Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Waxaa maanta lagu soo gabo gabeeyey duleedka kore ee magaalada Belet Weyne shirweynahii wadatashiga iyo dhaqanka beelweynta Xawaadle ee dal iyo dibad looga yimid kaasi oo hada dhamaaday wajigiisa 1aad.

Inta aanan u guda galin ka hadalka qodobada iyo waliba qaabkii uu shirka u dhacay waxaa amaan mudan dadaalka aan la xaqiri karin oo ay muujiyeen ciidamada nabadgalyada Hiiraan qeybahooda kala duwan oo 95% la dhihi karo amaanka guud ee shirka amaba howshii loo xilsaaray mudadii uu shirku socday sidii loo siiyey kaartada lagu sugayey nabadgalyada uga soo dhalaaleen,taasi oo aad u farxad galisay ciidamada Amisom ee ku sugan Hiiraan gaar ahaan kuwa Hiil-Walaal oo ciidamadan waqti badan iyo tababar xoogan intaba siiyey mudadii ay ku jireen xerada Lamagalaay.

Ciidamada Hiiraan sidii ay howsha oo hada bilaaw ah u guteen mudadii uu socday shirka waxaa la dhihi karaa ciidamadan amaba dhalinyaradan ay hada indhaheenu qabanayaan ma ahaan kuwii aanu arki jirnay bilo ka hor waana kaaf iyo kala dheeri awooda iyo kalsoonida ka muuqata iyo sida ay shacabka ula kaftamayaan iyagoo dhinaca kalena amaanka aad u sugaya Thanks to our great helpers or Hiil-Walaal.

Ma dooneyno in aanu ka hadalno qaabkii ay difaaca ugu jireen howl-galadoodana u wateen in aanu ka hadalno laakinse waxey dhamaantood muujiyeen masuuliyad iyo aqlaaq ay ku kasban karaan shacabka Hiiraan.ciidamadan oo dhawaan ka helay dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti qalab militeri kedib markii la xaqiijiyey in ay yahiin ciidamo la aamini karo oo tababar xoogan qaba ayaa lagu wadaa in ay shirarka danbena amaanka sugidiisa sii xoojin doonaan maadaama shirarka soo socda wax badan ka duwanaan doonaan midkaan maadaama gogosha hada fidsan inta ay beelweynta Xawaadle iska wareysanayaan sidii ay u fulin lahaayeen 9 kaas qodob ee uu Ugaaska marqaatiga uga dhigay fulinteeda Ilaahey iyo Soomaaliweyn amaba inta ku hadasha afka Soomaaliga ee ku nool bariga afrcia.

Durbaba waxaa soo baxaya inta aan la gaarin shirweynaha reer Hiiraan in ay beelaha kale ee reer Hiiraan siyaabo kala duwan isku wareysanayaan si ay isku turxaan bixiyaan ka hor inta aysan imaan shirweynaha in ay arimahooda sida beesha Xawaadle u maareeyaan iyagoo gaashanaya dadka ay talada ka godo.

Sida muuqata waxaa reer Hiiraan sharaf weyn u ah sida iyadooba la gaarin in ay beeluhu ka wada hadlaan waxii dhaxyaala ay bulshadu isku dhaxgashay oo ay u doonayaan sidii ay colaada ugu bedelan lagaayeen nabad si ay caruurtoodu u helaan waxbarasho, caafimaad iyo nabad lagu dageyn karo.

Marka aad la sheegeysato shacabka waxey kuu sheegayaan in beelaha Hiiraan oo waxii dhexyaala ka hadla inta aan Soomaaliweyn loo gudbin ay ka dhigan tahay in ay soo laabatay karaamadii iyo sharaftii ay bulshada ku dhex lahaan jireen Ugaasyada,Wabarada,Salaadiinta iyo waxii la mid ah.

Sikasta oo ay ahaataba waxaan la dheyelsan karin sida wada jirkaa ee ay beelweynta Xawaadle dal iyo dibad u ajiibeen baaqa Ugaaska waxeyna u muuqataa marka la eego qodobada badankood in ay beeshaani ku socoto wadadii nabada waase hadii qodobka ugu muhiimsan ee ah in ay jifooyinka ay beeshu ka kooban tahay la yimaadaan nabadoono sax ah maadaama ay hada kaliya nabadoono sax ah ay leeyahiin 2 ilaa 3 jifo oo kaliya halka intooda badana ay nabadoono kumeel gaar ah shirkaan u soo dirsadeen.

bulshada Soomaaliyeed xiliyadii colaada iyo dagaalada sokeeye dhaqankii xitaa saameyn ayuu ku yeeshey oo waxaad arkeysaa dad si sahlan u sheeganaya xil naabdoonimo aysan jirin jifo amaba beel ka shirtay oo u dooratay beelaha arintaan 23-kii sano ee ugu danbeysay ay arintaas saameysay ayey beesha Xawaadle ka mid aheyd hada kedibse lama oga waxeysa waxkasta ku xiran yahiin sida ay beeshu daacad uga noqdaan qodobada uu Ugaasku marqaatiga uga dhigay Ilaahey arintaas oo aan ciyaar ciyaar gelin.

Isku soo duuboo beesha Xawaadle waa loo yaabaa hadey sidey Ugaaska baaqiisa uga jawaabeen ee ay u adeeceen ka soo qeybgalka shirka dal iyo dibadna iskaka yimideen u fulin waayaan qodobada marqaatiga looga dhigay Alaah subxaanahu watacaala ee uu Ugaasku hortooda ku saxiixay.

La soco dhawaan qeybteean labaad iyo dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa mudadii uu shirku socday.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.29 seconds
14,568,479 unique visits