Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wasiirka Qeyraadka dalka oo rajo beel ka muujiyey in uu ka mid noqon doono golaha wasiirada cusub kedib markii..

Wararka MaantaHS:- Wasiirka qeyraadka dalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo siyaasada Soomaaliya ku biiray dhawr bilood ka hor horeyna uga tirsanaan jiray amaba u taageeri jiray ururkii dib u xoreynta garabkii Shiikh Shariif xiligii ay jirtay dowladii uu garwadeenka ka ahaa madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa hada u muuqda mid aad ugu niyad jabsan isbedelka lagu wado in lagu sameeyo xukumada hada jirta.

Wasiirka oo maalmahan dadaal iyo guclo ugu jiray sidii uu golaha cusub ee wasiirada uga mid noqon lahaa ayaa najo beel badan ka muujiyey sida ay wax u socdaan, wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya hooyga uu ka degan yahay magaalada Mogdishuna waxey sheegayaan in uu dibada ugu yeeray madaxweynaha Soomaaliya Hasan Shiikh Maxamud Walaalkiis nin lagu magacaabo Nuur Cilmi Cadaawe oo lagu naaneyso Nuur Jalalaqsi) kaasi oo hada ku sugan guriga wasiirka qeyraadka.

Inkasta oo aan laga quusan raxmada alle qofkastana uusan seegeyn waxii uu ilaah u qoro cadaadiska siyaasadeed ee wasiirka qeyraadka heysta ma ahan wax halkaan loogu soo koobi karo qofkii aan xog ogaal u aheyn sida ay marba marka ka danbeyso isku bed bedelayso siyaasada Soomaaliya.

Marka la eego xogta hoose ee aanu ka heleyno dhinacyo kala duwan aad ayey u yar tahay in uu wasiirkan dib ugu soo laabto masraxa siyaasada waa macquul in madaxweynaha Soomaaliya howlo kale u dirsado laakinse golaha cusub ee wasiirada waxey u badan tahay shaqsiyaadka aad loo hadal hayo ee loo badinayo iney ka soo jeedaan jifada Cabdale Samatalis oo uu ka soo jeedo siyaasigii weynaa ee Soomaaliyeed Cusmaan Maxamed Jeelle oo isagu marka laga soo tago beelweynta guud ka soo jeeday jifadan loo badinayo in ay xilka ugu muhiimsan ee ayba beelweynta Xawaadle dowlada soo socoto amaba golaha cusub ee wasiirada ka helaan inuu iyagaas ka imaan doono aqoonyahan qoyskaas ka soo jeeda walow aan hada si gaar ah carabka loogu dhufan shaqsiyaadkaas cida ay noqon doonaan.

Laakinse marka xaalada dhinaca wasiirka qeyraadka iyo madaxweynaha walaalkiis oo ay wasiirka qaraabo yahiin laga eego waxey u muuqdaan dad xilkaan isa siiyey walow wasiirka qeyraadka aad u quul dareynayo inuu xilkaan sii heyn doono sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka agdhaw isaga oo Mogdishu jooga.

Shaqsiyaadka aan xogta ka heleyno waxey leeyahiin wasiirka rajo beelka uu mustaqbalkiisa siyaasadeed ka muujinayo ayaa ah kedib markii uu arkey heerka ay gaarsiisan tahay xiriirka isaga iyo xildhibaanada baarlamaanka reer Hiiraan ka dhaxeeya siiba kuwa ka soo jeeda beesha oo uu aad uga walwalayo xitaa hadii uu madaxweynaha ku soo daro golaha cusub in ay ansaxintiisa caqabad ku noqon doonaan taas ayaana loo aaneynayaa walwalka heysta wasiirka.

Laakisne waxey su'aal xoogan ka taagan tahay madaxweynaha Soomaaliya ma laga yaabaa in isagoo aanba la tashan xildhibaanada uu ku dhiirado inuu wasirkaan dib u soo celiyo isagoo is leh walaalkiis Nuur Jalalaqsi qanci???? mise madaxweyne Xasan waxuu howsha ka abaari doonaa meesha ugu haboon oo wasiirkaan waxuu qeyb ka noqon doonaa isbedelka cusub?.

Sida aan ku heleyno warar xaqiiqada u dhaw oo naga soo gaaraya madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka socda magaalada Kampala siweyn ay ugu canaanteen madaxda ay dalka Soomaaliya ka joogaan ciidamada marka laga reebo madaxweynaha Ugandha oo marti loo ahaa waxey dhamaantood aad ugu canaanteen in uusan meesha ku heyn dowlad tayo leh waxaana waliba aad loogu dhaliilay dhinaca amaanka iyadoo farta si gooyni ah loogu fiiqay qaabka ay u shaqeyso wasaarada amniga oo lagu lamaanay arimaha gudaha.

Dadka u dhuun daloola siyaasada Soomaaliya waxey leeyahiin cadaadiska siyaasadeed ee muuqda ee heysta madaxweynaha Soomaaliya awadeed wey adag tahay in wax badan la saadaaliyo inta laga arkayo golaha cusub ee wasiirada qaab dhismeedkooda iyo hadba sida ay u leeyahiin qibrad.

Dabcan wasiirka qeyraadka markii xilkaan loo magacaabayey waxaa xilkaan kaka horeeyey wasiirkii qorsheynta waxaana bulshada u soo bandhignay wasiirka bedeli doona,hadana sidaasi si la mid ah marka la eego xogta rasmigaa aanu heyno iyo guuxa shacabka jecel iyo jacel la,aanba rajada wasiirka qeyraadka ma badna hadaan indhaha leystireyn waxeyna u badan tahay in uu dhawaan xukumada cusub ka mid noqon doono shaqsi ka soo jeeda jifada aanu kor ku soo xusnay.

La soco wararkeena danbe iyo hadba heerka ay mareyso siyaasada guud ee wasiirka qeyraadka dalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo dhawaan ku fashilmay qorshe uu ku doonayey inuu waxgarad reer Hiiraan ah iskugu keeno Mogdishu si ay u dhaleeceeyaan xildhibaanada reer Hiiraan inkasta oo uu gudaha Hiiraan ka abaabulay qaar ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan walow aysan wali si waadax ah u dhaleeceyn xildhibaanada.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,579,258 unique visits