Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Magaalada Belet Weyne oo hada u muuqata in ayba tahay caasimada Soomaaliya marka laga eego dhinacyo badan sida tirada dadka, ganacsiga, dhismayaasha guryaha iyo xarumaha maamulka gobolka ayaa ah magaalo aad u mashquul badan kedib markii ay halkaasi siyaabo kala duwan u gaareen qurbajoog fara badan oo halkaasi u tagay sidii ay uga qeybgali lahaayeen shirweyne uu dhawaan iclaamiyey Ugaaska beesha Xawaadle.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif oo tan iyo markii uu dib ugu laabtay gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Belet Weyne ayaa ku guuleystay xalinta qilaafyo badan oo ka dhex aloosnaa beelo walaalo ahaa oo mudo uu dagaal ku dhex marayey dhul beereed ku yaalay waqooyiga magalada Belet Weyne gaasi oo ugu danbeyn xal laga gaaray.

Ugaaska ayaa sidoo kale gudi odoyaal ah u diray tuulooyinka dhinaca waqooyi ka xiga magalada Belet Weyne isagoona shacabka Tuulooyinka saaran wadada laamiga ah ka codsaday in la nabadgaliyo dadka musaafurka ah ee ku safraya dhulka Hiiraan taasi oo laga balan qaaday gudigii odoyaasha ahaa ee uu Ugaasku diray.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif oo tan iyo markii xilkaan Ugaasnimada loo boqray ka shaqeynayey nabadeynta iyo siii loo kaalmeyn lahaa dadka dan yarta ah isagoo gurmad dheer u galay sidii waqtiyadii xumaa ee la soo maray ilaa maanta gargaar u raadiya agoonta ku xareysan xarunta agoonta Ugaas Khalif ee magaalada Belet Weyne.

Ugaaska waligii qofna naftiisa iyo mida qoyskiisa wax uma weydiisan dadka laakinse si aan horey loo arag ayuu ruuxa u agdhigay sidii loo gargaari lahaa caruurta ku xareysan xarunta Ugaas Khalif oo kor u dhaafaya boqolaal.

Ugaaska ayaa intii uu Ugaaska ahaa waxey isaga iyo Ugaaska beesha Murusade Ugaas Maracade ku guuleysteen iyagoo dhiiragelin ka helaya jaaliyada UK oo ay ku sugan yahiin shacab ka soo jeeday labada beelood iyadoona halkaasi lagu damiyey dagaal ka bilaawday markiisii hore dilal iyo aano qabiil ugu danbeyna ku fiday ilaa tuulooyinka xadka la leh Hiiran sida Wabxo oo ay halkaas shacab badan ka qaxeen halka ay qaarkoodna waxyeelo labada dhinac ah soo gaartay heshiiska labada Ugaas ay ku gaareen magaalada Ceelbuur kedibna waxey labada shacab ilaa maanta ku wada nool yahiin deris wanaag marka laga reebo in xasuuqii Jun,18, 2009 ee ka dhacay magaalada Belet weyne oo lagu laayey waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle ay shaqsiyaad beeshaasi ka soo jeeda Soomaalidii kale oo aan hadlin shacabkii la laayey Gaaleysiiyeen, laakinse Ugaas Cabdiraxmaan iyo waxgarad badan oo Soomaaliyeed waxey aaminsan yahiin qofkasta oo Soomaali ah oo mar qaldama inuu maalin uun wax wanaagsan qaban doono raxmada allane aan laga quusan Soomaalina ay markasta tahay Soomaali waqtigan adagna ay dadka iyo dalkuba maalin uun ka baxayaan.

Dib uguma laabaneyno arintaas hada waxkastana waqtigooda in lala sugo ayaa haboon hadaanse dib ugu laabano shirkii ugu danbeeyey ee uu Ugaaska Xawaadle iskugu yeeray beesha ayaa waxaa uu ahaa mid iskugu jiray xalinta qilaafaad ka dhax jiray jifooyin ka mid ah beelweynta Xawaadle iyadoona Ugaasku xaliyey qilaaf dhexyiilay labo jifo oo ka soo wada jeeda beelweynta Xawaadle ugu danbeyna waxey labadii jifo Ugaaska Xawaadle ka gudoomeen nabadii waxaana halkaas ka dhacay sida sawirada ka muuqata iscafis iyo marxabeyn.


Mar aanu xiriir la sameynay qaar ka mid ah qurbajoogtii dhawaan gaaray magaalada Belet Weyne oo wadanka ka tagay isagoo yar waligiina aan arag Ugaaska Xawaadle ayaa inoo xaqiijiyey in uusan waligii arkin beel sidan Ugaaskeeda u ixtiraameyso isagoo tusaale u soo qaatay sida xikmada leh ee uu Ugaasku u kala yaqaano beeshiisa.

Tusaale waxuu yiri shaqsi amaba jifo hoosaad ayaa mid kale wax ka tirsaneysa markii ay dhibta ay qabto sheegato odoyaal ayaa loo saarayaa xal ka keena markii ay xaalada adkaato waxaa dib loogu celinayaa Ugaaska kedibna Ugaaska marka uu qofka dhageysto waxuu leeyahay dhibtii aad qabtay iyo waxii aad tabaneysay waad ku mahadsan tahay waxii aad ku daawoobi laheydna ii raaci ayuuna u dabadhigaa isagoo waxoogaa kaftan oo kale ka dhigaya, qofkii aan munaafaq aheyna isla markii ayuu sheeganayaa waxii uu ku qanci lahaa.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif ayaa tan iyo markii uu ku laabtay Hiiraan waxaa kale oo uu ku guuleystay sidii ay jifo hoosaadyada beelweynta Xawaadle u keensan lahaayeen nabadoono iyaga metela waxeyna Jifooyinku hada yeesheen intooda badan nabadoono sax ah halka ay kuwa aan wali yeelan nabadoon kumeel gaar ah la yimaadeen inta ay iska wareysanayaan maadaama uu Ugaaska beesha Xawaadle iclaamiyey shirweyne dib u heshiisiin inta aan la gaarin reer Hiiraan iyo Soomaaliweyna waxuu howsha ka bilaabay gurigiisa oo aanu ula jeedno beesha uu Ugaaska u yahay.

Arinta iyaduna aad muhiimka u ah ayaa ah in dhamaan shirarka uu iclaamiyo Ugaaska beesha Xawaadle ay dhaqaalaha ku baxayo ay bixinayaan qurbajoogta iyo ganacsatada beesha Xawaadle maadaama uusan shirku aheyn mid siyaasadeed yahayna shir dib u heshiisiin iyo nabadeyn ku qotoma arimaha dhaqanka.

Hadaba marka ay dhamaadaan shirarkaan yar yar waxaa dhawaan loo gudbayaa shirweynaha waxaana si joogta ah dadka ku xiran shabakadan ugu soo gudbin doonaa hadba meeshii ay wax marayaan iyadoo aanu wararka hada kedib joogto uga dhigi doono.

Isha Warka Hiiraan State
webmaster"hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,613,267 unique visits