Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:–Magaalada Belet Weyne oo ay fidsan tahay gogol nabadeed dhawaana uu ka dhacay shirweyne dhinaca dhaqanka ah oo dal iyo dibad looga yimid kaalin muuqatana ay ka qaateen maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaasi ka socda qorshe lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada, waxaana inta badan ka bilaawday baaritaan guri guri ah.

Inta badan dhibaatada shacabka ka soo gaari jirtay lagu ugaarsan jiray ayaa waxaa badanaa laga abaabuli jiray Hotelada magaalada oo ay aad u sahlan tahay in aad si fudud ku degto xili ay hada Hotelada ka buuxaan dhalinyaro badan oo aan degaanka ka soo jeedin.

Dhalinyaradaan ayaa joogitaankooda magaalada siyaabo kala duwan lagu micneeyey waxeyna iskugu jiraan qaar magaalada ku yimaada qaab ganacsi lamana arko iyagoo howlo ganacsi ku dhaxjira mudo markey joogaan ayaa la waayaa meel ay jaan iyo cirib dhigeen. qaar kale waxey magaalada soo gelin jireen lacagaha bugta ah ee Shilin Soomaaliga waana kuwa amaanka magaalada qalqalgaliya maadaama ay shacabka ku qaaliyeeyaan maciishada.

Marka laga reebo tiro yar oo ka mid ah Hotelada magaalada Belet Weyne oo aan laga kireyn qof aan la aqoon hadane intooda badan ma jirto sharuudo lagu dego dadka Hotelada maamulana maku wargelin jirin booliska magaalada waxii hada ka horeeyey.

Sikastaba howlgaladan ayaa waxweyn ka bedeli doona nabadgalyada guud ee magaalada Belet Weyne maadaama ay shacabku diyaar u yahiin amaba ay hada sida muuqato wada shaqeyn ay ka dhaxeyso qeybaha kala duwan ee ciidamada amaanka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.71 seconds
14,579,400 unique visits