Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno magaalada B/weyne oo siweyn looga dareemayo qaban qaabada shirweynaha nabada oo ah gogol uu fidiyey Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Cabadiraxmaan Ugaas Khalif ayaa waxey gudiyada howshaan qaban qaabadeeda wado ku mashquulsan yahiin qaban qaabadii ugu danbeysay.

Shirka oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa dib loo dhigay ilaa maalmo cayiman kedib markii ay codsiyo isdaba joog ah ay soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah gudiga qaban qaabada qurbajoog badan iyo waxgarad ka kala imaanaya caalamka oo qaarkood transit ku ah wadamada geeska Africa iyo Yurub.

Shirkan oo qaban qaabadiisa la soowaday mudo intii aan lagu dhawaaqin ayaa waxaa beesha Xawaadle ugu baaqay Ugaaska inta aan loo gudbin reer Hiiraan iyo Soomaaliweyna waxaa siweyn ugu jawaabay qurbajoog badan iyadoona ay hada magaalada ku sugan yahiin amaba ay gaareen qaar badan oo ka mid ah qurbajoog ay mar hore iskugu danbeysay waxaana xusid mudan in xitaa rag horey ugu kala aragti duwanaa dhinaca siyaasada ay shirka wada joogaan maadaama uu yahay shirku mid dhaqan, waxaana halkaasi ka socda kaftan iyo casuumado kala duwan oo loo sameynayo qurbajoogta qaarkood oo markii ay halkaas gaareen ku arkey magaalada nolol ka duwan tii ay qiyaasayeen.

Qurbajoogtaan ayaa marka laga soo tago shirka ay halkaas u tageen waxey dhamaalo xoogan soo galiyaan magaalada maadaama ay halkaas la tageen dhaqaalo xoogan eheladoodana magaalada ugu iibinaya waxii ay u baahan yahiin sida cunto, dhar iyo lacago cadaan ahba, xaqiiqadiina siweyn ayaa looga dareemayaa magaalada isbedel dhinaca dhaqaalaha ah.

Wafuuda shirka ka qeybgaleysa ayaa inta aysan gaarin shirka loo diyaariyey gudiyo qaabilsan dhianca soo dhaweynta kuwaasi oo gawaarida loo yaqaano 4*4-ka iyo kuwa raaxada ugu diyaariyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif ee magaalada Belet-Weyne iyadoona dadka shirka qurbaha ka imaanayo loo diyaariyey rag iyo dumar qaabilsan soo dhaweyntooda iyadoo loo diyaariyey guryo aad u qurxan oo loogu talo galay in ay ku nagaadaan mudada uu shirku socdo.

Hadaba waxaanu saacadahii ugu danbeysay ka soo diyaarinay warbixino kala duwan oo aanu inteeda badan la yeelanay waxgarad, aqoonyahano, culimo, nabadoono dhamaantood ku kala sugan Hiiraan iyo dunida dacaladeeda iyadoo ay qurbajoogta isku diyaarineysa ka qeybgalka shirka inta hada Hiiraan gaartay ma ahan ee kuwa hada abaabulka wada ka ee tagaya qurbaha ay inoo xaqiijiyeen in ay ku sii hakan doonaan dalka aanu walaalaha nahay ee Jabouti inta aysan gaarin Hiiraan si dhaqaalaha ay wadamo kale ku bixin lahaayeen ay iyaga u qaataan maadaama ay sida ay sheegeen madaxda iyo shacabka jabouti ay qiimo weyn ugu fadhiyaan umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan reer Hiiraan.

Amaanka magaalada ayaa ah mid aad u wanaagsan waxaana si wada jir ah u sugaya ciidamada iyo shacabka oo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn xoogan taasi oo aad u yareysay falalkii amaandaro ee magaalada ka dhici jiray mararka qaarkood iyadoo ay ciidamadu habeen iyo maalin sugayaan amaanka taagro shacabna helaya.

Hadaba inta badan waxaanu wararkeena u weecin doonaa shirweynaha ka furmaya magaalada Belet Weyne dhawaan inagoona qurbajoogta aysan u suurogalin in ay ka qeybqaataan ka haqabtiri doona wararkii ugu danbeeyey iyo hadba meesha uu marayo shirka maqal iyo muuqaal maadaama wafuuda ugu badan ay ku aadan yahiin marka uu shirka furmo kedib amaba uu dhawr maalmood socdo.

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,568,891 unique visits