati hor leh u gashaneysa shacabka Galgaduud. marka la doonayo in xal loo helo arin taagneyd waxey bulshada ku dul furaan arin kale taasi oo beelo badan oo wanaag doon ah oo gobolkaas degan rajo beel ku riday.

La soco wararkeena danbe iyo burburka xoogan ee Ahalusuna oo ay iskak baxayaan ciidamadii ugu badnaa ee ka soo jeeda beesha Direed.

Isha Warka Hiiraan State
webmaster"hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.93 seconds
14,667,239 unique visits