Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
admin

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

http://hiranstate.com/news.php?readmore=1831HS:-Magaalada Belet Weyne oo ah xarunta amaba hooyada qaranimada Soomaaliya oo bilahii tagay marti galineysay waftiyo kala duwan ayaa waxaa markii labaad safar ku imaanaya magaalada B/weyne wasiirka gaashaandhiga dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti ayaa noqoneysa markii labaad ee uu wasiir ka socda dowlada Jabouti ku tago magaalada B/weyne waxaana sidan oo kale horey u booqday magaalada wasiirkii hore ee gaashaandhiga Jabouti.

Shacabka Hiiraan ayaa aad ugu faraxsan xiriirka wanaagsan ee maalinba maalinta ka danbeysa dhax maraya dowlada Jabouti iyo shacabka Soomaaliyeed kuwooda ku sugan Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne. Hiiraan waa degaan xaqiiqadii aad looga jecel yahay madaxweynaha Jabouti xukumada iyo dhamaan shacabka Jabouti waxaana socda dadaalo xoogan oo lagu mideynayo magaalooyinka DJabouti iyo B/weyne waa sidaan jecelnahee.

Ciidamada Hiiraan oo mudo dagaal dheer ku soo jiray ayaa iyaga qudhoodu waxey masuuliyad xoogan iska saareen in ay ka hortagaan waxkasta oo dhibaato u keeni kara ciidamada walaalaha Jabouti iyagoona aad ugu dadaalada dhinaca aqlaaqda iyo ismaqalka oo ah wax yaabaha aadka loogu amaanay oo ay kaka duwan yahiin ciidamada kale ee Soomaalida ee huwan magaca dowlada ee qaarkood shacbaka dhibaatada ku haya.

Dhacdooyinka aadka cajiibka u ah ee ay ciidamada Hiiraan isku dhaarsadeen laakinse aysan dad badan ogeyn ayaa ah in marka dagaal la galo ay ciidamada Hiiraan isku qeybiyaan labo kooxood koox dagaalka si toos ah u gasha iyo koox dhamaan difaac ka gala wadooyinka ay ciidamada Jabouti kaka imaan karaan weeraro. arintaan ayaa dadka yaqaana xeelada dagaalka amaba qaar ciidamada Hiiraan ah ku macneeyeen in ay arimaha noocaas ah u sameeyaan sidii looga hortagi lahaa wax dhibaato ah in aysan soo gaarin ciidamada Walaalaha Jabouti ee Hiil walaal oo aad xaqiiqadii markaad la sheegeysato qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan qiimo weyn ugu fadhiya.

Ma doonayaan dadku in inta ay ciidamada Jabouti marti u yahiin reer Hiiraan oo ay u soo gurmadeen hadane hortooda lagu dhibaateeyo taas ayaana keentay in reer Hiiraan wax badan oon u cuntamin iyo siyaasado guracan oo markasta dhinaca Mogdishu uga yimaado ay dib u dhigtaan ka hadalkeeda iyagoo wax badan dib u liqa kaliya xushmada ay u hayaan walaalaha Jabouti.

Dalka Soomaaliya kama jiro hanaan dowladeed maadaama ciidamada kaliya ee hada aqlaaq iyo hanaan ciidan ka muuqdo ee ka jira koofurta Soomaaliya ay yahiin kuwa ku sugan Hiiraan dhawaan madaxweyne Hasan Shiikh iyo xertiisa oo hada iyaga dhexdooda isku haya fashilinta dowladii ay ka tirsanaayeen magaalada Mogdishuna u waayey xal ay ku nabadeeyaan dad badan ayagaa arki doona iyagoo lugooynayo ciidamada oo hada waxkasta diyaar u ah xitaa ilaa Shabelaha dhexe hadii socda la yiraahdo waa ciidamo dhinackasta ka dhisan aqlaaqda, tababarka, qaabdhismeedka, laakinse Mogdishu dowladnimo ma taalaa? dhibaatadu waa taas.

In ay dowlada Jabouti ciidamo u soo dirto Soomaaliya waxey aheyd xaqiiqadii wax aad loogu farxo ugu yaraan waxey kala barteen Soomaalida amaba beelaha wadanka dhibta ku haya iyo degaanada ay shacabkoodu dowladnimada doonayaan laakinse aan lala fahmeyn.

Isku soo duuboo magaalada B/weyne waa magaalo aad u mashquul ah iyadoo dhawaan ay halkaas gaareen qurbajoog badan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.99 seconds
14,934,354 unique visits