Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Madaxweynaha Soomaaliya ma fashilin doonaan siyaasiyan labadan wasiir

Wararka MaantaHS:-Siyaasada Soomaaliya waa mid wajiyo badan mana ahan mid meeshii ay shaleto joogtay maanta joogta hadaba inkasta oo ay sideedaba siyaasad ku dhisan tahay xulufeysi hadane qaabka dalka Soomaaliya looga dhaqmo looguma yeeri karo xulufeysi ee waa lugooyo iyo inba uu qofkasta uu sameeyo waxii uu doono taasi oo shacabka Soomaaliyeed biday colaad iyo amaan xumo baahsan.

Hadaba dib uguma laabaneyno siyaasadahii kala duwanaa ee ay soo mareen madaxweyne Hasan Shiikh iyo hadba tirada ka tirsan xukumadiisa ee ku fikirka ah siyaasad ahaan.waxaase isweydiin leh iyadoo la filayo dhawaan in la sameeyo isbedel dhinaca xukumada ah amaba golaha wasiirada ma laga yabaa in uuba madaxweyne Xasan Shiikh siyaasiyan ugu fashilmo arimaha Soomaaliya inta uu isleeyahay xajiso amaba xilalkooda ku hay wasiiro ay ka mid yahiin wasiirka arimaha gudaha oo ay Soomaalida maanta nool uusan caad ka saarneyn sida uu uga qeybqaadanayo colaada iyo fowdada maalinba maalinta ka danbeysa kusii badaneysa qeybo badan oo ka mid ah wadanka.

Bal dib u eeg inta meelood ee uu shacabkooda galiyey dareen iyo jahwareer siyaasadeed wasiirka arimaha gudaha. 1- xaaladii Jubooyinka waxuu ahaa wasiirka kaliya ee isagoo aan iska hubin wararka uu idaacadaha ka sheegayo siyaasado qalafsan kala horyimid shacabkaas oo ugu yaraan ay qaarkood sameeyeen wax u muuqaal eg doorasho maadaama uusan wadanku xasilneyn waxeyna wasiirka arimaha gudaha oo xil muhiim ah ka haya dowlada ugu danbeyn siyaasadii wasaarada uu madaxda ka yahay oo arimaha gudaha qaabilsaneyd bulshadii gaarsiiyey in ay dhahaan degaankeena ma imaan karo lagana fogeeyo shirka hada Jubaland iyo dowlada u socda si loo saxo qaladaadka iyo siyaasadaha qabiilka ku dhisan ee uu umada la dhaxjoogo.

2- Bulshada Hiiraan oo noqdeen shacabkii ugu horeeyey oo iyagoo og in uusan wasiirka arimaha gudaha degaanka ay beeshiisu ka soo jeedaan isagoo aan wax maamul ah u magacaabi karin wasaarada uu madaxda ka yahayne ay garan weysay meel ay wax ka bilaawdo ayey shacabka Hiiraan dowlada gacmo furan ku soo dhaweeyeen waxuuna maamulkii loo sameeyey isagoo isleh dowlada iyo shacabka oo markaas isla jaanqaaday waftiyo badan oo dowlada ka socdana safaro joogta ah ku tagaan Hiiraan iyadoo caleemo qoyan lagu soo dhaweeyey ayuu maamulkii ku daray shaqsiyaad Habargidir ah oo aan degaanka ka soo jeedin kaliya si dowlada iyo shacabka loo kala fogeeyo.

3- Iyadoo maamulkaas la aqbalay oo ay dadku wali dowladnimada rabaan ayuu hadane bilaabay inuu si iskiis ah hadane ugu dhiirado inuu shaqsiyaad aysan maamulka gobolka ka warqabin u soo diro magaalada oo xilal u magacaabo xili aan xitaa mushaarka kuwii hore meel la saarin.

4-Iyadoo ay Soomaali oo dhan wax ku qeybsadeen 4.5 marka laga soo tago qabiilka Habargidir ee uu ka dhashay qolada hoose ee (White Cow) amaba Sacad-ka waxey xilal muhiim ah ka hayaan dhamaan laamaha amaanka caasimada Soomaaliya, xarumahii dowlada iyagaa degan, guryahii shacabka Soomaaliyeed iyagaa degan hayaddii howshaas qabsan laheyd ee ka saari laheyd iyagaa maamula, hadane ilaa hada fowdada caasimada ka jirto iyagaa aabe iyo hooyo u ah.

5-Waa jiraan in ay dowlada ka tirsan yahiin waskiiro badan oo ka tirsan kooxda madaxweynaha waxeysa wasiirkaan uga duwan yahiin waxey doonayaan in uu shaqeeyo hanaanka dowladnimo kedibna ay dantooda gaarka ah ka dhax raadsadaan, laakinse wasiirkaan oo isku haleyn xoogan ka heysta madaxweynaha Soomaaliya waxuu aaminsan yahay in hadii nabad la helo qabiilka uu ka soo jeedo meel cidlo ah ku dhacayaan hadaba ma in dowlad dhan hal qabiil dantooda loo burburiyaa?

6-Si uu beesha Habargidir ugu muujiyo inuu miisaan siyaasadeed ku dhax leeyahay dowlada markii loo diiday inuu dowlada u metelo shirka Jubaland iyo dowlada dhax maraya waxuu madaxweynaha u sheegay inuu isagu hogaaminayo shirka dhax marayo Soomaaliland iyo Soomaaliya arintaasi ma ahan arin ku timid wadatashi si hoose u baar hadaad tahay muwaadin Soomaaliyeed doonayana in aad wax badan ka ogaato siyaasadaha guracan ee uu wasiirka arimaha gudaha ku shaqeeyo.

6-Iska iloow xaalada cakiran ee hada ka taagan Shabelaha Hoose iyo waxa ay Soomaali badan ka aaminsan yahiin wasiirkaan arimaha gudaha oo u muuqda mid ugu danbeyn galaafan doona wasiiro badan maadaama ay gacanta ugu jirto siyaasadii guud ee dalka oo uu maamulo madaxweynaha Soomaaliya ma laga yabaa in madaxweyne Hasan Shiikh si lama filaan ah ku fashilmo inta aanba Soomaali kale iyo mucaarad la gaarin?.

Marka wasiirka arimaha gudaha laga soo tago madaxweyne Hasan Shiikh isagoo is leh walaalkiis ku hooyo ah laguna magacaabo Jalalaqsi kana soo jeedo beesha Xawaadle gaar ahaan jifada uu ka soo jeedo wasiirka Qeyraadka Cabdiraaq Cumar Maxamed oo Hiiraan looga yaqaano magacyo badan oo aanu ka xusi karno ( Cabdirisaaq Afjabey, Cabdi Baraxleey) qanci ee golahaada wasiirada ku hay wasiirka qeyraadka ama siyaasad ahaan Hiiraan ha laga taageero ama ha leyska dhaafee marba hadiiba uu kugu fikir yahay ha iska dhaxjoogo golaha wasiirada siduu madaxweynaha mustaqbalka ku heli doonaa codka xildhibaanada beesha ileen madaxweynaha walaalkiis xildhibaan maahan wax ka wanaagsan in walaalkaa kaa weyn hadalkiisa la yeelona ma ahan caadiyan wax xun laakinse shaqsi iyo mushtamac badan midkeebaa mudnaanta leh.

Wax kaleba iska daaye magaalada Mogdishu kaliya waxgaradk beeshaa ee ku nool xitaa inuu kalsooni ka heysto madaxweyne Xasan iskuma mashquuliyo taageero xildhibaanona warkiisa daa maadaama shacabka Mogdishu ka jooga beeshaasi ay ku xiran yahiin Hiiraan Hiiraane uu aflagaadeeyey cuqaashii ka hadashay siyaasad xumidii ay sabab u ahaayeen wasiirka qeyraadka iyo kan arimaha gudaha ee ay shacabku kalsoonida kala laabteen dowlada walow ay inta badan shacabku iyagoo ixtiraamaya ciidamada walaalaha Jabouti ee Hiil Walaal ogna wanaaga ay leetahay dowladnimada ay wax badan dib u liqeen inta laga helayo dowlad amaba masuuliyiin reer Hiiraan ah oo shacabka taageero ka heysta oo wasiirkaan bedela mustaqbalka dhaw.

Sikastaba mudo hada laga joogo dhawr sano ayaa iyadoo ay waxkasto caadi yahiin waxaa madaxweyne Shiikh Shariif oo aan gursigiisa shaki ka qabin isaga iyo r/wasaarahii xiligaasi jiray Farmaajona uu midkasta howshiisa si tartiib ah u wato ayaa waxaa fowdada uu hada dowlada ka wado wasiirka arimaha gudaha oo kale bilaabay Shariif Sakiin wadankiina waxuu aaqirkii galay in la iloobo in shacabka la badbaadiyo waxaana meeshii laga tuuray Farmaajo iyo dhamaan xukumadii uu garwadeenka ka ahaa dib u dhacii waagaas wadaanka ku habsaday ilaa maanta waa laga soo gabmi waayey.

Hadaba madaxweynaha Soomaaliya oo sida la rumeysan yahay u muuqda inuu noqon doono madaxweynahii ugu danbeeyey ee ka soo jeeda beesha Abgaal ee dalka hogaamiya ugu yaraan 25-ka sano ee soo socda maadaama ay wadanka mudo 22 sano gudaheed ay beeshaasi ka noqdeen madaxweynayaal dhawr jeer xukunkiina uu midkasta isagoo aan dhameysan ay ka fashiliyeen beesha uu ka soo jeedo wasiirka arimaha gudaha ma laga yabaa inuu ugu yaraan ku dadaalo si uu mar kale u soo noqdo doorashada soo socota inuu wax ka qabto siyaasadan u muuqata inuu shaqsiyaad wasiirka arimaha gudah iyo walaalkiis ku qancinayo ee aan ka turjumeyn danta iyo maslaxda umada Soomaaliyeed.

Isagoo golaha wasiirada ee soo socda ka ilaalinaya wasiiradan aan horey u wadin dowlada uu madaxweynaha ka yahay xalse ma u heli doonaa wasaaradan arimaha gudaha ee kuwii dalka dhacay umadiina maalinkasta ku heysta dhul aysan laheyn ee iyagii lagu magacaabayo intii loo dhiibi lahaa shaqsi ka soo jeeda beelaha aan boobka iyo dhul balaarsiga wadin?.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,585,688 unique visits