Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shabaabka Hiiraan oo ka walwalsan siyaasada dowlad goboleedka HS (warbixin culus)

Wararka MaantaIsniin 21,Feb 2011 (HSOL)- Ururka Shabaab kuwooda ku sugan Hiiraan ayaa wal wal ka muujiyey sida ay shacabka Hiiraan ula socdaan siyaasada dowlad goboleedka Hiiraan State oo ay siyaabo kala duwan warbixinta ku helaan.

Inta badan shacabka Hiiraan ayaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay kula soconayaan isbedelka siyaasadeed ee ku soo wajahan Hiiraan iyo guud ahaan Somaliya.Shacabka Hiiraan ayaa intooda badan iyagu hadal haya dowlad goboleedka Hiiraan State iyo madaxdooda iyagoo u arka inuu maamulka HS yahay midka kaliya ee ku yimid wata tashi iyo shirar mudo labo sano ah soo socday.



Wal walka ugu badan ee ay Shabaabka Hiiraan ka qabaan maamulkaan ayaa ah sida maamulkii oo aan walito gacanta ku dhigin Hiiraan amaba aan dagaal weyn walito soo qaadin ay shacabku u hadal hayaan. qaar ka mid ah horjooga yaasha Shabaabka Hiiraan oo maalmo dhaweyd uu dagaal ku dhex maray qeybo ka mid ah Hiiraan gaar ahaan degaanka Waro Dhuumaali oo dhinaca waqooyi bari kaka beegan degmada Coomaad halkaas oo ay Shabaabku iskaka dileen in ka badan 20 askari kedib markii loo kala baxay labo garab. dagaalkaas ayaa waxuu shaki kala dhex dhigay inta badan horjoogayaasha saldhigoodu yahay magaalada Belet Weyne oo iyagu u badan Bakistaan iyo Bangaladesh ayaa dagaalkaas si qaldan loogu fasiray kedib markii loogu sheegeeyey in dagaalku u dhaxeeyey dad diiday in lagu xakumo kitaabka oo reer miyi ah.

Magaalada Belet Weyne iyo hareeraheeda waxaa ku sugan ajaanibta ugu badan ee ka dagaalama dalka Somaliya kuwaasi oo lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 700 ilaa 1000 ciidan oo dhamaantood ka soo kala jeeda wadamada Carabta, Afganistan Bakistaan iyo Bangaaladesh laakinse waxey ku shaqeystaan dhalinyaro Somaliyeed oo intooda badan ka soo jeeda degaano ka baxsan Hiiran, halka ay dhawr shaqsi oo maqaar saar ah ay madax ugu dhigeen gobolka si shacabka loo qaldo oo loogu egeysiiyo iney gobolka heystaan dadka degaanka ka soo jeeda.

Waxeysa hada u muuqataa in shacabku ay fahmeen dhagarta iyo qatarta argagixisada ay ku hayaan shacabka Somaliyeed gaar ahaan kuwa Hiiraan sidaasi daraadeed shacabku waxey bilaabeen iney si toos ah u taageeraan Hiiraan State oo Shabaab lagu cidleeyo magaaloyinka waaweyn.

Ururka Shabaab oo horaantii sanadkii hore dadka ku guubaabin jiray jihaadka ayaa hada u muuqda kuwo hareer maray iyagoo hada ku mashquulay 3 arimood oo aan looga baran qof jihaad doon ah.

1- Naag jaceyl 2- Hanti abuurasho oo shacabkii ayey dhacayaan. 3- Baabuur jaceyl. waa koox ay wado hawo aduunyo ma ahan kuwo loogu talo galay diin jaceyl iyo ixtiraamka shacab muslin ah oo waliba soo maray colaado 20 jirsaday.

Dowlad goboleedka Hiiraan State ayaa si weyn ula socda dhaq dhaqaaqa ajaanibta ku soo duushay shacabka iyo dhulka Hiiraan kuwaasi oo siweyn uga amar qaata Al qaidada rabsahdaha ku haya caalamka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | chaussures nike on February 25 2011 03:15:37
nice nike air max is very Comfortable
discount nike air max pas cher on sale
cheap air max shop is here
cheap air max is very good
our chaussures nike air max is Good quality
very good chaussures air max is very cheep
good chaussures air max is on sale
#2 | somali on February 27 2011 09:07:12
WAXAAN U DIGAYAA NIMAN KA SAMEEYAYA DOWLAD GOBALEEDKA HIIRAAN IN AY KAWAANTOOBAAN XAQDARADA AYWADAAN WAXAAN KULATALINAAYAA IN AY DADKA DAGAN HIIRAAN KAWADA QEYBGALIYAAN MAAMULKA OO AY WAXQABADKEEDA KABILOWO ISU _URUURINTA HEER HIIRAAN OO AY TALAWADAAG SAMEEYAAN KADIB AYEY WAX WALBA USUURTAGALAYAAN WABILAAHITOWFIIQ

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.33 seconds
14,581,264 unique visits